Wacyi wadaag
faallooyin ku saabsan hormarka, wacyi wadaaga bulshada iyo ra'yi ururin ku salaysan aqoon iyo garaad
05/04/2026
Horumarinta dhalinyarada waa arrin muhiim u ah mustaqbalka bulshada. Dhalinyaradu waa laf-dhabarta horumarka, sidaas darteed waa in si dhab ah loo maalgeliyo maskaxdooda, xirfadooda, iyo anshaxooda. Marka dhalinyarada la siiyo waxbarasho tayo leh, waxay helaan aqoon iyo xirfado u suurtageliya inay shaqo abuuraan ama helaan, taas oo yareyneysa saboolnimada iyo shaqo la’aanta.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo ganacsiga (entrepreneurship). Taageeridda fikradahooda cusub, siinta tababaro, iyo fursado dhaqaale waxay ka caawin kartaa inay noqdaan kuwo isku filan. Intaa waxaa dheer, dhalinyarada waa in lagu barbaariyaa anshax wanaagsan, mas’uuliyad, iyo wacyi bulsho, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal mustaqbalka wax dhisa.
Dhanka kale, waa in la abuuraa jawi nabdoon oo taageero leh sida goobaha ciyaaraha, xarumaha dhalinyarada, iyo barnaamijyada horumarinta si ay uga fogaadaan falalka xun sida dambiyada iyo isticmaalka maandooriyaha. Dowladda, waalidiinta, iyo bulshada inteeda kale waa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada.
Ugu dambayn, haddii dhalinyarada la helo hagid sax ah iyo fursado siman, waxay noqon karaan awood weyn oo beddesha bulshada, kuna hoggaamisa horumar waara.
27/04/2024
Soo koobidda buugga "Qaabee Mustaqbalkaaga"
Sida loo maamulo laba iyo tobanka arrimood ee muhiimka u ah guusha aan xadka lahayn
Buuggan:
Mabda'a 1 - Awooddaadu waa mid aan xad lahayn: cutubkani waxa uu jabinayaa fikrad dad badan ay aaminsanyihiin oo ah in qofka guulaysta uu yahay qof nasiib badan. Waxa ay dadka qaar ay ku guulaysteen waxa gaadhi kara qof kasta oo aad adigu ku jirto
Mabda'a 2 - Hufnaantu waa muhiim: Ujeedadaadu waa inay caddahay. Waa inaad taqaan meesha aad hadda joogto, meesha aad rabto inaad tagto, iyo cidda aad doonayso inaad noqoto.
Mabda’a saddexaad – Aqoontu waa awood: Waa cutubkii ugu wacnaa ee aan akhriyo buugga, sida ka muuqata magaciisa, waxa ay xoogga saaraysaa muhiimadda aqoontu leedahay, waxa ay aqoontu kaaga dhigantahay, waxa ay kuu tari karto. oo maxay yihiin siyaabaha aad uga faa'iidaysan karto wakhtiga kaa lumaya... Noloshaada si aad u kordhiso aqoontaada.
Mabda'a Afraad - Kartidu waa cajiib: Aqoontu kaligeed kuma filna guusha, laakiin waxaad u baahan tahay heer sare. Ma heer sarreyn doontid haddii aad la mid tahay kuwa kale, waa inaad iyaga ka soo baxdaa. Waa inaad ka mid noqotaa 10ka qof ee ugu sarreeya eynigaaga.
Mabda'a 5 - Aragtidu waa muhiim: Waa maxay waxa maankaaga ka guuxaya ee ku saabsan dadka kale? Waa inaad u wanaagsanaato naftaada iyo dadka kaleba. Waa inaad dadka u jeclaataa si ay kuu jeclaadaan, una fidiso caawimo adigoon waxba ka sugin. Had iyo jeer bar naftaada hadalka togan, mar kasta ka fikir waxa aad rabto, maskaxdaadana ka ilaali waxa aadan rabin.
Mabda'a 6 - Xidhiidhku waa lama huraan: Isku xidhka badan ee aad leedahay, fursadaha badan ee aad haysato. Cutubkani waa mid ka mid ah talooyinka, tabaha, iyo dhaqamada lagu balaadhiyo shabakada aqoontaada.
Mabda'a toddobaad - Arrimaha Lacagta: Wax keydsigu waa furaha badbaadada dhammaan dhibaatooyinka maaliyadeed. Naftaada bar inaad kaydsato boqolkiiba in go'an dhammaan ilahaaga dhaqaale ee maalgashiga ama xaaladaha degdegga ah. Cutubkani waxa uu daaha ka qaadayaa cabsida gaarka ah ee aad ka qabto lacagta, iyo sidaad uga gudbi lahayd.
