Marwa Billa
Dhiirigeliso�
08/07/2025
Aqbalaada iyo isku furka naftaada, fursadaha waxay la macno tahay inaadan isku koobin meesha aad joogto. Tani waa mid ka mid ah sifooyinka ugu weyn ee dadka guuleysta; had iyo jeer waxay u furan yihiin inay isku dayaan, bartaan oo sahamiyaan, sidii ay uga jawaabi lahaayeen hadafkooda.
Waxaa jira waqtiyo nolosha oo aan helno fursad, laakiin aad ayaan uga walaacnaa in aynnu ka faa'ideysanno. Aad ayaan uga baqaynaa inaan guuldarraysano, si aan xitaa isku dayno. Mar kasta oo aan fursadaha sii deyno, fursadaha yar ee aan la kullanno. Nolosheennu waxay noqotaa mid silloon waxaynnu ka qaadnaa caajisnnimo, fadhiid ayeynu noqonaa.
Waxaan luminaa xamaasadda nolosheenna. Weligaa ha ka baqin inaad tijaabiso fursadaha cusub ee nolosha. Dhammaanteen waxaan abuuri karnaa wax cusub, dhammaanteen waxaan leenahay awood aan xad lahayn, dhammaanteenna waan ka jawaabi karnaa hankeenna sidii aan ku gaadhi lahayn.
W/Q: Indha_caad
03/07/2025
12 talo oo u gaar ah dumarka:
1. Fahan naftaada oo ixtiraam iyo qadarin sii 🤍
🌹🌸
2. Fahan qiimaha lacagta oo baro sida loola dhaqmo baro meesha ay kaasoo gasho iyo meesha aad ku bixiso oo isweydii ma si qaldan ayaad u isticmaashaa lacagta mise sidi ugu habooneyd oo waxna meel ayaad dhigataa waxna waad isticmaashaa 💸
🌸🌻
3. Ku dadaal daryeelka naftaada ( caafimaadkaaga, jirkaaga, cibaadadaada, maqaarkaaga, timahaaga, ilkahaaga, miisaankaaga, iyo wax walboo kugu saabsan) 💞
🌹🌸
4. Garo xirfadda aad jeceshahay oo ka fikir sidi aad dhaqaale uga sameyn laheyd 💸
🌸🌻
5. Baro luqad labaad sida ( English, Arabic, French, Spnish, Chinese IWM )
🌹🌸
6. Qoro CV oo mar walbo wax ku kordhi oo cusbooneysii
🌸🌻
7. Shaqeyso hal galin ba ha noqotee shaqada waxad ka dheefeysaa khibrad iyo karti
🌹🌸
8. U xulo saaxiibada si feejignaan ku dheehantahay oo qof walbood aragto hala saaxiibin
🌸🌻
9. Aqbal fikradda eh fashilka iyo in aad guul dareysan karto oo baro sidi aad wax uga baran laheyd guul darada ood mar kale cagahaaga ugu istaagi laheyd
🌹🌸
10. Baro inaa MAYA dhahdo adiga oon dambi dareemin, noqon qof aan cidi qasbi karin
🌸🌻
11. Mar walba qoro listiga waxyaalaha aad jeceshahay in aad sameyso inta aad nooshahay oo mar walba isku day in aad qaar kamida ka rumeyso sida ( safar, dalxiis, xaj, guri, ganacsi iyo wixi lamida)
🌹🌸
12. Haku soo gudbin noloshaada iyo arimahaaga khaaska ah social media
02/07/2025
Geesinimo ka weyni ma jirto, Qof keligii dunida oo dhan ku waajahay mabda’iisa; oo ku yidhi caalamka oo dhan ‘waad khaldan tihiin, waxan aad aamminsan tihiinna waa khalad ee soo baydha.’ Hadda waa keligii, ayuu ka hor yimi bulsho haysata mabaadi’ kala duwan, aamminsan oo ku dheggan diimo kala duwan, leh awood xoog iyo xoolaba ah. Hal mar kamuu tanaasulin mabda’iisa si walba oo layskugu deyay in loo leexiyo, oo loogu soo bandhigay wax kasta oo qof bani aadam ahi ku tanaasuli karo: xil, xoolo, madaxtinimo. Waa la iibsan kari waayay, waana laga adkaan kari waayay geesinimadiisa; ugu danbaynna waxa laysugu wada yimi tiisii xaqa iyo dhabta ahayd.
