Waayaha Aduunyada
Wayaha Aduunyada Waqti waliba Waa ceyn?
29/10/2025
Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay weerarro joogta ah oo ay Israa|l ka wado marinka Qasa , tan iyo xalay, halka in ka badan boqol ah ay ku dhaawacmeen, sida ay werisey Al Jazeer.
29/10/2025
Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa ku warramay in sirdoonka Mareykanka uu xaqiijiyay Imaaraadka Carabta inuu sanadkan laba jibbaaray sahayda hubka ee uu siiyo ciidamada RSF ee Suudaan, iyadoo Imaaraadku uu hub casri ah ka soo iibsado Shiinaha, ka dibna uu u gudbiyo ciidamada RSF , taa oo beddeshay xaaladda dagaalka una suragelisay RSF inay la wareegto deegaanno, halkaa oo ay ka geysteen xasuuq ka dhan ah dadka rayidka ee ku nool goobaha ay milatariga ka baxeen.
28/10/2025
Duqeymaha ayaa ka sii socda marinka Qasa, iyadoo hadda weerarradii u dambeeyay ay diyaaradaha Israa|l ka fuliyeen xaafadda Saytuun ee bariga Qasa oo ah goobta ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee barakaca ah.
28/10/2025
Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Qasa ay dib ugu laabanayaan, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in diyaaradaha Israa|l ay ku laabtaan hawada Qasa oo ay duqeymo culus fuliyaan, isagoo go’aankan ku sheegay inuu qaatay kadib la tashi uu la sameeyay saraakiishiisa amniga.
Al Jazeera ayaa dhankeeda werisey inay duqeymo ka socdaan Qasa oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.
28/10/2025
Waligaa Qof dhalinyaro ah oo kuu shaqeeya Ha dulmin.!
Wariye Najiib abdulkadir waa Tabiyaha ugu fiican ee somalia wuxuu ushaqeyn jiray Shirkada Astaan Tv kadib waxaa dhacday in la xumeyay oo xataa shaqadii laga eryay.
Intaas loogama harin ee waxaa soo hadlay agaasimihisi oo ugafay oo ku tilmaamay nin balwadiste ah oo mashqeyste eh.
Waxaa dhacday bilo kadib inuu Wariye Najiib ka shaqo bilaabo TV la yiraah Azul sports oo cusbaa oo 30Kun oo qof kaliya ku xirneyd.
Waxaa hadda dhacday tartankii degmooyinka Xamar iney bilowdaan Dhamaan dhalinyaradii waxey iska xaadiriyeen tv-gii cusbaa Daawashada tabintiisa Najiib.
Shalay waxaa dhacday iney TV-gii cusba ey Daawato 20Kun oo qof halka Astan oo Ey ku xiran yihiin 1.5M malyan Qof ey daawadeen 5Kun oo qof iyo mararka qaar 2kun bey tagtay.
Markey arkeen iney saqiiren waxey waceen mid layiraah Somali-gamer oo ciyaal TikTok aad ugu xiran yihiin bey yurub ka keenen.
Waxaa dhacday markii Ciyaartii soo dhamatay inuu Soomaali-gamer raadiyay halkuu joogay Najiib kadibna muuqal lasoo duubay,Hadde waa Ninkii ey astaan rabtay iney ku jabiso Najiib.
Balse waxaa cajiib noqotay isagii ey keensaden baaba Najiib sameyn kasoo raadiyay waxaas oo dhan HAL maalin bey dhaceen .Lol 😂
Waxaa kacay dhamaan ciyaal Xamar iyo Somali oo dhan waxey u hiiliyeen Najiib waxeyna tuseen iney Qof la dulmin karin.
Dhamaanteen Najiib garabkiisa nahay. ❤️
26/10/2025
Gabadhaan oo u dhalatay dalka Thailand ayaa maalintii qalin jabinteeda lugaha ka dhunkatay walaalkeed ka weyn, sidoo kalana u galisay labiska xaflada qalin jabinta, si ay ugu mahadceliso nafhurnimadii uu u sameeyay ayada, kadib markii walaalkeed asigoo yar joojiyay waxbarashada si uu ugu koriyo isla markaana wax u baro.
Source:Ateeno
26/10/2025
Gabadhu markay 18-jirto waa sida kubada oo 22 nin baa eryada cagta
Markay 25 sano gaadho waa sida kubada kolayga oo 12 nin baa eryada
Markay 30-sano gaadho waa sida kubada tenis-ka oo 2 nin baa eryada
Kolkay 35-sano gaadho waa sida golpher-ta oo 1 nin baa eryada
Markay 40-sano gaadho waa sida Mo Farah oo keligeed baa oroda🤣🤣.
26/10/2025
Shiinaha ayaa bilaabay tijaabinta drone-yo ku shaqeeya caqli macmal ah (AI) oo awood u leh in ay beeraan ilaa 100,000 geed maalintii.
Drone-yadani waxay adeegsadaan muuqaal-arag (machine vision) iyo khariidado GPS ah si ay u aqoonsadaan meelaha ciidda ku habboon, kadibna waxay ku daadinayaan abuur dabiici ah oo ay ku jiraan nafaqooyin si koritaanka geeduhu u bato.
Dib-u-beerista dhirta ayaa muddo dheer ahayd caqabad sababtoo ah baahida shaqaale iyo meelaha qaar oo aan la gaari karin, balse hadda iyadoo la adeegsanayo drone-yo iskood u shaqeeya, habkaas wuxuu noqday mid fudud oo dag dagah hadana qiimo jaban.
Drone kasta waxay dabooli kartaa dhul ballaaran — xitaa buuraleyda iyo dhulalka adag ee aan bini’aadamku tegi karin.
Hindisahan wuxuu beddeli karaa dadaallada caalamiga ah ee dib-u-beerista dhirta, isagoo ka dhigay halgan cusub oo deegaanka lagu badbaadinayo ayadoo la isticmaalayo tignoolajiyada.
Marka caqliga macmalka ah(Ai) iyo caqliga dabiiciga ah ee bini aadamka ay is galaan — kaymaha iyo dhirtii way soo noqonayaan, dhulkuna mar kale wuu neefsanayaa. 🌲
Maka jawaabi kartaa suaalahan.😳
1. Soomaaliya intee le’eg ayay dhul ka lumiyay dhirtii iyo kaymihii 30-kii sano ee la soo dhaafay?
2. Maxay yihiin sababaha ugu waaweyn ee xaalufka dhirta (deforestation) ee ka jira Soomaaliya maanta?
3. Haddii Soomaaliya ay yeelato mashruucaan “AI Reforestation,” ee drons la isticmaalyo, waa kuwee gobollada ugu habboon ee lagu tijaabin karo marka ugu horeysa?
25/10/2025
Diyaaradaha Israa|l ayaa waxyar ka hor duqeymo culus ka geystay marinka Qasa,waxaana weerarkaa ku geeriyooday tobannaan qof oo ay carruur ku jiraan, xilli ay socdaan wadahadallo u dhaxeeya Trump iyo Amiirka Qatar oo la xiriira xaaladda bariga dhexe iyo xabbad-joojinta Qasa, sida ay werisey Al Jazeera.
25/10/2025
80 Shinbir oo Diyaarad Lagu Safriyay – Xaqiiqo Cajiib ah oo Ka Dhexeysa Dhaqanka Khaliijka
Sannadkii 2017, sawir si weyn u hadal hayn noqday baraha bulshada ayaa muujiyay amiir Sucuudi ah oo si gaar ah u kireystay diyaarad nooca Fokker 100 ah si uu ugu safriyo 80 shinbir oo ugaarsi ah (falcons). Shimbirahan oo aad qaali u ah ayaa safar raaxo leh ku galay gudaha diyaarada, mid kasta oo si nidaamsan ugu fadhiyay kursi u gaar ah.
Safarka waxaa lagu bilaabay Riyadh (Sacuudi Carabiya), waxaana lagu wajahaa Dubai, halkaas oo loogu qabtay tababar ugaarsi oo khaas ah. Waxaa xiiso leh in shirkado diyaaradeed oo caan ah sida Qatar Airways iyo Etihad Airways ay si rasmi ah u oggolaadaan shimbiraha in lagu safriyo gudaha diyaaradaha – mid kasta oo leh baasaboor gaar ah oo uu bixiyo Imaaraadka Carabta.
Dhaqanka noocan ah ayaa astaan u ah muhiimadda ay ugaarsigu ku leeyahay dhaqanka Carabta Khaliijka, gaar ahaan falcon-ka oo loo arko astaan geesinimo, xarrago iyo hanti. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani waxay baraha bulshada ka dhalisay dood iyo qosol isku dhafan — qaar waxay ku tilmaameen "maalgelin dhaqameed", halka qaar kalena ay la yaabeen sida shinbiraha loogu sameeyay raaxo iyo sharaf ka badan tan dad badan heli karaan.
🗣️ F.G
Marka shinbiraha loo sameeyo baasaboorrada iyo kuraas gaar ah, halkee ayay taagan tahay mudnaanta bani’aadamka caadiga ah? 😅
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu