Waano DHakhtar
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waano DHakhtar, Borama.
Waxan ugu tala galnay in kor loogu qaado wacyiga talooyinka dhakhatiirta waxkasta muhiima u ah cafiimad inaan kuu tilmaano dhakhatar ugu wanagsan ee jooga magaldaada xanuunkaga aqoon dheerada u leh
7 SIYAABOOD OO AAD SANADKAN KOR UGU QAADI KARTO CAAFIMAADKAAGA GUUD.
1. Jidhkaaga furfur, lugee, ama jimicsi aad oo Gym gal.
2. Isku day sanadkan inaad ku dedaasho inaad cunto dheeli tiran cunto. Cuntooyinka aan wanagsanayna iska yarayso.
3. Sanadkan samayso wakhti aad seexato iyo kid aad soo kacdo oo joogto ah.
4. Check up caafimaad samee sanadkan oo ogoow xaaladaha kala duwan ee jidhkaagu halka ay ku sugan yihiin.
5. Haddii aad balwada leedahay noocay doontaba ha ahaatee, 2026 waa sanadkii aad jooijin lahayd adigoo caafimaadkaaga u tudhaya.
6. Isku day sanadkan inaad shaqadaada iy nasashadaada isku dheeli tirto sanadkan oo aad tips heaho nasasho kugu filan.
7. Isku day inaad sanadkan yarayso isticmaalkaaga sonkorta iyo milixda si aad uga hortagto jaaniska aad ku qaadi karto xanuunada maanta dadka kaga qaylisiiyay ee dhiigkar iyo macaan ama sonkorow.
Mid kamida qaabababka dabiiciga ah ee kala korinta taas oo badanka lamaanaha soomaaliyeed eey doorbidaan waxa ka mid ah ( Calendar-based method)
In aan kulan la samayn xiliyada uu jaaniska uur qaadistu aad ubadanyahay
Tusaale ahaan
■1. Gabadhu haday 26kii cishaba hal mar dhiiga hesho waa in aan la kulmin inta udhaxeysa ( maalinka 7aad -13aad)
■2. Gabadha haday 28kii cishaba hal mar helayso waa in aan la kulmin inta udhaxeysa (9aad-15aad)
■3. Gabadhu haday 30 kii cishaba hal mar helayaso waa in aan la kulmin inta udhaxeysa ( 11aad -17aad)
■4. Gabdhu haday helayso 32 kii cishaba hal mar waa in aan lagu beegin inta udhaxeysa ( 13-19)
Caksigana in la isticmaala waa muhiim hadii aad uur la raadinayo waa in maalmahaa lagu beega
Postiga waa muhiim indhaha si fiican haloogu gubo rag iyo dumarba 😃 😊
Reference: MEC WHO- 6th edition
W/Q: Dr Abdimajed Mohamed OBGYN Resident SPHMMC
12/01/2026
11/01/2026
Ka fagow canahaas
10/01/2026
Qanjidhada qoorta (lymph nodes) oo ah kuwa sawirka hoose idiinka muuqda ee carruurta waa qanjidho yar-yar oo ka mid ah nidaamka difaaca jidhka, kuwaas oo caawiya la dagaallanka jeermiska sida fayrasyada iyo bakteeriyada.
Waxay ku yaallaan meelo kala duwan oo jidhkeena ah sida qoorta, qadaadka, daanka hoostiisa, kilimkilada iyo sarcamahaba. Carruurta qanjidhadoodani badanaa way kacaan ama soo buurnaadaan oo tusaale ahaan kuwa qoortu way soo muuqdaa , gaar ahaan marka hargab ilmaha ku dhaco oo kale, xiliga qufaca, qanjo-xanuunka, dhago-dilaaca ama caabuqyada kala duwan ee afka iyo ilkaha ah saameeya. Kicitaankan ay qanjidhadani kacayaan badanaa waa mid ku-meel-gaadh ah oo muujinaya in jidhka ilmuhu uu si fiican ula dagaallamayo cudurka, oo wax dhubaato ahi k**a danbayso.
Inta badan qanjidhadani waa kuwo yaryar, oo jilicsan, hadaad taabato dhaqdhaqaaqaya, damqasho ma laha badanka se mararka qaarkoodna xanuun yar leh, waxayna yaraadaan ama baaba’aan marka ilmaha waxa hayaa ka tagaan.
Talladu waxa weeyaan waalidku inuu la tashado dhakhtar haddii qanjidhadaasi ay aad u soo waynaanayaan marba marka ka danbaysa, noqdaan mid adag oo aan dhaqaaqin, sii jiro in ka badan 3–4 toddobaad, ama uu la socdo calaamado kale sida xumad joogto ah, miisaan dhicid ama dhidid habeenkii ah. Fahamka arrintan wuxuu ka caawinayaa waalidka inay kala gartaan xaalad caadi ah iyo mid u baahan qiimeyn caafimaad iyo la tasho dakhtar. Se badanaa iskood bay u tagaan.
Dr nurdin dr garaad
Dumarka doorta nooca kala koriyaha ee hoosta ama makaanka lagaliyo ee loo yaqaan ( IUD) waa in dhakhtarku ama umulisadu usheegto in mid kamida faaida darada ay leedahay inay tahay in ay yeelan doonto 6da bilood ee usoo h**eeya dhiiga caadada oo fara bata ama maalmihii usocday ay bataan ama waxa somalidu utaqaan dhabar furan
Markaa waa in lagula taliyo gabadha inayna iska saarin,markiiba, daawoyinka xanuun baabiyaashana ay qadato 3 bil ilaa 6 bilood ka dibna dhiigu soo yaraan doono
Reference: UTD 2026
W/Q: Dr Abdimajed Mohamed OBGYN Resident SPHMMC
Carruurta qaarkood waxaa laga maqli karaa sanqadh laabta ah tan iyo markay dhashaan. Hooyooyin badanna waxay u haystaan in ilmuhu “xab cunay” xilligii uu dhalanayay, sida wax la idhaa "meconium aspiration" Arrintaasi mararka qaarkood way dhici kartaa, balse waa xaalad aan badnayn, ilmuhuna badanaa isla markaa uu dhasho ayuu si xoog leh u xanuunsadaa oo uu naqasku ku dhagaa.
Haddii ilmuhu tan iyo dhalashadiisii uu sanqadh lahaa, balse uu si fiican u jaqayo naaskiisa, u korayo, oo annu neef-qabatin daran yeelan oo dakhtar loo dhigo, sanqadhaasi badanaa ma aha xab uu cunay ama sanbabaka tagaye, ee waa sanqadh ka imanaysa marinnada neefta ee sare sida xaalada la idhaa (laryngomalacia) oo inta badan iska baaba’da marka ilmuhu koro. Carruurtani mararka qaarkood waxay leeyihiin sanqadh foodhi la moodo ama khuuro oo kale!
Qiiqa guriga lagu shido sida uunsiga, fooxa, iyo cadarka aadka u udgoon, ama qiiqa sigaarku, wuxuu uga sii dari karaa sanqadhii h**e ee jirtay. Waa lagama maarmaan in carruurta laga ilaaliyo qiiq kasta oo guriga lagu shido si loo yareeyo in sanqadhaasi sii badato iyo neef-qabatinka.
Hooyooyin badan baa idhaada qolka ilmaha ayaan ka daynaa qiiqa uunsiga, fooxa ama cadarka, se qolalka kale waan ku shidnaa, waxay se iloowsan yihiin in qiiqu guriga oo dhan uu ku fidi karo, wuxuu ku dhagaa gidaarada iyo maryaha kadibana aakhirka ilmaha wuu soo gadhayaa. Carruurtu waxay leeyihiin sambabo jilicsan oo aad ugu nugul waxyaabahaas aynu soo sheegnay....... dr. Nuradin dr garaad
Carruurta qaarkood waxaa laga maqli karaa sanqadh laabta ah tan iyo markay dhashaan. Hooyooyin badanna waxay u haystaan in ilmuhu “xab cunay” xilligii uu dhalanayay, sida wax la idhaa "meconium aspiration" Arrintaasi mararka qaarkood way dhici kartaa, balse waa xaalad aan badnayn, ilmuhuna badanaa isla markaa uu dhasho ayuu si xoog leh u xanuunsadaa oo uu naqasku ku dhagaa.
Haddii ilmuhu tan iyo dhalashadiisii uu sanqadh lahaa, balse uu si fiican u jaqayo naaskiisa, u korayo, oo annu neef-qabatin daran yeelan oo dakhtar loo dhigo, sanqadhaasi badanaa ma aha xab uu cunay ama sanbabaka tagaye, ee waa sanqadh ka imanaysa marinnada neefta ee sare sida xaalada la idhaa (laryngomalacia) oo inta badan iska baaba’da marka ilmuhu koro. Carruurtani mararka qaarkood waxay leeyihiin sanqadh foodhi la moodo ama khuuro oo kale!
Qiiqa guriga lagu shido sida uunsiga, fooxa, iyo cadarka aadka u udgoon, ama qiiqa sigaarku, wuxuu uga sii dari karaa sanqadhii h**e ee jirtay. Waa lagama maarmaan in carruurta laga ilaaliyo qiiq kasta oo guriga lagu shido si loo yareeyo in sanqadhaasi sii badato iyo neef-qabatinka.