Mabda'a sideedaad - Waxaad tahay qof caqli badan: Awoodda maskaxeed ee Ilaahay ku siiyay ayaa ku filan inaad xalliso dhibaatooyinka adduunka oo dhan, haddaba maxaad u xallin la'dahay dhibaatooyinka maalin kasta aad la kulanto? Cutubkan, baro inaad xorayso tamartaada hal-abuurka ah si aad u xalliso dhibaatooyinkaaga oo aad u gaadho heerar sare ma aha oo kaliya nolosha dhabta ah, laakiin wax kasta oo weyn iyo mid yarba.
Mabda'a 9 - Natiijooyinka ayaa go'aamiya Abaalmarinta: Adiga iyo waxa aad qabato ayaa ah go'aaminta ugu weyn ee qofka aad noqon doonto muddo cayiman kadib. Xaddiga dadaalka aad geliso ayaa ay la ekaanaysa natiijooyinka aad heli doonto. Dedaalka badan ee aad u gasho jihada saxda ah, ayaa go'aaminaya abaalgudka aad heli doonto.
Mabda'a 10 - Qabso Maalin: Maxaad maalin walba ugu luminaysaa wax aan faa'iido lahayn? caajisnimada iska daa oo noqo mid firfircoon. Cutubkani waxa ka buuxa xeelado kaa caawinaya inaad sida ugu fiican uga faa'iidaysato
Mabda’a kow iyo tobnaad – Shakhsinimadu waa muhiim: Waa wax iska caadi ah in qofka guulaysta loo arko qof la neceb yahay, sababta oo ah go’doonkiisa, dabeecaddiisa qallafsan ee uu kula jiro dadka ku xeeran, iyo sida xun ee uu bulshadu ugu janjeerto sida bulsho doonaysa in ay guusha kaa qaado. Sidaa darteed, wuxuu noqdaa qof ay ku xeeran yihiin dad xaasid ah oo dhinac walba neceb. Hagaag.. keligaa kuma noolaanaysid meerahan
Is-edbintaada iyo hanuunintaada wanaagsan ee naftaada ayaa hubaal ah inay ka muuqan doonan hab-dhaqankaaga iyo ficillada dadka kale aad kula taacaamulayso, iyo sida dadku ay oga fal-celin doonan. Adigu waxaad u tahay dadka banaanka jooga sida aad gudaha naftaada adigu utahay.
Mabda'a laba iyo tobnaad - Nasiibku wuxuu la jiraa geesiyaasha
Way kuu fududahay inaad la hayi kacdo in muddo ah hab kugu dhalinaya inaad isla markiiba bilowdo inaad u dhaqaaqdo xaqiijinta riyadaada iyo inaad farxad gaadho, laakiin dhibka dhabta ahi wuxuu ka jiraa inaad sii wado oo aad ku adkaysato inaad gaadho yoolkaada ilaa dhamaadka.
U istaag Ciribtirka cabsida dib kuu dhigaysa.
27/04/2024
Soo koobidda buugga "Awoodda Diiradda"
Sida loo gaaro yoolalkaaga xirfadeed, shaqsi iyo maaliyadeedba si kalsooni buuxda ay ku jirto.
Marka la soo koobo:
Buugan waxa ku jira 10 xeeladood oo wax ku ool ah oo qofka ka caawiya inuu noloshiisa si sax ah u qorsheeyo isaga oo aan dedaalkiisa ku lumin arrimo aan muhiim ahayn, si uu ugu dambayntii u gaadho wax kasta oo uu doonayo inuu gaadho.
Marka h**e: caadooyinkaaga ayaa go'aamiya sida uu u ekaan doono mustaqbalkaaga
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in caadooyinka xunxun ay had iyo jeer noo keenaan natiijooyin xun, halka caadooyinka wanaagsani ay inoo keeni doonaan natiijooyin wanaagsan.
Midda labaad: Ma aha arrintu xariifnimo, laakiin waa sida diiradda la saarayo
Waxaad gelisaa wakhtigaaga inaad sameyso waxa ugu fiican oo aad ku heli doonto natiijooyin aad u fiican Tani waxay ku siin doontaa tamar aad u fiican oo xamaasaddaada sii gubaabin doonta kaana dhigi doonta qof gaar ah oo ka duwan dadka kale.
