Xaq sime

Xaq sime

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xaq sime, Health/Beauty, Mogadishu.

17/08/2025
31/12/2024

Degdeg:- Muuse Maxamed Xasan ayaa loo magacaabey taliyaha cusub ee taliska ciidanka Taraafikada ee boliiska Soomaaliyeed halka ku xigeenka loo magacaabey Najiib Cabdi Abiib (Najiib Carab

Hambalyo

Photos from Xaq sime's post 31/12/2024

, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamada Difaaca Puntland ee kuso dhaawacmay
Weerar ay argagixisadu ku soo qaaday furimaha h**e deegaanka Dharjaale.

Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Puntland ay u guteen waajibkooda.
Kilwe Media

29/12/2024

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Galgaduud iyo saraakiil ka tirsan CXD oo kulamo lagu dardargelinayo amniga la qaatay shacabka magaalooyinka Masagawaa iyo Ceeldheer gaddoomiyaha ayaa dadkiisa ugu baaqay in xasilida iyo nabada laga shaqeeyaaa

28/12/2024

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo laba jeer dalka ka soo noqdey ra'iisal wasaare, ayaa muddo dheer kaidb ka hadley arrimaha siyaasadda ee dalka kadib markii uu ka aamusnaa bilihii dambe oo ay dalka ka dhaceen isbeddelo waaweyn.

Sharmaarke ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamey isbeddeladii waaweynaa ee dhacaayey sanadkan 2024, sida dastuurka oo la beddelo, dhisidda guddiyo u baahnaa wadatashi, dagaalo lagu qaado dowlad goboleedyada, doorashooyinkii maamullada oo la qaban waayo marka laga reebo Puntland, doorashooyin la boobo, qaar kamid ah madaxdii dowlad goboleedyada oo maxkamad u jarto waaran in la soo xiro, ciidamadii xooga dalka oo Kenya u talaabey kadib markii arrimo siyaasadeed lagu dagaalamay, in ay ahaayeen khadad cas oo la jiiray.

25/12/2024

DEGDEG:Suldaan xasan oo ku sugnaa dacawalay oo saaka dagaal xoogani ka socdo ayaa hada soo galay xarshin
Waana nabad qabaa suldaanku

Halka wararka qaar sheegayaan in qaar kamida salaadiinta halkaasi ku sugan waxyeelo soo gaadhay.

25/12/2024

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka booliska.

Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, wuxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo in dhawanahaan ku dagaalamayay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan.

Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda.

Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diiday maleeshiyaad deegaanka.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed.

25/12/2024

Dadka Deegaanka Dacawalay ayaa dib isaga Riixay Maleeshiyaadkii Saaka Salaadii Subax soo Weeraray, Waxaana Weli socda Dagaal aad u culus.

Ciidamada Liyuu Booliiska ayaa dadka oo Salaadii Subax Tukanaya Soo Weeraray lasocod wanagsan

24/12/2024

Madaxwayne axmad Madoobe oo magacabay Madaxwayne ku xigeen kowaad iyo kan labaad.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Mogadishu