Mohamed Abdi Farah
Medical Doctor,Public Health specialist, Health law ,Ethics , Human Rights . Motivational speaker
01/06/2026
Kulu nafsi Daaiqatul Mawt,Inaalilahi wa inalayhi Rajacuun illaahay haw Naxariisto Safiirkii jamuriyada Somaliland ufadhiyi jirray ,jammuriyada Dalka jabbouti .Mujahid Ambassador Mohamed warsame Ali (Guray) oo ka mid ahaa Haldoorkii iyo Mujahidintii Dalka xoreeyay ahaana Aqoonyahan , iyo siyaasi Diplomasiyada ku xeel Dheer iyo xidhiidhada caalamiga ah .
waxan ugga tacsiydaynaa Dhamaan Qoyskii iyo Qaraabadii u ka baxay ,Marxuumku wuxu ku Geeriyoday Dalka Jaarka Jamuriyada Jabuuti , oo muddo ku xanuunsanay uu xaalad caafimad uggu sugnaa.πππ
πππππ ππππππππππ
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Xukuumadda, ka Qaranka iyo ka Shacbka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ehelka, Qoyska, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaanba ummadda JSL ee uu ka baxay Danjire Maxamed Warsame Cali (Ina Warsame Gacanloo) oo ku geeriyooda magaalada Djibouti.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuum Maxamed Warsame ku sifeeyey in uu ahaa nin Akhyaar ah, Siyaasi mug leh, Wax-garad iyo Mujaahid Qaranka JSL ugu soo adeegay Taladiisa iyo Aqoontiisa; waxana uu door muuqda ku lahaa nabadayntii, dib-u-dhiskii iyo taabbo-gelintii Dawladnimada Qaranka JSL.
Marxuum Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsanaa dalka Djibouti xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Silanyo (AHUN).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu geerida Danjire Maxamed Warsame Cali (Ina Warsame Gacanloo) si gaar ah uga tacsiyeynayaa Qoyskiisa, Ubadkiisa, Eheladiisa iyo dhammaan ummadda Somaliland ee uu Marxuumku ka baxay.
Madaxweynuhu waxa uu mar kale Marxuumka Alle SWT uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno, Ehelka iyo Qaraabada uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Dengue Fever β Xumada Denque
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
5500