Saddexaad: Ma aragtaa sawirka buuxa ee waxyaalaha kugu xeeran ?
Socrates isagu wuxuu leeyahay:
"Nolol aan cilmi-baaris iyo daraasad lagu sameynin maaha mid qiimo leh in la noolaado."
Waa inaad si fiican u qorsheysaa noloshaada oo aad waqti u qoondaysaa si aad uga fikirto waxa aad rabto inaad mustaqbalka samayso.
Qorshayntani waxay caddaynaysaa himilada aad leedahay oo waxaad awoodi doontaa inaad dejiso yoolalka iyo riyooyinka aad rabto inaad noloshaada ku gaadho.
Afar: gaaritaanka dheelitirka ugu fiican
Waa inaad samaysaa khariidad ama liis aad ku sheegayso waxa ay tahay inaad samayso maalintii.
Tani waxay kaa caawin doontaa inaad si fiican u qabato hawlahaaga, waxaad badbaadin doontaa wakhti badan iyo dadaal badan, waxaadna heli doontaa wakhti badan oo aad ku barato hawlaha madadaalada iyo hiwaayadaha qaarkood.
Shanaad: Samaynta xiriir aad u wanaagsan
Inta nolosha lagu jiro, waxaan la kulannaa dhibaatooyin badan iyo caqabado badan oo aan dareemeyno sidii guuldarrooyin, oo aan awoodin inaan wax gaarno.
Si aad u waajahdo duruufahaas, waa in aad xasuusataa guulihii aad la kulantay noloshaada, waayo taasi waxay kor u qaadaysaa niyaddaada ha ilaawin inaad ku tiirsanaato saaxiibtinimadaada iyo dadka aad taqaanid, maadaama ay noqon doonaan taageeradaada ugu fiican dadka oo intii suurtogal ah ka fogow kuwa wax dumiya, mar walba dhanka aan wanaagsanayn wax ka eega iyo dadka xun.
Lixaad: Qodobka kalsoonida
Maalintii uu xilka madaxtinimada qabtay, Nelson Mandela wuxuu yiri:
(Cabsida ugu weyni ma aha inaan nahay dad aan karti lahayn, laakiin waa inaan aad u xooganahay. Waxa aan ka baqeyno waa iftiinka gudahayaga, maaha mugdiga nagu dhex jira.)
Baqdintu waxay qofka ka hor istaagtaa inuu horumar gaadho oo uu gaadho waxa uu ku taamayo, sidaa awgeed waa in cabsida gabi ahaanba meesha laga saaro oo la isku kalsoonaadaa, maadaama ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee aynu nafteena kaga ilaalin karno qalafsanaanta iyo dhibaatooyinka nololeed.
Todobaad: Weydii waxaad rabto
Istaraatiijiyadan, qoraagu wuxuu ku baaqayaa raadinta aqoonta isagoo weydiinaya su'aalo, waxaad heli kartaa dhammaan noocyada aqoonta, fikradaha, xeeladaha, iyo magacyada dadka leh saameynta, awoodda, iyo lacagta.
Ha ka xishoon inaad waydiiso su'aalaha, sababtoo ah jawaabta ugu xun ee aad heli karto waa maya, markaa ku kalsoonow oo ku dhiirro inaad su'aalo waydiiso oo aad wax ka weydiiso wax kasta oo adiga maankaga ka guuxaya.
04/04/2023
Soomaalida iyo qabyaaladda.
Qabyaaladdu waa caqiidada iyo dastuurka ay qarniyo badan ummada soomalidu ku dhaqmaysay taasi oo micnaheedu yahay in qabiilka iyo nasabka wanaagsana loo adeegsaday in la isku dulmiyo, la isugu faano, la isku naco la isku jeclaado ama la iskuba dilo.
Si guud soomalidu badankood waa dad hal qawmiyad ah kana soo wada jeeda hal isir oo ah isirka soomaliga ah ee deegaankiisu yahay geeska Africa.
Soomalidu waxay wadaagaan Af, dhaqan, dhalasho iyo diin mana jirto wax lagu kala saari karayo.
Hadaba halkay wax ka qaldanyihiin salaaduna ka toosi la'dahay?
