Abdi Aydid Kalane

Abdi Aydid Kalane

Share

My number

Photos from Abdi Aydid Kalane's post 07/09/2023

Shaacinta miisaaniyada 2016 T.I ee Maamulka Magaalada Godey.

Shir u soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo hor.dhaqaalaha MM-Godey oo ujeedkiisu daarnaa shaacinta miisaaniyada 2016 T.I ayaa ka qabsoomay madashada shirarka ee MM-Godey .

Ujeedkan shirkan ayaa ahaa in miisaaniyada 2016T.I ee MMG loo shaaciyo qorshe miisaaniyadedka iyo meelaha xooga lagu saarayo bulshada qaybaheeda kala duwan sida :- odayaasha, shaqaalaha dawlada, liigaga haweenka iyo dhalinyarta , Culimada iyo aqoonyahanada magaalada si ay u fahan midaysan oga qaataan miisaaniyada magaalada islamarkaana ula xisaabtamaan Waxqabadka miisaaniyada magaalada lashaacinayo kala ah
1.Mushaar =193,733,155
2.Howlfulin = 20,087,850
3.Mashaariic= 221,633,383
Wadarta guud =435,454,388

Ugu danbeyn , Waxaa la isla qaatay in qorshe miisaaniyadedkan loo shaaciyey bulshada waxqabadka rasmi ah loogu qabto islamarkaana bulshada sanadka dhamaadkiisa loo soo bandhigo Waxqabadkii lagu qabtay miisaaniyada kala duwan ee magaalada.

16/06/2023
15/02/2023

Tiirarka Iimaanka
Language
Download PDF
Waardiyey
Edit
Tiirarka Iimaanka waa leex tiir [1][2]

Rumaynta Ilaahay nasahnaa oo korreeye:- oo ah in addoonku rumeeyo kalinimada Ilaahay, isla markaana uu qalbiga ka rumeeyo in Ilaahay mooyee aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa, rumeeyana in Ilaahay nasahnaa oo korreeye uu abuuray adduunka iyo waxa ku gudo jiraba cir iyo dhulba,isaguna uu iska leeyahay wax kastoo uuman, Eebbana yahay arin iyo taloo dhamiba ay gacantiisa ku jirto, cid la wadaagta maamulidda uunkanna aanay jirin.o
Rumaynta Malaa'igta:- oo ah in addoonku uu rumeeyo jiritaanka Malaa'igta oo ah addoomo Ilaahay , amaradiisana ku shaqeeya wuxuu fara sameeya, waa addoomo Ilaahay ka abuuray nuur, dadkuna aanay arki karin ciddii Ilaahay tuso mooyaane.
Rumaynta Kutubta Ilaahay soo dejiyay:- Oo ah in addoonku uu rumeeyo kutubtii Ilaahay ku soo dejiyay Rusushii uu u soo dirayay addoomadiisa si ay u raacaan jidka toosan ee uu Ilaahay addoomadiisa kaga raalli ahaaday, jidkaas oo ah in Eebbe nasahnaa oo korreeye ay caabudaan, jidkaas oo ah ka ay dhammaan Rusushii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye ay ugu baaqayeen addoomadiisa.
Rumaynta Rusushii Ilaahay soo diray:-Oo ah inaynu rumaynu dhammaan Rusushii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaatee) uu u soo diray addoomadiisa si ay u gaarsiiyaan amarada iyo distuurka uu Ilaahay nasahnaa oo korreeye u dejiyay addoomadiisa inta ay adduunka sii joogaan si aanay u raacin jidka uu Shaydaan la doonayo inay raacaan si uu uga leexiyo jidkaas toosan ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu addoomadiisa raalli uga noqday.
Rumaynta Maalinta Qiyaame:- Oo ah in addoonku uu rumeeyo jiritaanka maalin dadka oo dhan lasoo bixin doono marka la wada dhinto, lana xisaabin doono, maalintaas oo noqon doonta maalin Ilaahay nasahnaa oo korreeye uu xisaabin doono addoomadiisa, qof kastana uu heli doono abaal marin wixii uu gaystay ah intii uu adduunyada joogay xumaan iyo samaanba, waana maalinta dadku ay taagan yihiin maxkamaddii uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu ku ballan qaaday inuu dadkoo dhan taagi doono maalintaas, maalintaas oo sida uu Eebbe nasahnaa oo korreeye Quraanka innoogu sheegay maalin ku adag ah dadka argagaxa wayn ee jira darteed, si aynu sawir guud uga qaadanno
Rumaynta Qadarka (U garashada Eebbe addoonkiisa u garto) sharkiisa iyo khayrkiisa:- Oo ah in addoonku rumeeyo wixii Eebbe nasahnaa oo korreeye uu qadaro inta nolosha adduunka la joogo, qadarkaas oo noqon kara mid khayr ah iyo mid dhib ah, iyadoo uu addoonku qalbigiisa ka rumaynayo in adduunkan hagistiisu ay Ilaahay nasahnaa oo korreeye gacantiisa ku jirto,wax aanu Ilaahay dooninna aanu adduunkan ka dhici karin wax uu doonay inuu ka dhacana cid horjoogsan kartaa aanay jirin ,

