TimoGlow
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from TimoGlow, Health/Beauty, Muqdisho, Somalia – Online Store, Mogadishu.
💆♀️ TimoShine waa waa astaan loogu talagalay quruxda iyo caafimaadka timaha
Sidoo kale waxaan idinla wadaagi doona talooyin iyo mask iyo saliido dabiici ah kuwaas oo ka caawinaya koritaanka timahaaga iyo caafimaadkooda
24/09/2025
OUT ON THURSDAY POST
iga raali noqda gacalooyin khamiista iyo jimce ka hor baan jaanis haynin mashquulka igu badan ii cududaara waxaan jeclaan laha anigaba inaan maalin walba post soo galiyo
Mida kale caawa qeybta sedexaad baan ka hadlayna waana wadaya ilaa intaan is leeyahay waad garanaysaa oo waad ku caawin karta gabdhahaga hadey qoraal noqoto iyo hadey wax sheeg noqoto insha allah hadii alle idmo❤️
Aan ku bilaabo
Qaybta 3aad: Saliidaha, Shampoo leave-in conditioner , ,&hair mask-a timaha
Saliida,Shampoo, conditioner , ,&hair maska Intaas bey timo walba u baahanyihiin noocey rabaan ha noqdaanee
Intaas hadey kuu hagaagaan tintaada waa hagaagaysa waa xaqiiqo gabdho
Aan ku bilaabo saliida sidaan h**e usheegay horta tin walba dhowr saliid baa lugu talo galey postigii h**e hadaa dib u akhriso anigu waxaan idin sheega labo saliid oo aan arkey wax tarkooda
Mid hair prostity hair ah oo (Saliid saytuun ka)hadey ku anfici weydana oil live oil
Mid low prosity hair (cocount oil)ama almond oil
Normalka oo labadooda isticmaali karaan
Waxaan kaloo ku dara saliidahas iska fiiri original iyo copy bey leeyihiin tan kale kuwaan hadey ku anfaci waayaan mid kale oo nooca timahaaga oo lugu talo galey oo kamid ah kuwaan soo qorey tijaabi
Sidoo kale waxaan ku darayaa low prosity hair hada tahay si fiican usii ogow saliidaha geedaha ka samaysan ama adigu sameyso
Balse hadaa tahay hair prosity hair ha u dhawanin wll saliid kasta oo geedaha ka samaysan sida kuwa guryaha lugu sameeyo oo dhowrka nooc ee geed laisku dardaro
Hada ka hor markaan ogaadey timaha nooceyga waxaan bilaaba inaan marsado saliido geedo ka samaysan waxay igu sameysa
1:Timahii oo dhulka iga dhigmey sey iiga jarmayeen
2:qaleeel saaid ah
3:Tintooda i xanuunta markan dhaho shanlee
Maalintaas baan iska joojiya oo dareema iney timahaan nooceyga saliidan ahayn tooda
Oo inaad ukala fahanteen baan rajaynaya gacalooyin
Aan u gudbo qeybta shampoo
Xulashada shampoo-ga saxda ahi waa tallaabada koowaad ee timaha caafimaad qaba iyo dhalaal u keena.
Nooca timahaaga (porosity) ayaa go’aamiya nooca shampoo ee ugu fiican adiga
1. Low Porosity (Hoose) Timahaaga si fudud uma nuugo qoyaanka, sidaa darteed dooro
Shampoo khafiif ah oo aan aad u culusayn sida kuwa aan hoos kuso dhigi doono
2. Normal Porosity (Caadi)
Waxay si fiican u nuugaan qoyaanka, waxaana sahlan daryeelkooda.
Shampoo dabiici ah oo aan lahayn sulfates culus
Meelaha lugu gado alaabaha ama online baa ka dalban karta shampoo free sulfate ah
Marka aad maqasho “Sulfate-free” shampoo (ama Free Sulfate), waxaa loola jeedaa shampoo aan ku jirin kiimikooyinka nadiifinta xooggan ee loo yaqaan sulfates.
Maxay yihiin Sulfates?
Sulfates waa walxo sameeya xumbo badan oo lagu isticmaalo shampooyinka, saabuunta, iyo alaabta nadiifinta.
Magacyada caanka ah waxaa ka mid ah:
Sodium Lauryl Sulfate (SLS)
Sodium Laureth Sulfate (SLES)
3. High Porosity (Sare)
Timahaagu si degdeg ah ayuu u nuugaa qoyaanka, balse si dhakhso ah ayuu u luminayaa.