Hooyooyin badan baa idhaada qolka ilmaha ayaan ka daynaa qiiqa uunsiga, fooxa ama cadarka, se qolalka kale waan ku shidnaa, waxay se iloowsan yihiin in qiiqu guriga oo dhan uu ku fidi karo, wuxuu ku dhagaa gidaarada iyo maryaha kadibana aakhirka ilmaha wuu soo gadhayaa. Carruurtu waxay leeyihiin sambabo jilicsan oo aad ugu nugul waxyaabahaas aynu soo sheegnay.......
dr nurdin dr garaad
06/01/2026
Waano dhakhtar – PLACENTA PREVIA 🚨
Hooyooyinka uurka lehow, fadlan ogow 👇
🔴 Placenta Previa waa xaalad mandheertu (placenta) ku degto afka ilmo-galeenka, taasoo keeni karta dhiig-bax khatar ah inta lagu jiro uurka ama marka dhalmada la gaaro.
⚠️ Calaamadaha lagu garto:
• Dhiig bax aan xanuun lahayn (badanaa bilaha dambe ee uurka)
• Mararka qaar dhiig soo noqnoqda
🚫 Waxyaabaha kordhiya halista:
• Qaliin h**e (C-section)
• Uur badan oo h**e
• Hooyo da’ ah
• Sigaar ama daroogo
❗ Maxaa la gudboon hooyada?
• Ha qaadin wax culus
• Ha galmoon haddii dhakhtar kuu sheegay
• Si degdeg ah u tag xarun caafimaad haddii dhiig bax dhaco
• Raac talada dhakhtarka (mararka qaar qaliin ayaa lagama maarmaan ah)
❤️ Nolosha hooyada iyo ilmaha waa mudnaanta koowaad.
La soco uurkaaga, samee baaritaan (ultrasound), hana iska indho tirin dhiig bax kasta.
📢 Fadlan la wadaag si wacyigu u gaaro hooyo kasta.
—
✍️ Waano DHakhtar
⚠️ DIGNIIN MUHIIM AH – CARRUURTA SANAD KA YAR ⚠️
🚫 Ha siin malab carruurta ka yar 1 sano
Malabku wuxuu keeni karaa xanuun halis ah (Infant Botulism) oo saameeya neerfaha iyo neefsiga ilmaha.
✅ Malabka waa ammaan kaliya marka ilmuhu ka weyn yahay 1 sano.
👶 Badbaadada ilmahaaga waa mudnaanta koowaad.
📢 Fadlan la wadaag si waalidiin kale u ogaadaan.
🚼 Sababaha Keena Shubanka Carruurta 💩
Shubanku waa dhibaato aad ugu badan carruurta, gaar ahaan kuwa ka yar 5 sano. Wuxuu keeni karaa fuuqbax (biyo yaraansho) haddii aan si degdeg ah loo daryeelin.
Sababaha ugu waaweyn ee keena shubanka carruurta waa:
1️⃣ Caabuq (Infection)
• Fayras (sida Rotavirus)
• Bakteeriya (cunto ama biyo wasakh ah)
• Gooryaan caloosha ku jira
2️⃣ Cunto ama biyo wasakh ah
• Cunto aan si fiican loo karin
• Biyo aan la sifeyn ama la karin
3️⃣ Nadaafad xumo
• Gacmo aan la dhaqin ka hor cuntada
• Carruurta oo wax walba afka gelisa
4️⃣ Isbeddel ku yimaada caanaha
• Bedelidda caanaha ilmaha si degdeg ah
• Caanaha aan si sax ah loo diyaarin
5️⃣ Xasaasiyad ama calool daciif ah
• Ilmaha oo u nugul cuntooyin gaar ah
6️⃣ Ilko soo bixid (Teething)
• Carruurta qaar shuban ayay la kulmaan marka ilkuhu soo baxayaan
Goorma ayaa dhakhtar loo baahan yahay?
• Haddii shubanku socdo in ka badan 2 maalmood
• Haddii ilmuhu leeyahay qandho ama matag
• Haddii ilmuhu muujiyo calaamado fuuqbax (af qalalan, kaadi yar, oohin aan ilmo lahayn)
Talo Muhiim ah
✔️ Sii ilmaha ORS (biyo-cusbo)
✔️ Ha joojin naas-nuujinta
✔️ Ilaali nadaafadda
📌 Caafimaadka carruurta waa mas’uuliyad wadajir ah. Lawa. Wadaag asxbtaada .
Waano DHakhtar
Click here to claim your Sponsored Listing.