Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.

Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag., Health/Beauty, Badhan.

Photos from  Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.'s post 07/09/2025

---

WACYIGELIN KU SAABSAN XANUUNKA GAWRACATAD

Magaalooyinka iyo gobollada dalka, waxaa muddooyinkii u dambeeyey ku faafayay xanuunka Gawracatad, kaas oo haleelay dad badan oo ka tirsan dhamaan qeybaha bulshada.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda ay leedahay wacyigelintu, waxaan qabanay wacyigelin lagu qabtay qaar kamid ah iskuulada magaalada Badhan. Ujeeddada wacyigelintani waxay ahayd:
✅ In bulshada lagu baraarujiyo ka hortagga xanuunka
✅ In la fahamsiiyo muhiimadda is daaweynta waqtigeeda
✅ Iyo in dadka lagu dhiirrigeliyo qaadashada tallaalka

Bulsho caafimaad qabta waa bulsho horumar leh. Aan ka wada shaqeyno sidii aan isaga ilaalin lahayn xanuunka Gawracatad.

---

Photos from  Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.'s post 21/07/2025

Khasaaraha roobka ee magaalada Badhan ☔

Marka roob da’o magaalada Badhan waxay wajahdaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

1. Biyo fariisin iyo daadad – Waddooyinka waxaa buuxdhaafiya biyo taagan sababo la xiriira biyo mareenno liita.

2. Waddooyinka oo xumaada – Roobabku waxay dumiyaan waddooyinka dhoobada ah, taasoo saameysa isu socodka.

3. Guryo dumay ama daad ku fatahay – Guryo aan adkayn ayaa burbura ama biyuhu galeen, taasoo keenta barakac iyo khasaare.

4. Koronto la’aan – Adeegga korontada ayaa go’a mararka qaar, sabab la xiriirta cimilada oo saameysa ilaha tamarta.

5. Cudurro faafa – Biyaha taagan iyo fayodhowr xumida waxay sababi karaan cudurro sida shuban-biyood, duumo iyo caabuqyo kale.

15/07/2025

Gabay ay soo diyaarisay mid ka mid ah ardayda, kaas oo ka turjumaya Bisha Cas iyo muhiimaddeeda.

15/07/2025

Xuska Bisha Cas – 8 May, Badhan

Intii uu socday xuska Bisha Cas ee lagu qabtay magaalada Badhan 8-da May, waxay ardayda baratay xirfadda gargaarka degdegga ah soo bandhigeen qayb ka mid ah waxyaabihii ay barteen.

Bandhiggoodu wuxuu muujiyay heerka aqoon iyo diyaargarow ee ay gaareen, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo adeegyada gurmadka degdegga ah ee bulshada loogu adeegayo.

Photos from  Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.'s post 15/07/2025

BADHAN – 8 MAY 2025

🎉 Waxaa si rasmi ah magaalada Badhan looga xusay Maalinta Bisha Cas & Laanqayrta Cas oo ku beegan 8-da May ee sannad kasta.

💬 Munaasabaddan muhiimka ah waxaa ka soo qayb galay: ✅ Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
✅ Madaxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed – Faraca Puntland
✅ Mas’uuliyiin ka socday Bisha Cas Soomaaliyeed
✅ Marti sharaf kale oo tiro badan

🏅 Intii lagu jiray xuska, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyey arday dhamaystay barnaamijka gargaarka degdegga ah (First Aid), kuwaas oo tababarro xirfadeed qaatay si ay uga qayb qaataan badbaadinta nolosha bulshada.

👏 Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay!

🤝 Bisha Cas – Naf badbaadin, Nabad u adeegid.

Photos from  Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.'s post 26/06/2025

🩺✨ Wacyigelin Ku Saabsan Xanuunka Shubanka ✨🩺

📅 Taariikh: 21/11/2024
📍 Goobta: MCH - Magaalada Badhan

Waxa magaalada Badhan ka qabsoomay wacyigelin muhiim ah oo la xiriirta xanuunka shubanka, sida looga hortago, iyo sida loo daaweeyo.

🌟 Wacyigelintan waxaa soo qabanqaabiyay kooxda mutadawiciinta Ururka Bisha Cas.
👩‍👩‍👧 Hooyooyin aad u badan oo deegaanka ah ayaa si firfircoon uga qayb galay.

🔹 Hooyooyinka waxaa lagu wacyigeliyay:
✅ Sida saxda ah ee loo ilaalin karo nadaafadda gacmaha, biyaha, iyo cuntada.
✅ Sida loo isticmaalo xalalka ORS (Oral Rehydration Solution) si degdeg ah marka shubanku dhaco.
✅ In la ogaado xaaladaha halista ah ee u baahan in dhaqso loo raadsado daryeel caafimaad.

🤝 Mahadsanidiin dhammaan ka qaybgalayaasha iyo mutadawiciinta Bisha Cas ee ka shaqeynaya badbaadada bulshada.

Photos from  Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag.'s post 20/06/2025

1/ 9/2024

Ururka bisha cas qaybtiis gargaarka deg dega ah (first aid) waxay garab istaag u muujiyeen bahda ciyaarah degamada BADHAN, horyaalkii kubada cagta ee bilowday 1/9/2024 ilaaa 20/9/204.

Kooxada gargaarka deg deg ah ayaa ufidisay adeegayo caafimaad ciyartooyadii ku dhaawacamay intuu socoday horyaalka kubada cagta ee degamad badhan.
Taas oo ay ku mutesteen shahaado sharaf ay bixisay wasaarada ciyaaraha dawladda puntland.
Ciyaaruhu waa furaha caafimaadka, isdhexgalka bulshada iyo nabadda.
Ururka Bisha Cas wuxuu hormuud u yahay kobcinta ciyaarah dhalinyarada si loo abuuro jiil firfircoon, caafimaad qaba, oo leh anshax iyo wadajir.

Category

Website

Address

Badhan

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Bisha cas Badhan Sanaag. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Badhan.