26/09/2022

Diblomaasi
QOYSKA & HORUMARINTA BULSHADASidee Nolosha Guul Looga Gaaraa?Published 7 years agoon March 14, 2016By Cabdijabaar Sh. Axmed

SHARETWEET
Waxbarashadu waa aqoonsigeena mustaqbalka, madamaa bari ay leeyihiin dadka maanta diyaar-garooba” Mustaqbal wanaagsan oo guul ku dheehan tahay waa shay qofkasta raadinayo, waa shayga aan dhamanteen ka midaysanahay. Mustaqbal wanaagsan inaynu yeelano awgeed waa tan aan u dadaalno dhamaanteen, ee aan wax u barano.

Mustaqbalka wanaagsan waa kan xambaarsan guul, ee uu qofku gaarayo hadaf uu hiigsaneyey noloshiisa. Guushuna waa shayga Alle wayne Isagaa xume ka nasahane uu ugu baaqay dhammaan bani-aadamka, isagoo sabab uga dhigay raacitaanka waddada uu jeexay. Waa shayga ka sheekayntiisu fududdahay, balse xaqiijinteedu ay aad u dhib badan tahay.

Waa dhufsane-yaraha ka dhaxeeya aadamaha dhammaantii, waana waxa qofkastoo inaga mid ah subax kasta ugu kallaho waxbarashada ama shaqo cayiman oo uu aaminsan yahay inay wax uun ku kordhinayso meeshu ku socdo mustaqbalkiisa. Haddaba mustaqbalkan wanaagsani waa maxay?

Yaa ku guuleysta inuu gaaro mustaqbal wanaagsan oo guul leh?. Markaynu ka hadlayno nolosha iyo halgankeeda, inagoo ku xisaabtamayna dhammaan dadka ku nool adduunka nooc kasta oo ay yihiin iyo waxkasta oo ay aaminsan yihiin, mustaqbalka loo wada ordayaa waa in guul laga gaaro adduunka, taas oo noqon karta in uu yeesho qofku maal iyo hanti. Sidoo kale, in uu yeesho aqoon ama uu nolol sare helo.

Balse, Muslim ahaan waxaan qirsanahay in guusha iyo mustaqbalka dhabta ah ay yihiin kuwa aakhiro. Ilaahay dariiqiisuna uu yahay kan kaliya ee haga liibaanta adduun iyo tan aakhiro. Hase ahaatee, marka ay timaado liibaanta adduunyo ma jiro hab la oranayo 1, 2 iyo 3 oo Quraan ku yirri raaca, balse waxa la hoos dhigay qof kasta iyo xikmadiisa nololeed, waana sirta nolosha.

Anaga oo mabda ka dhiganeyna Quraanka iyo sunnada, tusaalena u qaadaneyna dad badan oo ku liibaanay dariiqyo kalla duwan, sida, kuwo naftooda ku waayey dagaal, balse ku helay wax aanay ilna arag, dhegna maqal, qalbi bina adana kuso dhicin oo janno ah. Halka kuwo 99 qof, qudha ka jaraynaya ay ka mid noqdaan dadka nolosha ku guulaystay ee helay mustaqbal wanaagsan.

