Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Somaliland
STUF is the national umbrella body representing workers’ trade unions in Somaliland.
It was established to unify, coordinate, and strengthen the labour movement while safeguarding the rights, dignity, and welfare of workers across all sectors.
03/07/2026
Guddoomiyaha Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Somaliland, Cabdillaahi Ibraahim iyo agaasimaha Xidhiidhka caalamiga ah Mr. Ahmed Mohamed(Oomar) ee Somaliland Teachers' Association SOLTA, ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ururku la yeeshay hay’adda caalamiga ah ee Windle Trust International (WTI).
Kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, horumarinta iyo tayeynta xirfadaha macallimiinta Somaliland, ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo go’aan lagu hirgelinayo heshiis iskaashi (MoU), si loo dardargeliyo barnaamijyada kor loogu qaadayo tayada waxbarashada iyo awood-siinta macallimiinta Somaliland.
Care of community Organization - COC
Somaliland Higher Education Teachers' Union - Somhetu
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Shirka Golaha Dhexe si balaadhan oo qoto dheer uga hadlay heshiiska is-afgaradka ee dhexmaray Waddani Party iyo Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha ( STUF) oo ay ku midaysan yihiin 15 urur, isaga oo sheegay in ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarka shaqaale weynaha somaliland.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland (STUF) Md. Cabdilaahi Ibraahim Maxamed ayaa Hambalyo iyo Duco u Diray Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah ee JSL.
01/06/2026
Ururka shaqaalaha daryeelka caafimaadka bulshada ( C.O.C) waxay soo saareen talooyin Ku Saabsan xanuunka xummadda ee Sii Kordhaysa.
Nuxurka Qoraalka.
1. Wacyigelinta Caafimaadka Bulshada.
Care of Community (C.O.C) waxay bulshada ku boorrinaysaa inay kordhiyaan wacyiga caafimaadka si looga hortago cudurrada faafa iyo dhibaatooyinka caafimaad ee bulshada saameeya.
2. Nadaafadda iyo Ka-hortagga Cudurrada.
Ururku wuxuu ku dhiirrigelinayaa bulshada inay ilaaliyaan nadaafadda deegaanka iyo tan shakhsiga, si loo yareeyo faafitaanka xanuunnada.
3. Raadinta Adeegyada Caafimaadka iyo Daaweynta Saxda ah.
Dadka waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay la tashadaan xirfadlayaasha caafimaadka marka ay xanuunsadaan, kana fogaadaan is-daaweynta iyo isticmaalka dawooyinka aan talada caafimaad lagu qaadan.
4. Iskaashiga Bulshada iyo Hay’adaha Caafimaadka.
Waxaa muhiim ah in bulshada, hay’adaha caafimaadka, iyo Wasaaradda Caafimaadku iska kaashadaan dabagalka, ka-hortagga, iyo xakamaynta cudurrada faafa.
5. Mas’uuliyadda Wadajirka ah ee Caafimaadka Bulshada.
Caafimaadka bulshada waa waajib wadajir ah; qof kasta waxaa laga doonayaa inuu ka qayb qaato ilaalinta caafimaadka, raacista talooyinka caafimaadka, iyo taageeridda dadaallada lagu xakameynayo cudurrada.
Hormoodka ururka shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
Kulan loogu Diyaar Garoobayo Munaasibada 18-ka May Ayaa ay Yeeshen Gudida Fulinta Ee Xidhiidhka Guud Ee Shaqaalaha
14/05/2026
Ururka Macalimiinta Somaliland Ayaa udiyaar Garoobaaya Xuska 18-ka May
09/05/2026
Xidhiidhka Guud Ee Ururda Shaqaalaha Somaliland ayaa Maalinta 1-da May Waxa uu shahaado sharaf gudoonsiiyay wasiirka wasaarada shaqada , arimaha bulshada iyo qoyska marwo Milgo Maxamed Cilmi, qaarkamid masuliyiintii Ka Qayb Qaatay horumarka ururrada shaqaalaha iyo Ururkii Ugu Shaqada fiicna sanadka oo noqday ururks shaqaalaha dhismaha ee TAWAKAL.
08/05/2026
“Xidhiidhka Guud Ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland Waxay U Mahadcelinayaan Cid Kasta Oo Ka Qayb Qaadatay Munaasibaddii 1-da May”
Gormaa La Asaasay Ururada Shaqalaha Somaliland
"Macalimiintu Waxay ku Shaqeeyaan Duurufo Kala Duwan"Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Somaliland
Website
Address
Hargeisa
Opening Hours
| Monday | 08:00 - 12:00 |
| Tuesday | 08:00 - 12:00 |
| Wednesday | 08:00 - 12:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:40 - 00:00 |
| Sunday | 08:00 - 23:00 |
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.