Ahmad xabiib Nutritionist
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ahmad xabiib Nutritionist, Health/Beauty, Imi, Jijiga.
26/01/2025
Fight anemia with food! Did you know that a well balanced diet can help alleviate anemia symptoms? Stay tuned for our series on the best foods to fight anemia.
02/06/2022
Malabka iyo toonta oo la isku haayo in mudda ah waa hub culus oo u fiican jidhka.
Malabka iyo toonta waxey dilaan caabbuqa ku dhaca jidhka sidoo kale waxey nadifiyaan xubnaha jidhka waxeyna saraan sunta ku harta jidhka.
Alaabtan waxay dawo u tahay xanuunadda dilaaga ah sida
dhiig karka,subag xun ee jidhka ku Bata (cholesterol) iyo kaadi macaanka (diabetes mellitus).
Malabka iyo toonta waxey kor u qadaan difaaca jidhka waxayna ka hortagtaan xanuunadda faafa sida hargabka iwm ah.
Malabka iyo Toonta waxaa la is isticmaleyay qarniyo badan haddii aad joogteysid isticmaalka malabka iyo toonta, waxaa laga yabaa in aad ka badbaadid cudduro baddan oo ay kamid yihiin kancerka oo wayahan faro addag ku haya ummaddeena.
NB:✓Haddii aad allergy ku tahay malabka iyo toonta iska dhaaf oo ha isticmaalin
✓Haddii uu laabjeex kugu aragtid Malabka iyo Toonta iska dhaaf ama iska yaree.
Dr Cadceed
02/06/2022
02/06/2022
CABITAANKA BASASHA
Basasha waxaa laga samayn karaa cabbitaan dawo ah!
Shabakadda Bold Sky oo Arrimaha caafimaadka wax ka qorta ayaa dhowaan faafisay Warbixin caafimaad oo tilmaamayso in basashu ay qani ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, caabuqa iyo bakteeriyada. Sida oo kalana ay hodan ku tahay Faytamiinnada A, B, C, Asiidhka Foolik iyo macnado ay ka mid yihiin calcium, phosphorous, magnesium, sulfur, chromium iyo iron.
Marka aynu soo ururinno faa’iidooyinka tirada badan ee basasha waxaa ka mid ah:
1. DHIMISTA MIISAANKA
In qofku uu maalin kasta qaata 100 ml oo sharaab basala ahi muddo siddeed toddobaad ah waxa uu si weyn u yareeyaa dufanka ku urrua caloosha iyo dhexda, waxa aanu yareeyaa heerka kalastaroolka dhibaatada keena.
2. LA DAGAALANKA XANUUNNADA WADNAHA
Basasha oo sharaab ahaan loo isticmaalaa waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga oo sababa in xididdadu xidhmaan, waxa aanu caawiyaa in halbawleyaasha dhiiggu aanay adkaan.
Sida oo kale waxa ay caawisaa hoos u dhigista heerka asiidhka ‘Homocysteine’ taas oo ka hortagta in wadne xanuunku uu goor h**e meel sare ku gaadh oqofka.
3. XANUUNNADA INDHAHA
Sharaabka basashu raadad badan oo togan ayaa uu ku leeyahay daweynta caabuqa guud iyo xanuunnada indhaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin ‘Conjunctivitis’ (Daafka ama indha guduudka) iyo xanuunka indhaha ololka iyo bararka ku keena ee ‘Blepharitis’.
4. DAADASHADA TIMAHA
Muddo laba bilood ah oo maalin kasta madaxa la mariyo muudka basasha, iyada oo marka h**e la dhukurayo waxa ay timaha ka ilaalisaa daadashada, sidaas awgeed waxa ay ka hortag fiican u noqon kartaa bidaarta.
5. LAFA BURBURKA / IS LISKA LAFAHA EE OSTEOPOROSIS
Lafaha oo waaya ama lumiya cufnaanta macdaneed ayaa keenta in ay jilcaan si fudud isu lisaan isla markaana ay burbur keenaan, taas oo ah xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno Osteoporosis.
Xanuunkani waxa uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka, gaar ahaan waxa uu ku dhacaa marka ay da’da caada deyska gaadhaan. Cilmibaadhiso lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in raadka togan ee muudka basashu ku leeyahay lidka mariidku ay caawiso in ay dib u wanaagsanaadaan cufnaanta lafuhu.
Marka maalin kasta la cabbo 100 ml oo basal la miiray ah, muddo siddeed toddobaad ah, waxa la dareemayaa isbeddelk weyn oo ku yimi caafimaadka iyo quwadaysiga lafaha. Waxa kale oo uu cabbitaanka basashu caawiyaa daweynta xaaladaha caafimaad darro ee kale ee la xidhiidha lafaha.
6. LA DAGAALANKA XANUUNKA MACAANKA
Cabitaanka basasha laga sameeyaa waxa uu boqolkiiba 50 yareeyaa heerka Gulukoosta ku jirta dhiigga qofka qaba xanuunka macaanka noociisa labaad. Waxa kale oo uu cabbitaankani ka qayb qaataa dib u cusboonaysiinta unugyada ‘Beta’ ee ganaca oo marka ay dhaawacmaan sababa xanuunka macaanka, kaddib marka uu ganacu soo saari kari waayo maadadda sonkorta gubta ee Insulin.
7 DAWADA XASAASIYADDA
Cilmibaadhis lagu sameeyey raadka uu muudka basashu ku yeelan karo waxyaabaha sababa xasaasiyadda jidhka bani’aadamka, waxaa lagu ogaaday in cabbitaanka basasha laga sameeyaa uu si weyn u caawin karo yaraynta barootiinnada ‘Inflammatory cytokines’ oo iyagu sababa xasaasiyadda maqaarka iyo xanuunnada kale ee shabbaha sida xiiqda.
8. WAXA AY LA DAGAALANTAA QABOWGA IYO HARGABKA
Basashu waxa ay ka mid tahay dawo guriga lagula dagaalamo hargabka iyo noocyada duriga ee qabowga ku yimaaddo. Basal la miiray oo lagu daray in yar oo malab ah ayaa dawo waxtar muuqda leh u noqon kara habdhiska neefsiga iyo hargabka.
Daraasadaha lagu sameeyey faa’iidooyinka muudka basashu waxa ay tilmaameen in dareeraha laga miiro basasho uu caawin karo yaraynta bararka iyo xidhanka ku dhaca marinnada neefta, isla markaana uu yareeyo caabuqa ku dhaca. Isla markaana uu ka takhaluso balqanka iyo xabka ka dhasha hargabka ee xidha marinnada neefta.
9. CAAFIMAADKA ILKAHA
Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in raadka liddiga ku ah jeermiska ee ay caanka ku tahay basashu uu sida oo kalana ka takhaluso suuska ilkaha ku dhaca iyo caabuqa cirridka.
10. KA HORTAGGA BUROOYINKA KANSARKA AH
Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee basashu jidhka u leedahay ayaa daahfuray, in muudka basashu uu caawin karo ka hortagga faafitaanka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, sida oo kalana uu faa’iido u leeyahay ka hortagga noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sida kansarka ku dhaca naaska iyo midhicirada.
11. FAA’IIDOOYIN KALE
Faa’iidooyinka kale ee uu cabbitaanka laga miiro basashu leeyahay waxaa ka mid ah, in uu joojiyo dhiigga ka furma sanka, in uu madax xanuunka daran daweeyo, in uu daweeyo xanuunka qaaxada, in uu dhaqso u daweeyo findoobka, in uu yareeyo garaaca iyo xanuunka xubnaha iyo xaglaha iyo in uu daweeyo gubniinka fudud.
–Kamaal Marjaan
Facebook: Marjaan.
02/06/2022
CUNTADAAN CARUURTA YEYNAN CUNIN HADII QANDHO HEYSO ( iyo cunto uficn)
1= Hilib ka dufan ka leh
Sababta uusan ugu ficneyn caruurta mrkii qandho heyso waxey tahay waxa culus shiiditankiisa jirkana wuxu ubahan yahay tamar si uu ula dagaalo infection ka.
Xataa hadad siineyso hilib wainuu noqda mid anan dufan lahyn sido kalana si saida hausiinin.
2= Cuntada qabow & barafka leh
Waxa suurta gal ah in cuntada qabow iyo cabitanada barafka leh sii weyneyaan calaamadaha cudurka sababay qandhada
Inta badan qandhada ayaa katimad hargab iyo qufac daran waana cudurada anan laogoleyn in lacuno cunto qaboow
Barafka, jalaatada waa cuntooyinka ugu badan eey tahay inlaga fogaado markii qandho kuheyso sido kale waxa lamid ah cabitanada iyo biyaha qabow ee barafka leh.
3= Cuntada sokorta leh & carbohydrate
Kareeb cunista nuucyada kala gadisan ee sokorta iyo carbohydrate ka lafarsameyay sida: cake ga, buskut ka, rootiga cad cuntoyin kaan waxey sameynayan habka difaca wxeyna kordhiyan fursada cudur ugu dhici karo.
4= Cuntada Kulul
Waxeey kordhisaa fursada uu caabuq ugu dhici karo habka dheef shiidka marka kafogaaw markii infection jiro iyo qandho sido kale cuntada haku darin walxaha kulul sida xawaash, basbaas waxaa kugu filn inyar oo milix ah dhadhna siineysa.
✅ Cuntoyin ufiican caruurta iyo dadka waweyn mrkii qandho heeyso
1= Miraha fareesh ka ah
Lkn intadan cunin kahor wainad iskadhaq si aadan wasaqda ilma aragtda u cunin waxa fiicn inaad qolofta kasarto si uu ugu fududado cunistisa canuga xanuunsan
Miraha nuucyadeda kala duwan waxa lga helaa vitamins, iyo madoyin kale oo cunto kuwas oo kacawina kahortaga cudurada iyo bogsasho dagdaga.
2= Qudaarta
Qudaarta waxey kamid tahay cuntooyinka ugu muhimsan ee lacuno markii qandho kuheyso sababtuna waxa laga helaa macdan iyo madoyin cunto oo muhim ah
Sidoo kale waxeey caawisa dheef shiidka intadan cunun kahor ama caruurta siinin sifacan umeeyr.
3= Biyaha
Biyaha waxy kamid yihiin ilaha cunto ee ugu muhiimsan sidoo kalana kor uqaada difaaca jirka hadii caruurta qandhadooda sara kacdo sii biyo badan sido kale waxey jirka kasaran sunta waxkle eey fududeyan dheef shiidka.
Lkn digniin biyaha waineysan ahaan kuwo qabow ah ama baraf leh.
4= Maraq digaag = dooro
Maraqa digaaga waxaa laga helaa walxo lid ku ah cabuqyada sdkle wuxu yareya calamadaha neef mareenka sida qufaca, hindhisyada iyo qandhada sare ee jirka.
W/Q: Dr Amiin Buubaal
Saxabida kale gaarsii
19/05/2022
Everh person have to keep
27/04/2022
19/10/2020
Nutrition © WHO/Yoshi Shimizu Having lunch at the elementary School of Hongcheon © Credits Nutrition Nutrition in the Western Pacific Good nutrition plays a fundamental role in human health, survival and development. Optimal nutrition during the first 1000 days – between women’s pregnancy to child’s 2...
19/10/2020
Wal-Mart in Knoxville refuses to print mom’s breastfeeding photos Whitney Walter said she was shocked to find out Walmart would not print two pictures of her breastfeeding her daughter.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Jijiga