Lajeclow walalka Kheyrka

Lajeclow walalka Kheyrka

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Lajeclow walalka Kheyrka, Beauty, cosmetic & personal care, Cumar zadiiq, Dire Dawa.

19/02/2026

Ramadan Muparak 🤍🌙

24/12/2025

Jarmalka waxaa laga yaabaa inuu dhowaan noqdo waddan Islaam ah .. waxaana sabab u noqon kara hal ninkaan oo keliya

​Ninkani waa Pierre Vogel. Wuxuuna ahaa Feeryahan xirfadle ah, oo aad u xoog badan oo aan cidna ka gaban. Balse, inkastoo uu muruqyo iyo awood lahaa, haddana qalbigiisu ma lahayn xasilooni, wuxuuna raadinayay runta.

​Sheekadiisu waxay bilaabatay markii uu da'diisu ahayd 14-sano jir. Maalin ayuu dood kulul la galay baadari Kirishtaan ah, isagoo weydiiyay su'aalo ku saabsan waxyaabo yaab leh oo uu ku arkay Kitaabka Bible-ka.

​Si lama filaan ah, baadarigii ayaa qirtay oo yiri: Runtii waad saxan tahay, Kitaabkan waa la beddelay oo waa la tahriifiyay.

​Sanadooyin kadib, Pierre oo markaas feeryahan ah wuxuu la kulmay nin faafiya diinta Kirishtaanka, wuxuuna si toos ah u weydiiyay: "Waa maxay hadafkiinna rasmiga ah?"
Ninkii wuxuu ugu jawaabay si cad: "Hadafkeennu waa inaan baabi'inno diinta Islaamka"

​Erayadaasi waxay ahaayeen kuwii nolosha Pierre gabi ahaanba beddelay. Feeryahankii xoogga badnaa wuxuu go'aansaday inuu raadiyo meesha uu xoogga dhabta ah ku jiro. Wuxuu bilaabay akhriska iyo baaris qoto dheer ilaa uu ka dhammeeyay akhriska Quraanka Kariimka ah.

​Wuxuu aad ula yaabay sifooyinka Alle (SWT) ee Quraanka ku xusan, kuwaas oo ka duwan kuwii uu ku arkay Bible-ka (sida sheekooyinka odhanaya in Nabi Yacquub uu Alle la legdamay oo ka adkaaday Subxaanallaah).

​Isla markiiba, Pierre wuxuu qaatay go'aan geesinimo leh, wuxuuna ku dhawaaqay Shahaadada. Maanta waxaa loo yaqaanna Salaaxudiin Pierre Vogel.

​Halkii uu dalkiisa ka tegi lahaa, wuxuu go'aansaday inuu Jarmalka sii joogo si uu u faafiyo nuurka Islaamka. Maanta, magaalo walba oo Jarmal ah wuxuu ku qabtaa muxaadarooyin waaweyn. Dhammaadka muxaadaro walba, tobanaan qof ayaa gacantiisa kusoo Islaama iyagoo ilmeynaya.

​Ilaa hadda, in ka badan 3,000 oo qof ayaa gacantiisa kusoo Islaamay, taas oo keentay in dadku ay ugu yeeraan "Ninkii Jarmalka Furtay" ama "Faatixi Jarmalka"

​Alxamdullilaah, Alle a

24/12/2025

La jirka Hanad Adam – I just got recognized as one of their top fans!

24/12/2025

Cali Binu Abii Daalib (RC)
Dhalinyaronimo aan dib u gurasho aqoon, iyo geesinimo aan cabsi la kulmin

Taariikhda Islaamka marka dib loo raaco, Cali Binu Abii Daalib ma ahayn nin caadi ah, balse wuxuu ahaa astaan gaar ah oo isu keentay iimaan h**e, geesinimo dhab ah, iyo sugnaan lagu yaqaan xilliyada ugu ad adag.

Wuxuu qaatay Islaamka isagoo weli da’yar, isagoon sugin, shaki gelin, ama dalban wax dammaanad ah. Wuxuu doortay waddo uu si buuxda u ogaa in dhamaadkeedu tahay shahiidnimo, balse wuxuu rumeysnaa in Xaqa uu ka mudan yahay nafta lafteeda.

