Nabadii Aduunyada
Aan u Hawlgalo Himilada Umadeena Sidaan U Horumarin Lahayn
24/04/2021
Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane
· Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo gaadiidba
· Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye
· Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye
· Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye
· Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonidaw nahaye
· Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray
· Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado
· Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey
· Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya
· Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye
· Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye
· Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey
· Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey
· Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey
· Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey
· Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay
· Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey
· Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay
· Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey
· Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray
· Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey
· Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey
· Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey
· Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey
· Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey
· Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay
· Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey
· Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey
· Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey
· Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey
· Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey
· Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay
· Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey
· Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay
· Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey
· War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay
· Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay
· Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey
· Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey
· Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor wa
15/04/2021
Dalku Wuu Xoroobaye doqonkaan ogaynbaan Hadalxiiso leenahay Shisheeye Kalkaal loo joojin maayo
Nabadu waa qaran
Nimca Rabi iyo
Nolol iyo badbaado
Nal no iftiimiyo
Naruuriyo barwaqo
Neecaaw ku dadiyo
Naq weeye nabaduyo
Bulshadu ku Naxaano
Nagaad iyo raaxo
Nafluhu jecleeste
Ka noognay Colaadiyo
Naxligiyo qabyaalade
Naca dagalado sokeye
Nabaradi h**e ilaawo
Somalaay niyada sami
Sunadii Nabigiyo SCW
U noqda Rabi giino
Nasashiyo xasiloni
Naagaha uurleeydiyo
Naafadiyo Agoonta
Maatida nafaq daradiyo
Macluusha Nuuxsi awoodin
U Naxa umadoo
Naasirka an barino
Nabada aan qaadano
SOMALAAY NABAD
SOMALAAY NABAD
SOMALAAY NABAD
Ii Sheeg Haddaad Garan
Shirweynahan adduunyada
Shucuubahan kuwada nool
Aadmigu shar iyo kheyr
Shaqsi kastaaba gaarkii
Hadba wuxuu shaqeystuu
Aakhiro shinkeediyo
Shirweynaha qiyaamaha
U shafeeca doodiyo
Sharaftooda leeyahay
aniguna shar iyo kheyr
Shidadahan adduunyada
Shilkan aan la darisiyo
Shiddadiyo dhib waxaan qabo
Sheekadaan idiin sido
Shacabkii dalkeygiyo
Shucuubaha adduunkoow
Sheekh iyo shariifiyo
Dalka shaacirkiisow
Shilkan aan la daris ahey
Shiddad iyo dhib waxaan qabo
Bal aan idiin dan sheegtee
Shaxdan ila waddaagoo
Iga shaafi oo garo
Shifadaan u baahnay
Ii sheega saaxiib
Shaacirkii dalkeygoow
Dadkii shaley wacnaan jirey
Sharafkoodi yaa diley
Xilkan kuwaan ku sharafniyo
Sharcigii maxaa hellay
Shaqaladan madow iyo
Shaadhkani kumaa u xidhey
Sharftiisii dillayoo
Ku shaqeysta kaligii
Danyertiyo shaqaalihii
Iyo shicibkii dalkoo idil
Maxaa shuuqsadee cuney
Shillinkii dalkani laa
Shaqadiisii yaa gabey
Doller yaa shaqee yidhi
Tolow yaa u shirayoo
Sharaftiisi dilayoo
Shillin siduu uheli laa
Shisheeyaha la xoogsada
Shilkan qaranka gaadhiyo
Tolow yaa sharkani wada
Shidka yaa inoo galey
Shookaanta yaa wada
Shaley dhaantey mooyee
Waa maxey shaleyskani
Shucuurtii maxaa hellay
Shuqulkani muxuu yahay
Waa maxey shidhaabtani
Iyo dabnahani shakaalani
Shirkastoo yimaadana
Maxaa loo shaacinwaayaa
Xaqa shacabku leeyahay
Waa maxey ka shakigani
Shidaal baadhis koley tahay
Iyo shuqul kastoo yimaadaba
Ma sheer baa ladadayaa
Tolow yaa shuuqsanayee
Warka shaacintiisiyo
Shaac bixiisa aan rabin
Shacabkii dalkeygoow
Shooley warkiisiyo
Shabaabkani inoo kacey
Ma shiftoolayaalbaa
Shaqadii taraafigu
Ma shaxaad dadweynaa
Sheekheena maantuna
Ma saaxiibul shillinbuu
——–Dhammaad———
Goormaad burburow dhammaan?
Goormaad baaqan dhiilladaay?
Goormaad nabaryahow bogsoon?
Goormaad beladaay xasili?
Goormaad bomkanow na deyn
Goormaad bogtaney idlaan?
Goormaad bulshadey ogaan
Boogtaadu halkay ku taal
Goormaad kala baran dadyohow
Belaayiyo nabada bilan
Goormaa beelbeelnimo
Qabyaaladdu baalid noqon?
Mid aan beer naxa lahayn
Mid baadila oo qariban
Bambaano qarxaysa ruux
Intuu baabuur ku raray
Miyuu birma geydadii
Bulshada oo kala maqneyn
Carruur iyo bilis ku diley
Sharciga u bannaynayaa
Bushaarada iyo jannada
Baalkee laga soo akhriyey.
Ba' iyo hoog baa u sugan
Been baa lagu soo qufuley
Baydkiisuna waa cadaab
Islaam aan badhax lahayn
Dilkooda midkii bartee
Buruudka ka raadiyaa.
Kashaa weli booyeysoo
Beerkaan ka jaraynayaa
Ilmaa burqanaysa weli
Indhaha labadooda baal
Dadkaygii baa ba’ yoo
Bestay baan ciil la ahay
Ilaa berrigii sabtida
Baroor baan wehel la’ ahay.
Ba’ iyo hoogii shalay
Birtii ehelku isla dhacay
Baroonkiyo suugagii
Banbaana loo bedelay
Baabuur laga buuxiyo
Waa taa boqolaal dhinteen
Baaruud baa lagu qarraqay
Bir iyo qarax baa la tegey
Intii bulshada u mudnayd
Badhaadhiyo nolol habboon
Dalkana bahalaa u hadhay
Korkaas binu-aadam ka ah
Haddaan loo wada ballamin
Bulshadu noqon ul iyo diir
Haddaynaan baylahdiyo
Baaqiga hadhay aynu jirin
Haddaynaan belo horteed
Badbaado usii samayn
Berrina mid kalaa ku xiga
Dalkaygiiyoow bogsood
Bidhaan calankaygiyoow
Buluugleeyeey iftiin
Baraarug dadkaygiyoow
Badbaadooy noo imoow
Bishaaro san eey hillaac
Shar iyo baasoow na dhaaf
Xajaaban belaayadooy
Nabadii Aduunyada Awr Buubayaa sida Wakhtiguu Alool kiyo ud bahaysla helayana cidi may ogaan wali
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga
251