Markaynu dib u eegno taariikhda ka hartay asxaabtii Rasuulka (SCW) iyo dadkii liibaanay, waxaynu garan karnaa dariiqii ay mareen ee ay ku gaareen mustaqbal wanaagsan aduun iyo aakhiroba. Mustaqbalka wanaagsan iyo guushu ma ahan wax cilmi-baaris lagu sheegay ama wax sida culuumta qaar la tijabiyey oo lagu najaxay waxaan ull jeedaa sidda loo guulaysto, balse waa wax ninba meel la maray. Taasina, waa tan u sababta ah in dad yar oo koobani ay nasiib u yeeshan in ay mustaqbal wanaagsan sameeyaan, halka dadka intooda badanina kooxdaa yar ay ka sheekeeyaan.

Haddaba, si aad u gaarto mustaqbal wanaagsan oo aad guulo badan ugu soo hoyso noloshaada, waxaa lagama maarmaan ah inaad kaga dayato dadkii horey u liibaaney oo aad qaado wadadii ay u mareen dariiqooda guusha, taasoo haddii la is yidhaahdo raaca ay suuro gal tahay in la gaaro mustaqbal lagu qanci karo.

Waxaana la isku raacay arrimo dhawr ah inay sabab u noqdaan in qofku guulaysto oo uu helo mustaqbal wanaagsan, kuwaas oo qofkii tallaabooyinkan raacaa uu gaaro guusha. Inkasta oo qof kasta duruuf u gaar ah ay jirto, haddana waxa la arkaa in uu gaaro halka uu u socdo. Haddaba, adiga oo ka duulaya in mustaqbalku uu bilowdo maanta ee aanu ahayn berri, waxaa laysla gartay in qofka raaca tallaabooyinkani uu yahay mid guul gaaray.

Aragti Sugan, Qof kasta oo yaqaana halka uu ku socdo wuxuu 50% gaaray hadafkiisa, waxaanu u dhaw yahay in uu sameeyo mustaqbal faa’iido leh.
Karti iyo Awood dheeraad leh, Horayso iyo danbayso, aakhiro iyo adduun, qofkasta wuxuu goostaa wuxuu beerto. Qof kasta wuxuu hellaa wuxuu shaqeysto, qof shaqeeyey 12 saacadood iyo mid shaqeeyey 6 saacadood isku meel ma gaaraan, isku mustaqbalna ma ahan.
Tilmaansi iyo Hoggaan sanaansho, Qof kasta wuxuu u bahan yahay cid uu ku daydo, markaa waa inaad heshaa cid gaartay waxaad rabto, si aad ugu dayato una raacdo waayo-aragnimadiisi. Dhinaca kalena waa inaad noqotaa qof ku taagan wuxuu go’aansado, labac-labacduna waa dariiqa guul-darrada ee ha ilaabin!
Ka faa’idaysiga fursadaha, Xusuusnow erayga reer galbeedka ee ah “maalin kasta axad ma’ahan” iyagoo ulla jeeda maalin kasta adigu ma lihid oo maalin walbo maalintaada ma’ahan. Sidoo kale, xusuusnow maah maahda carbeed ee tiraahda “Maalin-na adigaa leh, maalin-na qayrkaa baa leh”. Marka waa inaad taqaanaa sidda markaaga fursadaha nolosha looga faa’iidaysto.
Si aad u gaarto mustaqbal anfac iyo guulba leh waligaa xusuusnow qaacidadan “Nolosha ha u sheegin waxaad qaban kartid ee tus”

15/07/2022

Baroor diiq

Geeridu xaq weeyee
Warka galabta noo yimid
Gocashiyo xanuun iyo
Goohow murugo badanaa
Ma gilgilay saboolkii
Gabal baasi ma u galay
Guryaha oo la Ootiyo
gaajada xanuunka leh
Ninkii gaadh ka hayn jirey
Gurmadkana ka gali jirey
Cawaba haduu go'ay
Garashadiisii dheereyd
Yaa gardaadin taladii
Geestiisii yaa gali
Danyartaan gasiin hayn
Yaa garab u noqon oo
Guubaabin bulshadoo
Danta guud ka hawl gali.

Alla xaw naxariisto Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadam Siiro)

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Gode
Jijiga
13