Hormoodka Ciisaha
History
01/06/2022
Waxaa isweydiin mudan waxa ey isku fahmeen ibraahim iyo adan farax lkn ey isku fahmi waayen adan iyo 2nin ee kale waa dr yusuf iyo mahdi giire?
21/02/2022
Waa kuma shakhsiga Soomaalida kumatalaya Koomishinka wada-tashiga heer Qaran ee Itoobiya? Wax ka ogow:
Ambassador Maxamuud Dirir Geeddan ayaa kamid noqday 11 ka xubnood ee hogaamin doona Koomishinka Wada-tashiga heer Qaran ee Itoobiya; hoos kadaalaco taariikh nololeedkiisa oo kooban.
Magaca: Ambassador Maxamuud Dirir Geeddan
Goobta dhalasho: magaalada Diridhaba
Taariikhda uudhashey:23rd Sebtembar, 1959
Luuqaddaha uu yaqaano: Ingiriisi, Carabi, Faransiis, Cibraani; iyo Luuqadaha kala duwan ee dalka sida Soomaali, Amxaari, Harari, Oromo iyo Tigree.
Maxamuud Dirir Geeddi waxa uu ka bartay Qur’aanka Kariimka Sheekh Cumar Faatax
Dabadeed waxa uu waxbarashadiisii ka sii watay dugsiyadii St. Abune Andarias iyo Bisrate Gabriel ee Diri-Dhaba.
Tacliinta Sare: Waxa uu 1990-kii ka qalin jabiyay Jaamacadda Dimishiq, (Syria), halkaas oo uu ka qaatay bachelor's degree BA oo ah English Literature.
Daraasado dheeraad ah oo uu sameeyay; wuxuu shahaadada Masters Degree ga ku qaatay "International law" sharciga caalamiga ah Jaamacadda Amsterdam.
Dhinaca Siyaasadda: waxaa loo doortay Golaha Deegaanka, loo aasaasay in lagaga doodo; iyo in la saxo Dastuurka Federaalka ee Itoobiya, horraantii 90-kii.
Afar jeer oo xiriir ah ayaa loo doortay tan iyo 1995-kii baarlamaanka federaalka Itoobiya.
Waxaa 1996 loo magacaabay Safiirka Itoobiya ee Zimbabwe.
Waxa uu qabtay Xilal Wasaaradeed oo kala duwan ilaa 1999; halkaas oo uu ka soo noqday
wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo isgaarsiinta; Wasaaradda Macdanta; iyo Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Wuxuu ahaa Safiirka Itoobiya ee Masar muddo lix sano ah; wuxuuna goob joog ka ahaa kacdoonkii caanka ahaa ee Masar 25-kii January 2011, kaasoo xukunka looga tuuray Mubaarak.
waxa uu la taliye gaar ah u noqday laba ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalka.
Waxa uu ka qayb-galay wada-hadalladii GERD ama biyo-xidheenka wayn "Grand Ethiopian Renaissance Dam" ee saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan.,,
14/02/2022
Part 2
SABABTA DUMARKU LA OOYAAN ?
Hooyadu waxa ay ubadkeeda siisaa farxad iyo wanaag aan la soo koobi karin xitaa hadii uu dhibo ama ku dhibtooto waxay ku ilowdaa wax yar oo dhibka ay ubadkaas kasoo martey badalka dhibkana waxay siisaa jacayl xanaano ilaalin korin iyo dhiiri_galin waxay ka saxda khalad walba ilaa ay u bilowdo habka hadaaqa kalmada erayga iyo qaab u hadalka
OOHinta ayaa dumarka la siiyay si ay uga yarayso wixii dhib ahaa ee garay waana mid ay xaajo u keento
Markii ay faraxdo way oydaa !!!
Markii ay dhibtooto waa oydaa haweenaydu !!!
Marka ay wax gaaraan kuwa ay jeceshahay waa ay ooydaa !!!
Xitaa hadii ay kala maqnaadaan
Shaqsi ay jeclayd ha u ahaado walaal ama waalid waa mid oyda
Oohintaas ayaa ka yaabi,isa xanuun oo dhan halkaa waxay kasii wadaa nolasheeda caadiga ah iyadoo farxad cusub lasoo baxaysa
Sidaa daraadeed waxaa inagu waajib ah in aan ixtiraammno dumarka hadii aan aragno iyadoo ooyeysa hala yaabin la qaybso oo u muuji wanaag farxad iyo raligalin
Waxaadna ogaataa waxaad ku dhex beerantay uurka haweenayn ood ku dhex nooleyd mudo waxaad cuntada uurka hooyada kaga dhex quudan jirtay xariga mandheerta ah oo aad ka dhigaysa nafaqo oo dhan markii aad soo baxday waxaa lagaa jaray xarigaas
Ilaa maanta waa tan calaamada kuu ah
Ogow dumarka siiba hooyadaa waxay kuu tahay hudheel aad cuntada ka cunto marka baahato
Hospital marka aad bukooto
Xaflad marka aad faraxsan tahay
GAmbaleelka saacada markaa seexato ilaa yaraantadii waxa kaa kicin jirtay hooyada
Hooyadaa waxa ay kuu tahay duco tan ugu qalisan ee uu ALLE aqbalo
Talow hooyo qaalisanaa ALLOW karaamee aduun iyo akhiraba
Waxaan aad ulla yabaa marka guriga tagto ahow oday duq wiil ama gabar waxaad leedahay away hooyadey adiga oon waxba ka rabin !!!
