Aw-Khaliif أوخليـــــف

Aw-Khaliif  أوخليـــــف

Share

( أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ)

21/08/2026

50 shahiid ah ayaa hal mar lagu sagootiyey Gaza wax yar ka hor, kaddib markii laga soo saaray burburka hoostiisa, halkaas oo ay ku maqnaayeen in ka badan kun maalmood.

Wallaahi, Wallaahi, dulmigani ma sii jiri doono!

Waxaa iman doonta maalin laga aarsan dooono Dulmiwadaha dulmiilaha, lagu xisaabtami doono qof kasta oo ka qayb qaatay dulmigan, ka caawiyey, ama awood u lahaa inuu ka hortago balse iska aamusay.

Alle wax walba wuu ogyahay; wuu dib dhigaa, laakiin ma dayaco. Ciqaabtiisuna hubaal way iman doontaa.

20/08/2026

Haweenka Gaza ee dhowrsoon…

waxay aqbaleen inay ku noolaadaan teendho kulaylkeedu aad u daran yahay, iyagoo halkaas ku asturaya naftooda, kuna quudinaya qoysaskooda.

Si lama filaan ah ayay iyaga iyo carruurtoodu gudaha teendhada ugu dhaawacmaan, jajabka ka dhasha duqeymaha meel ka fog ka dhacday awgeed. Maxaa sababay?

Si fudud: teendhadu k**a ilaaliso finiinka iyo jajabyada gantaallada iyo hubka wax gumaada xataa roobka.

Si degdeg ah ayay dharkooda xijaabka ah u gashadaan, iyagoo asturaya naftooda, kadibna bannaanka ayay u soo baxaan iyagoo raadinaya gargaar caafimaad!

"Waxaas oo dhan waxay ka dhacayaan dunidan dulmiga iyo eexda badan, haddana yaa ka hadlaya xuquuqda haweenka?

Haweeney noocee ah, qof noocee ah, karaamo noocee ah ayaa ka jirta adduun ay hoggaaminayaan bahallo dadnimo ka arradan?"

19/08/2026

wajiga hooyadan dhiigga kasoo baxay wuxuu Nacdalayaa dalkasta oo awood amni iyo cadaalad sheegta. magac kasta ama astaan kasta oo muslimnimona sheegta.

Maanta iyi GaźaH...

17/08/2026

Taxanaha Feedhyanada islaamka ah.

Khabib Nurmagomedov iyo Islam Makhachev waxay isku badaleen kursiga boqortooyda UFC, waana macallin iyo ardaygiisa, awal waxaa feeryahanada MMA heysan jiray Khabib haatana waxaa badalay Islam, labadoodana waxaa soo tababaray Abdulmanap Nurmagomedov oo ah aabaha dhalay Khabib.

Tartamada feerka waligeedba waxaa hogaanka u hayn jiray rag muslimiin ah, kasoo bilow Mohamed Ali oo la isku raacsanyahay inuu yahay The Greatest of All Time, ku xiji Mike Tyson iyo Khabiib haatanna waa Islam Makhachev.

17/08/2026

kani waa geesinimada uu leeyahay aabbe aan u adkaysan karin in qof uu jecel yahay gaajo ama harraad la kulmo.

"inta uu aabahaa noolyahay noloshaadu waxay noqonaysaa darajo xidigo iyo taaj madaxa kuu saaran"

Sawirkani waa ĢażªḤ.

14/08/2026

Qisada wiil yar oo lagu magacaabo Suhayb ma aha mid si fudud loo iloobi karo!

Wiil walaalihiis iyo hooyadiis shahiidnimo ku waayay, dabadeed xanuun iyo murugo uu rag badan u adkaysan kari waayeen xambaartay. Isagoo 15 jir ah ayuu ku biiray iska-caabbinta, wuxuuna ku adkaystay xaaladihii ugu adkaa, ilaa uu ugu dambayn Rabbigiis la kulmay isagoo shahiid ah.

Xaggee ayaad ka keentay iimaankaas adag, Suhaybow?

Xaggee ayay ka timid adkaysigan ku sugan qalbigaaga iyo cagahaaga, adigoo dhex taagan dagaallo qalbiyada gilgilaya?

Sidee ayaad u istaagi kartay meel ay rag badani dib uga laabteen?

Sannado badan ayaan is weydiinaynay:
Xaggee ayuu Salaxudiin jiraa?

Markaas ayuu Alle indhaheenna hortooda noogu soo diray tusaalooyin adkaysi iyo iimaan leh…waxaan arkay suhayb!

Alle ha u naxariisto Suhayb iyo dhammaan kuwii adkaystay ee ka horreeyay.

13/08/2026

Qorrax madoobaadkii shalay. dalka spain markii meeraha dayuxu qariyay meeraha Qorraxda, waxaa la arkayay holac dab ah oo ka muuqda cidhifyada dayaxa.

Sida la qiyaaso Qorraxdu waxay dhulka ka wayn tahay 100 jeer waxayna u jirtaa masaafo 150 milyan oo kiiloomitir.

kawaran holaca masaafada inaa leeg laga arkayay, tolow hadii uu dhulka soo gaadho imisa ilbidhiqsi ayuu ku gubi lahaa.. subxaanalaah.

Qoraxdu waa holac(Dab) aan khilaafayn wixii la amray. booskeeda ma soo dhaafayso ilaa ilahay amro.

SUBXAANAKA YAA CADIIM.
(سبحانك يا عظيم)

09/08/2026

|sraaااl waxay Gaza iyo Lubnaan u adeegsatay hub kiimiko ah oo ay ku jirto fosfoorka cad(White Phosphorus), kaas oo isticmaalkiisa laga mamnuucay ama si adag loogu xaddiday xeerarka caalamiga ah.
Kani waa ilmo Falastiini ah oo kimikadu jidhkiisa gadhax u bedeshay…

Inaalilaa

Photos from ‎Aw-Khaliif  أوخليـــــف‎'s post 06/08/2026

Nabarradoodu ma aha oo keliya raadad dagaal, balse waa markhaati ka hadlaya adkaysiga shacab, waana xusuus dunida u tilmaamaysa inta yar ee ka hadhay bani'aadannimada.

Carruurta Gaza waxay mudan yihiin nolol, ammaan iyo mustaqbal ay ku koraan.

Ha joojin ka hadalkooda, Ha u ogolaan in xumaan laga sheego, waa caruurtayadii waa jiilka dambe ee islaamka. Waxay mudanyihiin inay socdaan ordaan ciyaaraan sidoo kale dugsi aadaan.

04/08/2026

Janaazadii ugu waynayd... in ka badan 112 qof oo reer falastiin ah ayaa hal mar lagu tukaday loona sameeyay aas wadareed, 40 caruur ah 61 dhalinyaro ah.

Maalin walba shahiid ayaa dhinta isagoo teendhadiisa dhex hurda ama carruurtiisa la ciyaaraya.

ilaahay haw naxariisto.

👇Warbixin dheeraad ah Comentiga koowaad ka akhriso

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Hargeisa