Ku habboon Shampoo culus oo xajista qoyaanka sida kuwa aan hoos soo dhigayo
Intaas waa cilmi guud ani ahaan maxaan isticmaala markasta waxaan isku kabi doona qoraalka guud iyo aniga waxa i anfacey
Horta shampoo kuwo badan baa rabaa inaan online ka dalbado oo nooca timahayga ah sanadkii h**e baan raba inaan dalbado balse caqabado yar baa iga soo dhex galey wadankan joogno oo Somalia ah wax marka dhahdid aad dalbatid sheygii inaad heshid waqti bey kugu qaadanaysa inkastoo sidii h**e oo online xooga baryahan soo badanayo
Intaas oo dhan hada awoowdid sii isticmaal saliida baby shampooga aad bey aniga ii anfacda runtii kuwaas kale waan isticmaali raba insha allah markey isoo gaaran
Laakinse muhiimada markaa wax heshid waa inaad garan garto nooca aad u bahantahay oo aadan qasaarin hadana waxa aad heli karto isticmaasho
Intaas waa saliida iyo shampoo qoraalka saaid buu udheerada labada kale the next bey noqonayaan insha allah
Waana labada aan rabo siiba maskiga oo kaligiis post ka dhigi doono hadii alle idmo
Postiyadan aniga jeclaystey inaan idin faaideeyo waxa aan isleeyahay waan garan xooga gacalooyin ee aqrista waxij idin ka anfaca ka qaata like iyo comment soo daaya waxii idin ka anfaca dib noola sooo wadaaga
Insha allah group telegram oo timaha ahna waan samayn doona meshan waa facebook si kasta oo aan amaankeda u ilaaliyi sawiro inaan lugu aaminin oo telegram one time ka isticmaalo doono bey u badantahay
By Stay tuned! In the next part4
18/09/2025
✨ Qaybta 2aad: Saliidaha & Alaabta ku habboon Noocyada Timaha
Postigaan waxaan oga hadli doona timo walba iyo nooca alaab kusoo baxaya iyo nooceyga sidoo kale timahayga iyo waxaan ku xaliyey madama alaabaha qaar la helaynin anigoi idinla wadaagaya sawiro
Fadlan hadaad postiga h**e ee part1 aadan aqrin soo akhri oo soo ogow horta nooca timahaaga si aad noola socoto fadlan
Intaas waa si guud iyo timo walba waxa ubahanyihiin
Aniga ahaan hadan iska hadlo waxaan ahay high prosity hair waxana ogaada Sanadkii h**e inkasto anaan aqoon saliidaha iyo alaabta ay ubahanyihiin nooca timahayga
Waxwalba waqti qaata wax marka ogaatid wax kale baa kudhibaya barshadooda
Soomaali hadaan nahay ma fahamsanin kala duwaanshaha dadka sida timaha iney dadku kala duwanyihiin
Waxaa laga yaaba reerka dhan hal saliid iyo hal shampoo inaan isticmaalo waana sidan ubadanahay sababo badan ha keenen oo dhaqaale yari haugu h**eyso horta madama reerku awoodin qof walba inuu isticmaalo alaab gooni ah
Balse waxaan rabna inta aan ka helayno ama aan ka gaarayno heerkaas inaan waxa aan awoodo aan isticmaalno
Aniga ahaan waxaan ahay reerkeena maalin jimco ah dhamaantood tintooda baartey noocoida wiilal iyo gabdho oo ka dhaadhicisey in timaha dadka kalaa duwanyihiin oo aan isku alaab isticmaalin😂
Intaas waa sheeko page kaan waxan usameeya daryeel timo kali ma ahan sidoo kale jabka timaha iga soo marayna wn ku qorayaa 😂
Insha allah sawiro badan wan soo galin wax nin ahana inuu kusoo biirana waan ka ilaalin doonaa hadii alle idmo madama page anigu maamulo yahay
Intaas kabacdi waa kuwaan timaha noocyadooda iyo saliidaha ubahnyahiin nooc walba
1. Low Porosity (Hoose)
Timaha si fudud uma nuugo saliidda/qoyaanka.
Saliidaha ku habboon:
Saliid khafiif ah sida Argan oil ama Grapeseed oil
Midii aad heli karto sidoo kale conditioner khafiif ah
U samee steam (uumiga) si timaha loo furo una nuugo qoyaan
🔹 2. Normal Porosity (Caadi)
1. Low Porosity (Hoose)
👉 Timaha si fudud uma nuugo saliidda/qoyaanka.