HOOYADU WAA WADAN DHAN
Si walbood uga fogaato ha moogaan hooyadaa ka ducayso
Ubaari samee ILLAAH hakaa yeelo hooyadey iyo hooyooyinkeenba kuwo loo danbi dhaafo ILLAHAY ha u naxariisto aduun iyo aakhiraba ameen Ameen
13/02/2022
SABABTA AY DUMARKU LA OOYAAN ?
Wiil yar ayaa waydiyay hooyadii
Hooyo maxay dumarku la ooyaan ?adigana la oydaa !!!
hooyadii ayaa ku jawaabtay sababto ah waxaan ahay hawenay
Wiilkii yaraa ayaa yiri
warkaas ma fahmin hooyo
hooyadisa ayaa laabta ku qabatey wiilkeedii yarra oo ku tiri waligaa fahmi maysid hooyo ariinkan
intaa kuma harin wiilkii yaraa waxa uu u tagey Aabihii oo uu weeydiyay
Aabe maxay haweenku la ooyaan ?
Abihii ayaa ugu jawaabay dumarku waa nooca oo way iska ooyaan
Naagaha oo dhan baa iska ooya sabab la,aan
Wiilkii kuma qancin jawaabta abihii
Waa uu koray oo waynadey waxa uu noqdey nin wax badan kala bartey lkn su,aashii ahayd maxay dumarku la ooyaan wali qalbigisa k**a bixin
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu arkay
Nin xikmad badan waxa uu ku yirri
Xakimow su,aashan iga shaafi San ku waydiiyo
Xaakimkii ayaa yirri adeer I waydii su,aashaada
Wiilkii waynaadey ayaa yirri
Xaakimow maxay Haweenku la ooyaan ?
XIKMADLIHII AYAA YIRRI
ILLAHAY markuu abuuray khalqiga
Haweenka waxa uu ILLAHAY siiyay
Awood gaar ah waxaana la siiyey dumarka Dhabar iyo awood aan la siin noole kale waxay u dulqaataan dhibka aduunka oo dhan waxa uu ILLAHAY siiyay dumarka labo gacmood oo xanaano badan oo laga helo raaxo iyo daganaan waxay siiyaan ilmahooda iyo wixii la hal_maala
ILLAHAY waxa uu dumarka siiyey awood gudaha ah oo ay ugu dulqataan dhibka iyo rafaadka caruurta sida dhalmada iyo korinta ubadka waxay leyihiin dumarku awood in ay u soo jeedaan ilmahooda daraadii habeen oo dhan maalin oo dhan nafteda tiisa ayay ka hormarisaa
Dumarka waxaa la siiyay adkeysi midka ugu wayn oo ah dulqaashadu dhibka kaga imaanaya wax walba oo ku xeeran
Sida in ay ilaaliso ubadkeeda una fuliso wax walba oo ay karto ama awoodo
Waxay siisaa haweenay ubadkeeda ramxad farxad xanaaneen ubadkeeda sayigeda walaalkeed aabahed❤ iyo intii wax u ah iyada
Dumarka waxay ka sameesan yihiin naxariis wanaag aan is badalin waligii......
Xigasho;
04/02/2022
Dhaqan aan gaboobeyn soojirey gu'yaal badan
26/01/2022
Qeybtii 3aad
Waxey noo mareysey samirre oo hadalkii u wareegey, wuxuuna ku bilaabey hadalka
Samirre wuxuu kasoo sheekeeyey dowladihii kacaanka ka h**eeyey siddii
Ey udayaceen beesha ciise waxakale oo
Uu tilmaamo ka bixiyey boqortooyaddii
Heyle silaase,
Waxey tarto daaye iney duulaamo ciisaha
Kusooqaaddi jirtey, maantana waxaan heysanaa dowlad dadkeeda la jecel horow
Mar dhinac walba ah, barnaamijkan maanta na horyaalna waa mid lagu farxo
Oo qiimo badan, mar 2aad ayaan dowlada
yadana uga mahadnaqayna ee koronellow
Imaqal;
Baribaa waxaa jiri jirey nin boqor ah oo dadkiisa la jecel barwaaqo iyo horowmar.
Boqorkaasi markuu muddo joogaba wuu
Socdaali jirey si uu umadiisa xaalkeeda
Xaalkeeda u ogaado,
Maalinmaalmaha kamida ah ayuu boqorki
Socdaal dheer ubaxey, waxaa sii raacey
Askar badan, waxey la kulmeen shimbir
Geed qalalan saaran oo haddana aad u faraxsan oo qosol kujirta.
Boqorkii wuxuu layaabey shimbirtan meesha kulul ee saxaaraha ah joogta ee
Haddana faraxsan, wuxuu amar ku bixiyey
In shimbirta lasoo qabto oo lageeyo qasri-
gii boqortooyada ee dhirta, tigaadda iyo
Biyaha badnaa.
Boqorku wuxuu filaayey marka shimbirta
La keeno qasriga iney qosolka iyo farxada
Sii biiriso, hasayeeshe dhaqaaqba waa laga waayey oo madluunbey noqotey shimbirtii, biyo iyo baadna wey kadagi
Waayeen boqor kii markuu kayaabey iney
Iney shumbirtu dhimato ayuu amar ku bix-
iyey in la qaado oo mèesheedi lagu celiyo,
Mar allaale markii lageeyey meesheedi
Saxaraha ahaa waxey bilowdey farxaddi
Iyo qosolkii,
Hadaba koroneylki dowlada itoobiya waa sida boqorkaa oo waxey nala dooneysaa
Barwaaqada iyo wanaagaa aad soosheegtey ciisuhuna waa sida shimbirta oo kuleyl iyo dhulka aan tigaada
Laheyn ayuu kufaraxsanyahey waanan ka
Baxey hadalki ayuu kusoo koobey,
Koroneylki intuu aad uqosley ayuu yidhi
Samire waan ka filaayey inuu saas uhadle
Ciisow intiina kale maxaad leedihiin,
Waxa loogu jawaabey halku samire ka qaadey baan ka qaadney oo halkuu dhigay baan dhigney ayaa markaliya loogu jawaabey,
22/01/2022
Ciise waa wada ciise nina nin caara madheero
22/01/2022
Qeybtii 2aad
Waxaa shirkii furey wakiilkii dowladda coronelki hararge. Wuxuu halkaa kajeediyey khudbad dheer oo uu kaga
Waramey barnaamijka ey dowladdu wado
Waxaana hadaladiisii kamid ahaa.
Ciisow dhulkiinu waa abaar oo roobabkii
Baa kuyaraaddey dhirtiina wey kadhamaa-
tey dowladduna waxey ka cabsi qabta iney xooluhu idinkadhamaadaan sidaa
Daraadeed waxey dowladdu dooneysaa iney idiin rarto deegaano kale oo barwaqo
ah si ey idiin badbaadiso haddi aad doon
taana aad beero ka qodataan.
Koroneylkii markuu hadalkii dhameeyey
Fariintii dowladda kacaankana uu gudbiyey waxa hadalkii qaatey ugaas xasan xirsi,
Ugu horreyn ugaasku wuxuu dowladda usoo jeediyey mahadnaq ku saabsan
Barnaamijka ey ku dooneyso iney ku bar-
Waaqeyso dadkeeda.
Intaa kadib wuxuu hadalkii ku wareejiyey
Samirre geelle oo uu ka codsadey inuu isago ku hadlaayo afkii beesha ciise uu u
Jawaab ka bixiyo barnaamijka ey dowladdu usoo bandhigtey ciisaha.
Intuu samirre hadalka qaadan waxaa soo
Dhexgaley gudoomiyihii shirka koroneyl
Wuxuu amar kusiiyey turjumaankiisi inuu
Hadalka samirre kelmed kelmed ugu turjumo oo aanu waxba dhaafin,
Waayo koroneylka iyo samirre maanta isuguma horreyso oo horrey ayey shirar
Uwada galeen lagaga hadlaayey arrimaha
Deegaanka,
Odayaddi goob joogga ahaa ee dhacdadan weriyey waxey sheegen,
Inuu gudoomiyuhu fillaayey inuu samirre
Diidmo ka keeni doono barnaamijkan
Dowladdu usoo bandhigtey,
Hadal iyo dhammaan samirre ayey doodi
Usoowareegtey waxuuna ku bilaabey
Mahadnaq dowladda uu usoo jeediyey.
Qeybta 2aadna halka ha noo joogto
Lasocod wacan qeybta 3aad iyo samire
Iyo koroneylku waxey kala fallen
Dhiri gallintu waa dhankiina hana iloobin
Shere ta iyo like taba mahadsanidiin
19/01/2022
Waa qiso kamid ah qisooyinka soomarey
Beesha kuwii ugu cajiibsana, waa qisadii
Samirre geele iyo dagmada erer wakhtigii
Coronel mingistu uu wadanka ka talinayey
Qeybta 1aad ee qisada
Dhacdadani maaha gar laqaadey ee waxey kamid tahey siyaasadihii ey ula
Yimaadeen ciisaha guumeystayaashi dhulka qeybsadey mid kamida,
Waxeyna qisadu udhacdey sidan.
Xilligii uu dalka etoobiya kajirey xukunkii
Militariga ee uu madaxda ka ahaa koroneyl mengistu,
Waxey dowladu soosaartey sanadihii sideedtameeyadii bilowgoodii barnaamij
Ballaadhan oo loogu talo galey siddii
Dadka beeraleyda ah loogu sameyn laha
Tuulooyin waaweyn oo lagusoo ururiyo
Si ey usahlanaato siddii wax loogu qaban
Lahaa looguna dhisi lahaa iskuulo iyo dhakhtaro,
Hasa yeeshe dadka barnaamijka ey dowladu waddo dhalliila waxey sheegayeen iney arrintu sidda ka duwan
Tahey oo ey dowladdu dooneyso oo kali ah siddii ey dadka xukunkeedu uhooskeeni laheyd,
Waxa kale oo barnaamijka dowladdu waddo ka mid ahaa in dadka beeraleyda
Iyo dadka reer guuraaga ah ee kala quruumaha ah ee reer etoobiya deeganadooda la isku laaqo ama la isku dhafo.
Tusaale haddaan sooqaadano. Abaarihii
Xumaa ee ka dhacey gobollada wallo iyo
Tigre sanadihii 1980yaddi waxey dowladii
Militarigu soo rartey kumanayaal beeraley
Amxaaro ah oo ey dajisey deeganada soo
Maalidu leedahey gaar ahaan wabi shabeelle iyo hareerihiisa,
Waxakale oo ey dowladu shirar badan u
Qabatey dadka soomaliyeed ee reer guuraaga ah siddii ey iyagana ugu rari lahayd deegaanno kale.
Haadaba aan sooqaadano shir ey dowladdii kacaanku ku qabatey maggaakada erer oo ku dhow magaalada
Diridhabe iyo wixii la is yidhi.
Shirkaas waxaa dowlada ka wakiil aha isla
Markaana shirkan gudominaayey koroneyl, shalleqe oo xilligga ahaa gudoo-
Miyaha gibolka hararge,
Dhinaca kale waxaa shirkaas joogey ugaas xasan xirsi oo ahaa ugaaska beesha ciise xilliga allaha unaxariiste iyo
Odayo kale oo reer magaal iyo reer guuraaba ahaa.
Halkaa ha inoo joogto qeybta 1aad
Qeybta 2aad iyo shirkoo furmey
07/01/2022
Madaama ey dowlad jirin dadkuna miyi
Ubadna sidookale dadkuna ey qabaail u qeybsanyihiin waxaa kuu muuqanaayo
Baahida looqabo xeer heshiis lagu wada
Yahey,
Odayadii xeerkan ciisaha dhigey ee sitti u
Fadhiistey waxey istuseen mahmaahdi
Aheyd ( meel aan xeer lagu laheyn waa lagu xoolooba)
Waxa kale oo ey odayadu yidhaahden
Xeer dhigashada waxa keeney si looga
Baxo 4 dhibaato oo kala ah
1 Damac
2 Duullaan
3 Dil
4 Dhac
Qodobadan waxey duqeydu ku sharaxayaan qofka amma dadka waxa marka h**e kudhasha damac, dabadeedna uu duulaa, dabadeedna wax
Buu dillaa dabadeedna waxbuu dhaccaa,
Hadaba si loodhowro lixda kabood
Ee kala ah;
= Dhiiga
= Dhaqaalaha
= Dheerta
= Dhaqanka
= Dhiblaha
= Dhulka
Guddidii xeerka dhigeysey ee sitti fadhidey tiradoodu waxey aheyd 44 odey
Oo laga sooxuley 12ka aqal (Qollo) ee qabiilka ciisuhu ka kooban yahey.
Aqal kii walba waxaa laga sooxuley 4 ama 3 odey,
Markii ey xeerka qodobadiisa dhameeyen
Xaruntii ciisaha waxa loogartey isla meshi
Lafadhiyey ee sitti oo malko aheyd.
Xilligii wixii kadambeeyey odayadi 44ka ahaa waxaa lagu magacaabey gandihii
Ciisaha oo u dhigma
Kaalinta ey dowladuhu ugu jiraan maxkam
adda sare iyo golaha sare ee distooriga ah
Guud ahaanna dantii ummadda oo dhan
Halkaaba lagu xukmiyey.
Xigasho; buuga xeer cise
Shereta iyo liketana hala moogaan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Addis Ababa