Ufurow Tv
UFUROW MEDIA
23/02/2025
Muqdisho, Axad, 23 Febraayo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali.
Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga ka socday Saldanadda Cummaan horumarrada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, kuwaas oo faa’iido u leh labada dalba.
Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
— Dhammaad —
23/02/2025
Maamulka degmada xudur ayaa kulan la qaatey dhamaan hay'adaha samafalka ee ka howlgala degmada xuddur waxaa looga hadley Qiimaynta Baahiyaha Degdega ah ee Degmada Xudur, kulankaasi waxaa shir gudoomiyey gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada degmada ahna kusimaha gudoomiyaha degmada mudane: Mustaf Adan Adan, waxaana goob joog ahaa gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada mudane: Humow mursal Hassan, xoghayaha dowlada hoose mudane: Abdifatah Mohamed Abdi, iyo dhamaan xubnaha maamulka degmada,
23/02/2025
Taliyaha Guutada 9-aad G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa tababar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya Ururka 96-aad Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee CXD kuwaas oo muddo layli ku qaadanayay dugsiga tababarka ciidanka ee degmada Xuddur.
Taliyaha Guutada 9-aad G/dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidankaan ay ka howlgali doonaan dhammaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Bakool si cadowga Khawaarijta ah looga dulqaado dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ku hayaan.
Xiritaanka tababarkan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa maamulka iyo waxgaradka gobolka Bakool.
22/02/2025
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kaga qeybgalay Munaasabad lagu xusaayey 55-Sano Guuradii kasoo Wareegatay Aas-Aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Raisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Munaasabada Goobjoog ahaa.
22/02/2025
Maydad hor leh oo ah khawaarijtii soo weerartay Ceel Cali Axmed oo laga helay deegaano ka fog deegaankaas.
Ciidamada difaaca deegaanka ee ka garab dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa khawaarijtii ka soo hartay weerarkii deegaanka Ceel Cali Axmed waxay ku baacsanayaan howdka iyo gododkii ay ka soo duulaantageen.
Waxay soo bandhigeen Ciidamada sawirada maleeshiyaad u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa wali raadinaya maydad wali la aaminsan yahay inay ku jiraan dhulka howdka ah si loo ilaaliyo badqabka caafimaadka bulshada
22/02/2025
XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE AFKA HOOYO 21-KA FEBRAAYO 2025
Halkudhegga: Kaalinta Afka ee Nabadda
tv
22/02/2025
𝐑𝐚'𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.
Ra'iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.
"Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaan". Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.
— Dhammaad —
22/02/2025
Raisul wasaasarah Xumumada JFS Mudsne Xamze Cabdi Barre iyo taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareygaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta si wadajir ah waxee xaraga uga jareen ispitalka cusub ee MOGADISHO CUMONITY HOSPITAL ee ciidanka Asluubta oo dhawaan howlgalidoono
22/02/2025
Munaasabad lagu xusayay 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Mas'uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo katirsan Dowlada KGS ayaa ka qeyb galay Munaasabadan lagu xusayay 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
22/02/2025
Ku ildoogso jabka Khawaarijta iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka oo dul tagay maydad hor leh oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii Argagaxisada ee lagu laayay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceel Cali Axmed.
Si'aad u aragto casharka lama iloobaanka ah ee Geesiyaasha Qaranka u dhigeen codawga Ummadda Soomaaliyeed ka soo eeg Telegramka.
21/02/2025
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS Mudane Xasan Macalin ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha dastuurka. Kulankaan oo ka dhacay Xafiiska Dadwaynaha ee Xil. Guuleed Biixi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan labada gole BJFS iyo aqoonyahano kale.
Xafiiskaan waxaa wasiirka ku soo dhaweeyay Xil. Guuleed Biixi, waxaana wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Macalin uu ka warbixiyay halka uu marayo howlaha dib u eegista dastuurka dalka, ka dibna waxa uu ka jawaabay su’aalihii la waydiiyay.
21/02/2025
Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 21-ka February, 2025
1-Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo baahi weyn ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay shirka 38-aad ee Midowga Afrika ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Djibouti.
4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Addis Ababa kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.
5-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.
6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo Ilaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.
7-Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmi doona 22-ka bisha Febraayo.
8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta.
9-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay shirka 23aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika.
10-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.
11-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
12-In ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.
13-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabat ee dalka Marooko kaga qayb galay furitaanka shirka 3-aad ee arrimaha dhulka ee Wadamada Carabta.
14-Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.
15- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka fulinta Hawlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya.
16- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabbilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alper Aktaş.
17- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Dr. Cali Xaaji aadan ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.
18- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM ,Danjire Souef Mohamed El-Amine.
19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Dalalka Carabta ee Hay’adda UNDP, Dr. Abdallah Al Dardari.
20- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Madaxa UNDP ee Waddamada Carabta Dr. Abdallah Al Dardari.
21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.
22- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay sawirka iyo macluumaadka horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi oo Khawaarijta u qaabilsan arurinta lacagaha baadda ah gobolka Banaadir.
23- Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa xarigga ka jartay xarunta cusub ee Hay’addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.
24- Hawlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo ka dhacay degaannada Puntland ayaa lagu dilay 2 xubnood oo Khawaarijta Daacish ka tirsanaa.
25- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dardargalinta hawlaha xukuumadda.
26- Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa warqadaheeda aqoonsiga guddoonsiisay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.
========DHAMMAAD=========
Click here to claim your Sponsored Listing.