Wll ziyaaj
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wll ziyaaj, Mogadishu.
Haradheere dahab
Weligaa ma tagtey
Rabbiyow adiga mooyee
Ilaah kle ma jiro oo
Marka xiga aqoonsani
Nebi muhamed eebbow
Ergedii furqaan io
Inuu yahay madhafaan
Ambiyadda dhamaantod s.cw
AUN abwaan hadraawi
04/11/2025
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullahi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Yuusuf Cali Maxamed iyo u qeybsanaha xiriirka Carabta Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ismaaciil Macalin Cabdulle ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wefdi uu Hogaaminayo Madaxa Sanduuqa shuhadada ee dalka Ciraaq Sarreeye Guud Amjad Al awadi .
Wefdiga waxa dalka u soo Hogaamiyey qeybna ka ahaa Safarkooda Safiirka Soomaaliya ee dalka Dalka Ciraaq Danjire Ridwan Xirsi Maxamed , waxaana ay kulamo qorshaysan la qaadanayaan mudada ay joogaan Ha’adaha kala duwan ee Dawladda si kor loogu qaado xiriirka wada shaqeyn iyo midka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada Dal
Xigasho ciidanka booliska soomaaliyeed
04/11/2025
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan la qabtay markii saddexaad. Furitaanka madashan ayaa muujinaysa sida dowladda Federaalka ay mudnaanta u siinayso dhisidda kaabayaasha dhijitaalka ah, kor u qaadista helitaanka internet ammaan ah oo la isku halleyn karo, iyo dhiirrigelinta adeegyo casri ah oo ku dhisan hal-abuur iyo hufnaan dowladeed.
Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 ayaa noqotay meel ay ku kulmaan dowladda, shirkadaha tiknoolojiyadda, khubaro iyo daneeyayaal kale, si loo mideeyo aragtida Soomaaliya ee maamulka internet-ka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhijitaalka ah ee mustaqbalka.
By telefeshinka qaranka
03/11/2025
Muqdisho, 03 November,2025. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.
“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.
ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.
20/10/2025
Iga qari iga qari hansi flick
Doodda RW Rishi Sunak ee ah Jaamacad kaliya inaad aaddo guushu kaagama xidhna, ee noloshu way balaadhantahay- waa dood saxan oo qurxoon, balse fasir keedii aan ahayn ayaa la siiyay!
Rishi, wuxuu ku doodayaa JAAMACADDU maaha KALIYA albaabka iyo furaha guusha, waxaad guulaysan kartaa adigoon Jaamacad dhigan, Soomali badan ayaase u fahamtay Jaamacaduhu waa khasaare oo guul laguma gaadho ee isaga baxa.
Eeg, guulaha nolosha waxaa laga galaa afar boqol iyo sagaashan iyo toddobo albaab, hal albaab oo ka mida ayaa Waxbarasho ama Jaamacad ah, inta kale waa arrimo kale.
Si aad u guulaysto Jaamici baad noqon kartaa, farsamayaqaan ayaad noqon kartaa, Orodyahan ayaad noqon kartaa, cunte kariye, waardiye, xammaali, faryaamiiste, kimisle, fannaan, ganacsade, xayaysiiye, qurxiye, ka qosliye, mayd-aase, dhakhtar, tuubiiste, wariye, siyaasi, ....... any profession ayaad yeelan kartaa.
Guushu kuma xidhna oo kaliya Waxbarashada, Waxbarashaduna maaha mid Guuldarro ah oo aan nafci lahayn ee lafteedu waa sababaha loo guulaysto sabab ka mida. Halkaa u fiirso! Adoo Jaamici ah na waad guulaysan kartaa, adoon ahayna waad guulaysan kartaa.
Afka research Waxbarashada ama Jaamacinimada iyo guushu maaha Mutually Exclusive (laba arrin oo aam isku Mar dhici karin) waa Mutually Inclusive, laba shay oo mar wada dhici kara.
Markaa Qolada Jaamacadaha dhigtay waxaan leeyahay YAAN LOO YAACIN Rishi Sunak, Lincoln College Oxford iyo Standfor University ayaa Baaj iyo Mastar ba laga qaatay, waa Jaamici guulaystay.
By caawiye indhataag
01/01/2024
Aragtidada kadiibo yaa badintoona k galbeed vs g.banaadir
29/12/2023
Yaa badin doono maanta sadaali kulan hirshabeelle vs galmudug
25/11/2023
Liverpool 3 man city 2 fekerkaga xuraa u tahy
Click here to claim your Sponsored Listing.