Xalkii tintaada

Xalkii tintaada

Share

Dumar_Billa

Photos from Xalkii tintaada's post 25/04/2026

Rootiinka ugu wanaagsan ee timaha:

1.Shaambada kahor: mari madaxaaga saliid oo ku dabool, kuna daa ugu yaraan 2saacadood si ay timaaha u siiso awood ay iskaga difaacdo kiimikada dhaambada
👩‍🦰🌷
2. Shaambada kadib: waa muhiim inaa isticmaasho conditioner sida Vatica ama Elvive conditioner kadibna biyo bes kaga raacsiisaa.
👩‍🦰🌷
3. Ha shanleyn timahaaga ayaga oo qalalan:
Shanlee timaha oo qoyaan leh kadib marka aad isticmaasho dariiqadda la yiraahdo LCO, oo ah marka 1aad inaa qoyso timahaaga, kadibna cream leave in ah mariso kadibna saliid ugu dambeysiiso
👩‍🦰🌷
4. Timahaaga dux iyo qoyaan u yeel, madaxaagana masaajee:
👍Mar walba saliidda yeysan dul saarnaaan madaxa, marka ay saacado kuu marsanaataba shaambo kaga soo dhaq
👍Intaa wixi ka dambeeyana timaha un u isticmaal saliida
👩‍🦰🌷
5. Waa caadi in timo kaa go'aan:
Ma jirto timo aanan inyar ka go'in
👍Haddii aysan badneyn daadashada
👍Oy in macquul ah tahay
👍Waa caadi
👍U badi masaajka timaha oo saliida waxyar qandici intaadan marin timaha
👩‍🦰🌷
6. Saliidaha timaha ma qooyaan:
Tin qalalan haddaa saliid mariso qaleyl umbaa u siyaadayo, saliida shaqadeeda waa in ay timaha qoyan u ilaaliso qoyaanka, qooy marka h**e timaha oo 👍👍Isticmaal LCO sidaas ayaa timahaaga ku qoysay saliidana ay ugu ilaalineysaa qoyaanka
👩‍🦰🌷
7. Qooynta timaha ma aha in biyo badann lagu shubaayo ee waa inyar oo lagu buufinaayo, sameyso caagad ku shubo biyo iyo dhega yare ama rosemary oo madaxa iyo timahaba ku buufi timahaaga maalin walba inta aadan shanleyn
👩‍🦰🌷
8. Scrub u samee timahaaga:
Isbuuci mar u samee scrub ka sameysan sokor iyo bun ama coffee iyo shaambada timaha aad ku dhaqato, intaas isku dar, 👍Qaado buraashka ilkaha ee timaha kala qeybi, maqaarka madaxa ku rug si aan xoog aheyn,
👍Haddaa toxob ama agool leedahayna ku darso liin dhanaan biyaheeda ama khalka tufaaxa, aad ayey kuu anfici doontaa
👩‍🦰🌷
9. Intaadan seexan kahor foorari madaxaaga oo hoos hoos u shanlee timahaaga, horay iskugu keen kadibna koofida marada ah xero
👩‍🦰🌷
10. Hala isticmaalin agabkaaga timaha qof kale sida shanlooyinka iyo taakooyinka timaha
👍Isbuuci mar ku dhaq biyo kulul iyo khal ama cusbo iyo shaambo
👍Barkintana isbuuci 2mar ka bixi foodariga ama galka barkinta
👩‍🦰🌷
11. Isbuuciiba mar isticmaal maaskiyada timaha:
Sida mashaadka, qusaha, xinnaha, baamiyaha iyo xulbada
👍U samee timahaaga rootiin jaan go'an oo mar walba la soco caafimaadkooda iyo isbadalada ku yimaada
👩‍🦰🌷
12. Qaado vitaminska jirkaaga ka maqan sida vitamin D, Iron, vitamin K ama multivitamin tablets ka u wanaagsan caafimaadka jirka iyo timaha
👍 Cab biyo badan cun khudaarta freshka ah cun ukunta hilibka iyo cabitaanada detox ka
👍Isticmaal derma roller haddii aad leedahay meelo banbanaan oy timaha ka daateen, qaabka loo isticmaalana waxad ka heleysaa YouTube iyo tiktok iyo meel walba

Ha ilaawin inaa follow isoo dhahdo share ii tiraahdo likene ii saarto 🥰❤️

Photos from Suraya_jewlery's post 09/09/2023
Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Muqdisho
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 20:00
Tuesday 09:00 - 20:00
Wednesday 09:00 - 20:00
Thursday 09:00 - 20:00
Friday 14:00 - 20:00
Saturday 09:00 - 20:00
Sunday 09:00 - 20:00