✅ Ku habboon:
• Saliid khafiif ah sida Argan oil ama Grapeseed oil
• Conditioner khafiif ah
• Steam (uumiga) si timaha loo furo una nuugo qoyaan
2. Normal Porosity (Caadi)
👉 Timaha si dhexdhexaad ah ayuu u nuugaa qoyaanka, waana nooca ugu fudud in la daryeelo.
Saliidaha Ku habboon:
Saliidaha caadiga ah sida Coconut oil, Olive oil, Jojoba oil
Hair masks jilicsan oo qoyaanka ilaaliya
Deep conditioning todobaadkii 1 jeer
🔹 3. High Porosity (Sare)
👉 Timaha si dhaqso ah ayuu u nuugaa qoyaan, laakiin si degdeg ah ayuu u luminayaa.
Saliidaha ku habboon:
Saliid culus sida Castor oil ama Shea butter
Intaas waa si guud iyo timo walba waxa ubahanyihiin
Aan usoo laabto maxa xal ah hadan alaabta lawada helin karin qeybta saliida hadaan ku hormaro oo aan ogaadey
High prosity hair hada tahay sideyda oo kale fadlan saliidaha kale jooji isticmaal saliida saytuunka
Low prosity hair hadaa tahayna saliida bluuga oo coconut oil
Normal hada tahayna labadooda isku darso
Intaasna waa in aan ogaadey oo qeybta saliidaha ah maskigana waan soo dhiga doona insha allah
Warka waan sii wadi lahayee qoraalka dheeranaya insha allah waa inoo posti kale
17/09/2025
Waa ku faraxsanahay in gabdho badan ay durba xiisaynayaan TimoShine ama timoglow 🎉👏.
“Mahadsanidiin dhamaan gabdhaha quruxda badan ee nagu soo biiray TimoShine 💕
Farxad weyn ayay noo tahay inaan idinla wadaagno talooyin iyo alaabo caafimaad iyo qurux u keenaya timahaaga.
TimoShine waa safar aan ku baran doono sida timaha loo daryeelo, loo ilaaliyo, loona qurxiyo – si aad ugu faanto timahaaga dabiiciga ah.
Qaybta 1aad: Noocyada Timaha ✨”
Waxaan ku hormaraynaa inaan ogaano nooca timaha inta aanan wax kale bilaabin
Gabdho badan oo yaqaana wey jiraan masha allah
balse sida comments xala ka arkayey gabdho badan baa i weydiiyey sida lugu ogaado nooca timaha si aan iskula socono gacalooyin
Intaa kadib ma ogtahay in timahaaga uu leeyahay nooc gaar ah? 😍
Nooca timaha waa waxa go’aamiya sida timahaagu u nuugo saliidaha iyo qoyaanka. Waxaa lagu tijaabiyaa si fudud iyadoo la adeegsanayo imtixaanka biyaha (water test):
👉 Qaado xabad timo yar, geli galaas biyo nadiif ah oo sug daqiiqado.
Low Porosity (Hoose): Haddii timo korka biyaha ka dul sabbeeyo → timahaagu si fudud ma nuugo saliidda/qoyaanka.
Normal Porosity (Caadi): Haddii uu bartamaha biyaha dhex istaago → timahaagu waa caadi oo si fiican ayuu u nuugaa qoyaanka.
High Porosity (Sare): Haddii uu si degdeg ah u galo hoosta biyaha → timahaagu wuu nuugaa qoyaanka, laakiin si dhaqso ah ayuu u luminayaa.
💡 Fahamka nooca timahaaga waa talaabada ugu horreysa ee daryeelkiisa!❤️
Part 2 waxaan kaga hadli doonaa saliidaha iyo alaabta ku habboon nooc kasta oo timo ah hadii alle idmo
Stay tuned ✨gacalooyin ❤️
16/09/2025
“Timaha waa taajka haweeneyda Soomaaliyeed ✨”
Gabadihii Soomaaliyeed ee h**e waxay caan ku ahaayeen timo dhaadheer, dhalaalaya oo si dabiici ah loo daryeelo. Waxaa la adeegsan jiray salool, subag, xabag geed, iyo saliidaha dabiiciga ah si timaha caafimaadkooda loo ilaaliyo.
🌿 Maanta, inkasta oo aan haysanno alaabo casri ah, haddana sirta quruxda timaha waxay weli ku jirtaa daryeel joogto ah iyo isticmaalka wax dabiici ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu