Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed, Health/Beauty, Mudug, Gaalkacyo.
01/07/2026
Xalay waxaan booqasho sharaf iyo macsalaamayn ugu tagnay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), annagoo gudanayna waajibka iyo maamuuska uu dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed uu farayo in loo muujiyo hoggaamiye xil ummadeed soo gutay. Waxaan uga mahadcelinnay dedaalkii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug muddadii uu xilka hayey, annagoo qirsan in hoggaamintu ay tahay masuuliyad culus oo u baahan samir, dulqaad iyo garasho.
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa bisaylkii siyaasadeed iyo tanaasulkii uu u muujiyey danta guud ee Galmudug. Dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ina barayaa in hoggaamiyaha wanaagsani yahay kan maslaxadda ummaddiisa ka hormariya dantiisa gaarka ah, kana shaqeeya midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada. Taasina waa dhaqan mudan in la xuso lana qadariyo.
Ugu dambayn, waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu ka abaalmariyo wixii khayr ahaa ee uu u qabtay shacabka reer Galmudug, kuna gallado caafimaad iyo kheyr. Sidoo kale, waxaan Alle ka baryayaa inuu Galmudug ku sugo nabad waarta, midnimo iyo horumar, isla markaana waafajiyo cid kasta oo xilka loo dhiibo inay danta shacabka iyo tan deegaankaba ka hormariso wax kasta oo kale.
Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed
Suldaanka Guud ee Beesha Sacad
Suldaanka Beesha Sacad Suldaan Abdi Nasir Jaamac Seed Ooka Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhacday Degaanka Adhi Cadeeye isla Markaasna Ugu Baaqay garaadada isimada iyo Dowlada Waqooyi Bari iney Si Dag Dag Ah Arintaas Wax uga Qabtaan sharcigana Horkeenaan Dadkii Dhibatadaas Geystay
Waxaan Casuumaad Ugu Sameeyay Magaalada Dhusamareeb Ee Caasimada Galmudug odayaasha Dhaqanka Beesha Cayr Ee Curadka Habargidir Kulanka Casuumada Ayaa Noogusoo Dhamaaday Guul.
Category
Website
Address
Gaalkacyo
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Suldaan Cabdi Naasir Jaamac seed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.