اللهم صّلِ وسَلّمْ عَلۓِ نَبِيْنَامُحَمد ﷺ
اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا محمد صلى الله عليه وسلم.
Hoggaaminta dhabta ah, hal-adayga iyo geesinimada, mabda’ iyo aaminaad ku dhimashada, naf u huridda xaqa; intaaba waxa tusaale innoogu filan Macallinkeenii weynaa iyo hoggaamiyaheennii Nebi Muxammad CSW. Darsidda qayb yar oo taariikhdiisa ka mid ah ayaa kuugu filan casharro nololeed oo dhab ah inaad barato.
Jimce wanaagsan.❤️
02/07/2025
Waa doktor ku jiray jaamacadda oo cashar u bilaabay ardaydiisa, markaas ayuu ardayi si lama filaan ah bilaabay inuu foodhiyo.
Doktorkii wuu istaagay wuxuuna yidhi:
"Yaa foodhiyay?"
Laakiin cidna ma aysna bixin jawaab...
Waxa uu sii watay casharka, markaas ayuu ardaygii mar kale fiidhiyay.
Doktorkii oo kor isu taagay ayaa yidhi:
"Waa ayo axadka foodhiyey?"
Cidna jawaab k**ay bixin markale.
Mar saddexaad ayuu ardaygii hadana foodhiyay.
Doktoorkii wuxuu joojiyay casharka, wuxuuna yidhi:
"Casharkii waa dhammaaday!"
wuxuuna raaciyey:
"Waxaan idiin sheegayaa sheeko igu saabsan aniga."
Markaas jawigu wuu is beddelay, ardaydiina si dhugasho leh ayay u dhegaysanay.
Wuxuu yiri:
"Habeen kamidah habeennada hurdo igama may san iman, sidaas laajigeed waxaan ka baxay gurigayga anigoo aan garanayn meel aan u socdo. Waxaan bilaabay inaan ku wareego dariiqyada magaalada, anigoo aan is lahayn meel ubax ama tag.
Markii aan marayay goob kamid ah magaalada waxaan arkay haweeney da' ah oo gacanta ku haysa wax culus. Waan u istaagay waxaan bilaabay inaan weydiiyo haddii ay u baahan tahay caawimo iyo in kale. Aad bay ugu faraxday.
Waxaan u geeyey illaa gaariga alaabteeda, intii aan soconaynay waxaan dareemay inay si fiican ii taqaano. Waxay eegtay indhahayga waxayna igu tidhi:
'Doktorow, waxaan leeyahay wiil aan sharci ku dhalan,aan guur ku dhalan oo wax ka barta jaamacaddaada. Waxaan kaa doonayaa inaad garab iigu noqoto.'
Anigu waxaan ku idhi iyada: 'Haye,ii sheeg magaca wiilka si aan u aqoonsado?'
Waxay igu tidhi: 'Maya, magaca uma baahnid inaad ogaato. Waad garan doontaa isagoon magaciisaba laguu sheegin. Waa wiil rabshad badan, markastana foodh foodhiya.’"
Markaas ardaydii oo dhan waxay u jeediyeen wajiyadooda dhinaca ardaygii foodhinaayey!
Doktorkii wuxuu ku yidhi:
"Soo kac, Adeer! Ma waxaad u malaynaysaa inaan shahaadada Dokteerka-ka ka qaatay suuqa dameeraha?"
16/07/2024
Ka fogaanshaha dadka waaa raaxo aan qiimaheeda qofkasta uusan garan karin .
Mala ixasuustaan gabdhaha meeshaan kujira farta taaga koley muddo waan maqnaa.🥰👀
01/11/2023
🌿 Ku raaxeyso Waxa aad nimco Haysto Allena ugu mahdi Mar walpa si ay kugu Ahaato...