Inta badan dadka daraaseeya soomaalida waxa ay sheegaan in dhibta ugu wayn ee maanta jirta ay katimi iskumilan kuyimid nidaamkii qabyaalada ee miyiga soomalidu oga dhaqmi jirtay iyo nidaamka casriga ah ee dawladnimada ee ku salaysan wax wadaaga iyo wada lahaanshaha, soomaliduna aysan wali ubislaan in ay wax guud wadaagan taaso ay sabab utahay nidaamki guunka ahaa ee qabiilka ee ku salaysnaa in qabiil walbo gaarkisa wax uyeesho iskana waardiyeeyo qabiilada kale jaarka la ah.
Hadaba sidee la isku waafajin karaa qabyaalada iyo qaranka ? Hoos noogu reeb fikirkaaga.
حياة يقودها عقلك افضل بكثير من حياة يقودها كلام الناس.
Had iyo jeer noqo qof caqligiisa iyo garashadisu ay hogaamiyaan ee ha noqon qof ay hagaan odhaahyada iyo hadallada dadka kale.
07/03/2021
Sirta guushu wa ku adkaysiga hadafka iyo yoolka aad doonayso inaad gaadho,
Marna haka daalin hayaankaga guusha.
23/04/2020
Ramadan Mubarak dhamaan muslimiinta gaar ahaan ummada soomaaliyeed.
12/04/2020
Astaamaha dadka nolosha guusha ka gaaray:
Waxan halkan kuso gudbinayaa qodobo kooban oo kamid ah astaamaha iyo sifaadka wanagsan oo uu kasbado qofka dadaala nolashana meel wanaagsan ka gaara.
1: waa kuwa la jecel dadka kale inay guul gaaran.
2:waa kuwa maalin walba waqtigooda oga faaidaysta wax akhris badan.
3: waa kuwa cafiya dadka gafka ka gala.
4: waa kuwa faafiya farxadda iyo isjacaylka.
5: waa kuwa dadka kale oga faaideeya khibaradahooda iyo aqoontooda.
6: waa kuwa qaata oo dusha urita gafafka iyo qaladadaka ka dhaca.
7: waa kuwa ku dhiirigalya kuna amaano guulaha dadka kale ay gaaran.
8: waa kuwa dadka khayrka iyo wanaaga fara.
9: waa kuwa aan dadka kala xigsan.
10:waa kuwa aan niyad jabin markii guuldaro ay la kulmaan.
07/04/2020
Fadliga habaynka15 shacbaan.
Walalayal cawo waxan joogna habayn kamid ah habeenada ugu fadliga fadliga badan,
Caawo Allah(SW) wuu udanbi dhaafa dhamaan adoomadisa ilaa labo ruux moyaane waana.
1- qof shirki la yimid oo Alle wax la wadaajiyay
2- qof xumaan iyo cuqdad uurka ugu hayo qof muslim ah oo walalki ah.
Walalayaal aan iscafiska ku dadaalno , si aan u helno dambidhaafka habenkan barakaysan.
02/04/2020
Qorshaynta waqtiga.
Waa maxay qorshaynta waqtiga?
Qorshaynta ama nidaaminta waqtigu waa habka ama wadada usahasha ama afududaysa qofka in uu waqtiga uu haysto oga faaidaysto si qoto dheer si uu ugaaro ahdaafta uu higsanayso.
Kafaaidaysiga waqtiga waa mida kala saarta, kuwa ka guul gaaray nolasha iyo kuwa ku fashilmay.
Hadaba qaabkee ayaad u nidaamin kartaa waqtigaada.
Waxaan jeclaystay inaan idin lawadaago dhawr qodob oo laga yaabo inay kaa saacidan qaabka aad u qorshayn lahayd waqtigada.
1- Yeelo ama samayso khidad ama nidaam maalmeed aad raacayso una daji ahdaaf cadcad(jadwal).
2- kaalmayso cabsida ilaahay.
3-diiwaan gali fikradaha kaa dhax guuxaya kuna qor warqad si aysan onoqon fikrad aad mar ku fikirtay kaana luntay.
4- kaalmayso aaladaha casriga ah ee kuu sahli kara inaad kafaaidaysatid fursadaha ku hor imaan kara.
01/04/2020
Ka digtoonow cudurka qatarta badan ku haya dunida ee corona virus (covid19).
Waxaadna ogaata in cudurkaan uusan lahayn wax dawa ah ama talal ah, wadada kaliya ee aad samayn karto waa ka hortaga iyo ilaalinta nadafada iyo in aad ku ekaato gurigaada,
Fadlan ka digtoonow khatarta cudrkan ogana dig bulshadaada una sheeg in ay qaataan awaamirta laga soo saaray.
Click here to claim your Sponsored Listing.