Habeenkii Hijrada, markii seefaha Qureysh ay hareereeyeen guriga Nebiga (SCW), Cali wuxuu seexday furaashkii Rasuulka, isagoo dhalinyaro ah oo si kaligiis ah u wajahayay khatar dhab ah. Tani ma ahayn difaac shaqsiyeed oo keliya, balse waxay ahayd ilaalinta Risaalada. Habeenkaas wuxuu ahaa bilow muujinaya in wiilkan loo diyaariyay mawqifyo waaweyn oo adag.

Dagaalkii Badar .. dagaalkii ugu horreeyay ee Islaamka. Cali wuxuu ka soo baxay safafka h**e, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee u soo baxa dagaalka fool ka foolka ah ee Mubaarasada. Wuxuu dilay Waliid Binu Cutbah, taasoo caddeyn u noqotay in iimaan marka uu ku jiro wadne geesi ah uu beddelo miisaanka dagaalka.

Dagaalkii Uxud, markii safafku qasmeen oo qaar ka mid ah dagaalyahannad dib u gurteen, Cali Binu Abii Daalib wuxuu ahaa tiirka aan liicin, Wuxuuna difaacayay Rasuulka Alle (SCW), isagoo qaabilayay weerarrada kana hortagayay halis kasta, ilaa magiciisu noqday mid si joogto ah ula xiriira geesinimada taariikhda Islaamka.

Maalintii Khandaqa (Axzaab), Camru Binu Wud Al Caamiri oo ahaa fardooleydii Carabta ugu cabsi badnaa uguna halista badnaa ayaa ka soo gudbay khandaqa, wuxuuna ku dhawaaqay:
“Yaa ii soo baxaya?”

Aamusnaan ayaa dhacday, ma ahayn fulaynimo, balse waxay ahayd garashada halista ninkan. Markaas ayuu Cali Binu Abii Daalib istaagay dhalinyaro da’yar oo hor taagan nin Carabtu u arki jirtay halyeey aan la jebin karin. Cali Isagoon dib u guran ama lab

Photos from Lajeclow walalka Kheyrka's post 24/12/2025

Maalinta 2aad Mu'tamarka 8aad ee ansaaru sunna trust Nairobi Kenya 2025

15/10/2025

“Siday macquul u tahay inaad fahmi waydo micnaha suurada Faatixa adoo maalin kasta 5 saladood ku tukanaayay oo akhrinayay.

Waraaqaha Jarmalku idiin soo diro ma fahmi waydeen ee tani siday macquul u noqonaysa.”

Sh. Mustafe oo Muxaadiro maanta Jarmalka ka jeediyay ayaa sida yidhi.

15/10/2025

Jannadu waxay u ooman tahay aragtida Baytka Barakaysan ee Baytul Maqdis, halka Baytul Maqdisna uu ka mid yahay Jannatul Firdaws.

Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada diiniga ah fadlan follow deh profile-ka
🫡❤️

15/10/2025

“Ilaahay waa midka wax rizqiyeeya (cunto, nolol iyo risiq siiya makhluuqaadkiisa), waana kan leh xoog iyo awood adag oo aan la daciifin karin.”

Aayaddan waxay na xasuusinaysaa in risiqa (nolosha iyo nafaqada) ay dhammaantood ka yimaadaan Alle, ee aysan qof, dowlad ama shaqo toona awoodin inay siiyaan cidna wax aan Ilaahay u qorin.
Alle waa ar-Razzaaq — midka si joogto ah u rizqiya dhammaan makhluuqaadka.

Waxay na baraysaa in aanan walwalin risiqa, balse aan ku tiirsanaano Alle, maxaa yeelay isagaa xoog badan oo dammaanad qaaday cunto iyo nolol cid kasta oo nool.

15/10/2025

Waxaa shahiidey nin aan aad ujeclaa tabintiisa iyo geesinimadiisi xad-dhaafka ahayd, Shalay ayaa Gacan ka Xaqdarani dishay kadib halgan dheer oo uu soo galay , rabi qabrigiisa ha u waasiciyo

انا لله وانا اليه راجعون (الشهيد صالح الجفراوي)

05/10/2025

waxad la jeceshahay tan walalka/ walasha lajeclow ,
Sheikh mustafe
....👇

16/09/2025

Muparak Akhi Hamza 🎉

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Dire Dawa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Cumar Zadiiq
Dire Dawa
YOMAYO