(Hana eegin waxa ka maqan adoo ilowsan waxa aad haysato)
🍁🍀🌲 sida Somaliduna ku maahmaahdo miro gunti kujira micro geek saran loma daadsho🌷🌱🥀
Ku raaxeyso waqtigaaga iyo daqiiqadaha
kuna nooLow daganan iyo nabad...😊
🖤🤲
Plz fallow/Like Marwa Billa
31/10/2023
Dhibaatooyinka iyo xalka
🔷️Dhibaatada 1:
Hurdada k**a kici karo si aan u tukado salaada Fajr inkasta oo aan aadanka masjidka umaqlayo?
🔶️Xalka:
Kahor intaadan seexan weyso qaado dhanka midigna useexo, waxaad dhahdaa: Allahayow xuskaaga k**a daalayo, hana i iloobin xuska alle, allahayoow ha iga dhigin kuwa dayacan , insha allaah, saacaddan oo kale, maxaa yeelay Ilaaha Qaadirka ah ayaa kugu aaminay malaa'ig kuu digi doonta saacaddaas.
🔷️Dhibaatada 2:
Gurigayagu dhibaatooyin baa ka buuxa oo xasillooni darro baa ka jirta?
🔶️Xalka:
Dhibaatooyinka sababa waa shayaadiinta, maadaama aysan guriga xasilloonayn.Sidaa darteed, aqrinta Quraanka Kariimka ah had iyo jeer waa mid ka mid ah xalka ugu fiican, Shaydaanka waxaa laga hor istaagayaa inuu soo galo guriga lagu akhriyo Qur'aanka, malaa'igtuna way bedeshaa, oo barakada ku jirtaa way sii korortaa.
🔷️ Dhibaatada 3:
Waxaan dareemayaa murugo iyo cidhiidhi?
🔶️ Xalka:
cafis weydiiso eabigaaga , ka dib fur Quraanka sharafta leh oo akhri aayadihiisa barakaysan. Ducada murugada:
عوذ بك من الهم والخزن ، والعجز والكسل والبخل والجبن ، وضلع الدين وغلبة الرجال .""Ilaahow, waxaan kaa magan galay werwer iyo walwal, caajisnimo iyo caajisnimo, xumaan iyo fulaynimo, culayska deynta iyo badnaanta ragga. ”
🔷️ Dhibaatada 4:
Waxaan la halgamayaa korinta carruurta wax badan?
🔶️ Xalka:
Waalidiinta ducooyinkooda waa laga jawaabaa, marka waxay ugu duceeyaan inay ku guuleystaan oo ay diinta ku adkeystaan.waxaa qalad ah isticmaalka habab kala duwan oo dhiirigelin iyo cabsi gelin ah, iyadoo la ilaalinayo qodobada Shareecada Islaamka. , iyo naxariistii ay u muujiyeen waalidkood, ha noolaadeen ama ha dhintee, waa in laga jawaabaa.
🔷️ Dhibaatada 5:
Salaada gudaheeda maskaxdaydu salaada way ka baxaysaa?
🔶️ Xalka:
Markaad eegto meesha aad ku sujuudeyso, iyo markaad Tashaxudka sameyneyso, waxaad eegaysaa meshaad kusujuudsantahay oo keliah.
🔷️ Dhibaatada 6:
Qaar badan baa aamminsan jiritaanka jinka iyo saameynta ay ku leeyihiin.
F.G uwac ama kusoo garee saaxiibadaada siay kuula faiedeystaan😍💃❤️
KubiirMarwa Billaa
31/10/2023
Totally Agree❤️
29/10/2023
Qoys👪 /family❤️
29/10/2023
Sidee ku ogaaneysaa iney naftaada gadaal usii socoto? 😥💔
1. Inaa aadaanka maqasho oodan dan ka yeelan. 😥
🌿
2. Iney salaadda subax kaa tagto oodan is canaanan. 😥
🌿
3. Inaa qur'aanka ka haajirto oodan ceriiri iyo cabsi dareemin. 😥
🌿
4. In albaabada kheyrka lagaa xero oodan alle usoo laaban. 😥
🌿
5. Inaa dambi sameyso oodan murugoon. 😥
🌿
6. In digriga alle carabkaaga loo diido oodan tabin oo u xiisin. 😥
Ilaahoow inoosoo celi dhankaaga 🤲🤲
اللهم ردنا إليك ردا جميلا 🤲🤲
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Mogadishu