Mahad Dayib
Nogobi
Mar walba waxaa jirta rajo ah inaan heli doono wax qurux badan oo aan muuqan oo mudan in la sugo.📚🤍]
دائمًا هنالك أمل بأن يڪون لنا في الغيبِ شيء جميل ويستحق منا الإنتظار .📚🤍
31/05/2024
Dabciyada ay dadku leeyihiini waxa uu u kala saaraa dadka 6 qaybood, ee adigu keebaad tahay saaxiib.? 🧐
1. Qof aan lahayn wax yool ah, ama hadaf uu ku dadaalo sidii uu u gaadhi lahaa, oo haddaad weydiiso oo aad tidhaadid maxaad doonaysaa oo kuu qorshaysan kugu jawaabaya garan maayo laakiin mar haddii aan noolahay igu filan. 😐
2. Qof garanaya wuxuu doonayo yoolka ama hadafka, laakiinse aan garanayn sidii uu ku gaadhi lahaa Yoolkaasi, helinna cid markaasi ku toosisa waddada saxda ah si uu u gaadho hadafka ama yoolka uu doonayo, qofkani kii aan yoolkaba lahayn waa uu ka liitaa. 🫤
3. Qof garanaya wuxuu doonayo, yoolka ama hadafka uu tiigsanayo, waddadii iyo qorshihiina garanaya, hase yeeshee aan naftiisa ku kalsoonayn in uu guul soo hoyn karana aan aaminsanayn, kani waa ka murug badan yahay labadii h**e. 😞
4. Qof garanaya wuxuu doonayo, garanaya waddadii uu u mari lahaa naftiisa ku kalsoon in uu gaadhi karo yoolkaas ama hadafkaas, laakiin waxaa raad ku yeesha hadalka dadka oo qof kasta oo rayi u soo jeediya isaga oo hawshii ku jira wuu maqlaa, mid ku odhanaya sidan ayaa wanaagsanaan lahayd in aad samayso, qof kale oo hadana bedela isaga oo aan qorshihii uu waday ka gun gaadhin, dadka badankiisuna noocan ayey u badan yihiin, qofka noocan ahi wuu ka sii liitaa sadexdii nooc ee h**e. 🥲
5. Qof wuxuu doonayo garanaya, waddadii uuu mari lahaana ay umuuqato, naftiisana ku kalsoon in uu guul soo hoyn karo, dadkuna aanay raadku yeelan oo ayna qorshihiisa waxba kabadeli karin, hasa yeeshee fikir ka wanaagsan uun ka qaata, laakiin qof kani guul kasta uu gaadho isaga ayaa dib u burburiya oo uhalleeya, hadduu dhaqaale badan abuuro meelaan haboonayn ayuu ku baabi'iyaa, markuu guusha ugu horaysa gaadhana wuu iscajabiyaa, ka dibna waa uu fashilmaa. 🤝
6. Qof garanaya waxa uu doonayo, waddadii uu umari lahaana u muuqato, naftiisana ku kalsoon iyo awoodda Ilaahay siiyey guul in uu gaadhi karana aaminsan, dadkana warkooda wixii ka anfaca ka qaata, yoolkiisana laga leexin karin, guusha uu gaadhana aysan caqabad ku noqon ee markuu hadafkiisa ama yoolkii uu doonayey gaadhaba midkale u qalab qaata, ilaahayna talo saarta. 👌
Guri in la dhiso oo boqcaddii laga dhisilahaa iyo qorshe sawireedkii lala yimaadaa waa lama huraan. Guusha noloshana joogtayn iyo in qorshe cad lala yimaada hagta. 💯
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Addis Ababa
0447A