Wax ka baro arimaha caafimadka

Wax ka baro arimaha caafimadka

Share

Rahma Osmaan

The Ultimate Keto Meal Plan 24/10/2023

Please visit to page
https://ruunosmaan.blogspot.com/2023/10/the-ultimate-keto-meal-plan.html.

The Ultimate Keto Meal Plan https://www.bygeniescript.com/fb/index-both-a.html =RahmoOsman The Ultimate Keto Meal Plan The Ultimate Keto Meal Plan is a comprehensi...

12/09/2022

Have a look at this:-

Photos from Dr.Suleyman Abdullahi Mohamed's post 12/09/2022
05/08/2021

Ka faa'ideysi wacan Gabdhaha aad ayay u isticmalaan xaqiiq waaye Dr Mohamed Ali Hersi mahadsanid Wax yaaba badan Naga qarsoon Aya ino so gudbisaa

25/06/2021

Aabe ayaa inan 15 jir ah uu dhalay inoogu keenay isbitaalka asigoo ka cabanaayay xanuun gabadhiisa in muda ah dhibaato ku haayay, kaas oo ka asiibay gacmaha, lugaha iyo wajiga.

Xanuunka ayaa gabadha ku beeray xishood iyo cabsi.

Kadib markaan eegnay xaalada gabadha waxaan Ku diagnosis gareenay xanuun kamida xanuunada raaga ee maqaarka ku dhaco oo lagu magacaabo Sooriyaasis.

Xanuunkan waxaa lagu gartaa qofka inuu maqaarka yara gaduuto, qolfoof adag oo dusha Sara ka cad iyo jilif yeesho.

Aabaha iyo gabadhiisa waxaan u sharaxnay xanuunka, qeebihiisa, heerarka uu maro iyo calaamadaha lagu garto.

Aabaha si qaas ah waxaan u barnay in gabadhiisa xanaano iyo dhiiri galin joogta ah u baahantahay maadaama xanuunkan la xakameenkaro laakin aysan jirin daawo dabar goyneeso.

Kadib sadax isbuuc oo daawo ah dhamaan jiliftii iyo qolfooftii bukaanka ku tiilay waa ay ka bogsatay.


.

08/06/2021

Isbitaalka Kalkaal Waxaa ku soo biiray Dhaqtar Nur Abdullahi Karshe oo Ku Taqasustay Qaliimada Madaxa iyo Neerfaha oo Khibrad Dheerna Uleh daaweentooda.

02/06/2021
11/04/2021

Muuqalkan wuxu cadeynaya magalada Mogadishu aad ugu so badanayan dhalin da'yar isticmalaysa drugs aan loogu talagalin hadanu nahay bahda cafimadka waa inaan talaba qadna sida loo yeerayo khatarta ay Leedahay daawa aan munaasab kugu ahyn inaa qadato

22/10/2020

Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!

Waa maxay duumadu ama malaariyada?
Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka si uu ugu tarmo.
Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba todobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.

Maxay malaariyadu u tahay cudur halis ah?
Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada.
Waxay sababtaa duumadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho.
Waxay kugu dili kartaa 12 saac gudohood.
Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinka kaneecada isla markaasna aad liqdid dawada ka hortagga malaariyada.

Haadii ay malaariyo kugu dhacday, mar h**e ma leedahay difaac?

Dadka ay duumadu ku dacdo marar badan waxay yeeshaan difaac jir oo aan dhamayn, laakin difaacu waqti yar ka dib ayuu ku tagaa.
Inta badan I ilaa 2 sano guduhood ayaad la mid noqon kartaa qofka aanay h**e ugu dhicin duumo.
Markaa uma lihid difaac, xataa hadii ay waayo h**e kugu dhacday duumo.

Sidee looga hortagaa?
Ka hortagga duumada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa h**e iyo maqribkii inta badan.
Samee arrimahan ka hortagga ah.
Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryaha wuxu eryaa kaneecada.
Seexo guri ku leh shebeg dariishadaha ama daaqadaha.
Seexo sariir leh mara kaneeco.
Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.
Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.
waxad iibsan kartaa maro kaneeco ama teendo kaneeco (sansayeeri).

Category

Telephone

Website

Address

Thirty Street
Mogadishu
YAAQSHIID

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wax ka baro arimaha caafimadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Mogadishu.