nasrudin Osman Abdulahi page
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from nasrudin Osman Abdulahi page, Health/Beauty, jigjiga, Addis Ababa.
01/12/2025
Waxaa lagu magacaaba Aamina Sheekh Axmed xuseen. Waxay degan tahay Magaalada Qarsadulla ee gobalka Liiban. Waa Quraan xaafid diintana baratay sifiican. Dadka xaafada ay degan tahay si bilaash ah ayay Quranka ku bartaa. Waxay Naafo ka tahay Lugaha iyo gacanta. Waxay haysatay gaadhi Curyaan hada joojiyay shaqadii. Qabawga ayaa dhiba oo Biyaha waysada mararka qaar ma awoodo.
Dadka Musliminta ah waxay ka codsanaysaa in la siiyo gaadhi ay ku socoto. Ganacsatada khayrka jecel waa qofkii ugu mudnaa ee Ajir iyo xasannad laga heli lahaa ee ka ducaysta. Gaadidka is waddee Naafaday u baahnayd.
Lambarkeeda: 0935038466 : Waxaa ku qoran Aamina Axmed.
Sii share-garee waa sadaqo, gaadhsii qof wax la baxa.
Ficilada uu qofku sameeyo markuu kaligii yahay ayaa u doora Khaatimadiisu siday noqon doonto.
Hadduu ahaa mid markuu kaligii yahay xumaan sameeya isagoo dadka iska qarinaya wuxuu ku dhintaa khaatumo xumo hadduu ahaa mid camal wanaagsan sameeya isagoo dadka ka qarsanaya alle dartiina u sameeya wuxuu ku dhintaa khaatimo wanaagsan.
Dooro khaatimadaada.
24/10/2025
DEGMADA UGU LIIDATA DEEGANKA.
Degmada Qarsaduulla waa Degmada kaliya ee Deeganka Soomalidu intuu jiray aan hal Anteena ah laga taagin. Dhamaan qabaleeyada Degmada ay ka kooban tahay hal bira waligeed shirkada is-gaadhsiinta iyo Hawlaha guud marna k**a qotomin. Xarrunta unbay mid daciifa oo Oromiya ka soo gaadha ka jirta. Hadii qof bukaana gurmad u baahdo, waa in Deegannada kale loo gudbo ama lasoo raaco Mootoyin. Xiligii Dr Cabdifatax Sheekh Bixi, Hawlaha Guud uu joogay ayaa in saddex meel laga dhiso loo qabtay, laakin shirkadu ma fulinin. Xarrunta Degmadana meel 3KM u jirta qaballeeyada Oromiya way ka shaqaysaa.
Dhinaca kale, korontada waxaa la galiyay Magaalada Xarruunta kaliya isbadalkii keddib, iyadiina muddo sannad ah mashaqayso, keddib markii isku dhacii Oromiya saameyay oo la dumiyay tiirashii uga imannayay dhankaas. Magaallo dhawr KM u jirta se wuu ka jiraa Deeganka Oromiya. Shirkadii Korontada waxay dalbatay in lacag bixiyaan kuwii adeega laga jaray oo Degmada Qarsadulla ah, lacag boqolaal kun ah ayaa la waydiistay sidda dad goob joog ahaa noo sheegen. Siddii ayayna hakad ku gashay mudo sannad ah. Maamulka Shirkada Korontada oo aan wax ka waydiinnay arrintaas waxay sheegen in lacagtaas laga dayn doono, balse collaadaha ay saameyn ku yeellatay hagaajinta Laydhka.
Dhinaca Biyaha waligeed hal ceel unbaa xiligii Xasan Daadhi joogay laga qoday. Mana aha mid warraabin kara wax Xarruunta dhaafsiisan. Biyo-la'aan baahsan ayaa ka jirta halka deriskooda Qabalee kasta adeeg hellay.
Dhinaca jidadka waxay lamid tahay Afdheer iyo Liban, waxayna xarrunta Guradhamole u jirta 200KM, waa in lasoo warreego oo lasoo maro ilaa Afdheer iyo Deeganka Oromiya. Buundo Wabiga ka gudbin lahayd oo la qorsheeyayna miiskii lagu shaaciyay ee xafiiska Warraabka ma soo dhaafin.
Degmada xaalkedu siddaas yahay ee xuduudka ku taalla, xildhibaannada matalla qaarba hoggaamin ah. Xildhibaannada matala Jigjiga ma dhaafan, oo shacabkas is-gaadhsiin la'anta maysan awoodi waayen inay u qaylo dhaamiyaan, ee malaha hagrashaa jirta.
W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
Voss Tv
Noloshu waxay had iyo jeer leedahay waxyaabo badan oo hoos📉 kuu dhigaya. Laakiin, waxa runtii hoos kuu dhigi kara waa dabeecadaada😇☘️
06/06/2025
Goor h**e ha u dabaaldegin guusha sababtoo ah qaar ka mid ah kuwa ka soo horjeeda lama saadaalin karo.
Naftaada waqti sii
05/06/2025
Eid Mubarak Dhamaan asxaabta Qaaliga , Waxaan idin rajeynaya waqti wacan oo qurxoon in aad la qaadataan Qoysaskiina iyo Asxaabtiina.
❤️❤️
Dadka qaar waxay ku istaagan cagaheyna iyagoo leh 'cafwan oo raali noqo' balse dad ayaa ku is taago wadnaheyna iyagoon gafba u arag
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Addis Ababa
1000