Asia Yasin

Asia Yasin

Share

A dedicated lab technician, scientist, and medical researcher from Somalia

09/08/2026

Dadka wax qoraa masuuliayd baa saaran.

Wax qoristu ma aha oo keliya xirfad,waa mas'uuliyad.

Qof kasta oo qalin qaata ama erayo dunida ku baahiya wuxuu saamayn ku yeelan karaa maskaxda, qalbiyada dadka,go'aamada iyo siguud nolosha.

Hal eray ayaa qof rajo siin kara, halka eray kale uu dhaawac u geysan karo. Sidaas darteed ka taxadar erayda iyo marmalade aad baahinayso, qofka wax qoraya kaliyh ma qoro oo waxa uu dareemayo, balse waa inuu ka fekeraa saamaynta ay erayadiisu yeelan doonaan.

Qofka wax qorayah waa inuu is weydiiyo ka hor inta uusan baahin qaraalkisa.

•Qoraalkaygu ma dadka ayuu iftiiminayaa mise wuu jahawareerinayaa?
•Ma run ayuu ku dhisan yahay mise mala-awaal?
•Ma qalbiyada ayuu dhisayaa mise wuu dhaawacayaa?

Su'aalahan ayaa kala saara qoraa doonaya sumcad iyo qoraa doonaya ajar.

Eray wanaagsan wuxuu noqon karaa sadaqo ajar laga helo oo dadka anfaca sannado badan, halka eray khaldan uu sii faafi karo oo dhibtiisu sii socoto.

Qoraalka ugu qiimaha badan ma aha kan dadka ugu badan gaara, balse waa kan runta ku dhisan, akhlaaqda ilaaliya, dadka wax bara, qalbiyadana ku reeba kheyr. Mararka qaar hal bog oo daacadnimo lagu qoray ayaa ka qiimo badan boqol bog oo loogu talagalay keliya in lagu soo jiito dareenka dadka.

Muhiim ma ahn qoraalkas sida uu ubaaho oyo inta qof uu gaaro,balse waxa Muhiim ah yaa wax ka faaiday oo uu noloshado positive usamaysa.

NB.Haddii Alle kusiyay hibbada awoodda wax qorista, u arag ammaano,masuuliyad ,ee ha u arkin oo keliya hibbo aad saa rabto u isticmai karto.

Qalinkaagu wuxuu noqon karaa albaab dadka ugu horseeda aqoon, rajo, iyo hanuun. Sidaas darteed, qor waxa runta ah, xaqiiji xogtaada, ilaali akhlaaqdaada,iyo erayda micnahooda inta awoodada bini aadamnimo ah,inatas un baa anaga wax nagala waydinayh,hana iloobin in qoraalkaagu noqon karo markhaati kuu noqda ama kaa noqdo maalinta aad Alle la kulanto.

Qalinkaagu ha noqdo mid raad wanaagsan reeba,oo samyn wanagsan leh inta awoodada ah, sababtoo ah erayadaadu way kaa cimri dheeraanayn✍️

14/06/2026

Noloshu hadyad ma,ahn.

Noloshan aynu ku noolnahy way ka micno iyo meeqan wayn tahy in ay noqoto wax la iska helo, wax aan loo harjadin.wax kasto micno leh waxay ubahn yihin waqti in la galiyo,hadi hada nolosha aad jeclayd la iska kaasiyo adoo wax waqti iyo tacab ah aan galin adiga ahaan xitaa micno kuma samaynaso,waxs kaste micnhado dhabta waxa la bartaa marki aad ku tacabto.

In aad natiijo ka hesha wixi aad u tabcaysay iyo in aad wayday tas micno wayn ma samysano,waa fajita ilahy baa leh anaga kaliyh waxa nala faray ficlka,markastana ajarkas waad leedahy.

Xeeranka nolosha waxa kamid in ay kusiiso waxad u tacabto.✍️

24/05/2026

Dulhija days.

Maalmaha Dhul-Xijjah waa maalmo barakeysan oo qalbiga Muslimka xusuusinaya u dhowaanshaha Alle, toobadda, iyo camalka wanaagsan. Gaar ahaan maalinta Carafo waa maalin weyn oo naxariis iyo cafis leh. Waa maalin uu ilahy si toos ah adoomadisa u ogaysiyay fadligeda iyo waynantede wa malin ducada la aqbalo, dambigana la dhaafo,ilahyna loo dhawado .

Xitaa qofka aan xajka joogin wuxuu janis u haysta in uu ka faa’iidaysto soonka Carafo, ducada, iyo xuska Alle. Mararka qaar qalbigu wuxuu u baahan yahay hal maalin oo uu si dhab ah ugu noqdo Rabbigiis, Carafo-na waa mid ka mid ah maalmahaas. Waxaa laga yaabaa in ducada aad si dhab aad alle ubarido maanta ay noqoto sababta isbeddelka noloshaada berri.

Ilhay hanaga dhigo kuwa ka faaidaysata malintas way✍️

02/05/2026

Hadalku marna waa sun marna waa daawo, Taas ma ognahy?

Waxa laga yaabah hadal yar oo fudud oo aad iska tirahday in uu qof noloshisa oo dhan wax kabadalo u noqdo faraj,rajo iyo hididiilo cusub in uu ku abuuro.markas adigu ajar wad heli wanagna wad ka mutaysatay qofkas kle noloshisa.

Taas cabsigeeda hada hadal xun iska dhahdo waxa laga yabah in uu qof noloshis burburiyo,oo samayn xogan u gaysto.

Inti aad qof noloshiis ka joogi lahyd booska xun ugu yaraan wax samyn ah ha ku yeelan.

Si xoogan oga taxadar hadlkaga in ka badan ficilkaaga.

28/04/2026

Wali ma is waydise sababta lugu imtixaanayo?

Si aad uhesho ama aad uhanato nolosha aad u hanqal taagaysa wa in aad wax badan soo martaah.

Tusaalayaal cad-cad waxa inoogu filan in uu ilahy imtixaanayay dadki adunkan ugu sharafta badnaa,nabiyadi,saxabdi iyo dhamaan dadki wanwanaagsanaa.

Wax kaste oo qurxoon inta aadan helin ka hor waa in aad martaa wax yaalo aaadan u qalmin oo naftu diidan tahy wa mesha lugu tijabinayo samirkaga,dulqaadka iyo ahaanshiyahaada ee seeftu yaysan ku qaadin.

Wax micno leh oo fudud majiraaa ✍️📖

see in the top🔝

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Hodan District
Mogadishu