FOSWA
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from FOSWA, Health/Beauty, Mogadishu.
Ururka Hormarinta Haweenka Soomaliyed
FOSWA is a non-profit organization dedicated to empowering Somali women and girls by providing an inclusive platform to gain knowledge, build confidence, and actively contribute to community and societal development.
FOSWA waxay wacyigelin u qabatay hooyooyin ku nool mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho. Waxaan sii wadeynaa dadaallada kor loogu qaadayo caafimaadka iyo wacyiga bulshada.
30/08/2026
FOSWA waxay wacyigelin u qabatay hooyooyin ku nool mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho. Waxaan sii wadeynaa dadaallada kor loogu qaadayo caafimaadka iyo wacyiga bulshada.
05/08/2026
TODDOBAADKA CAALAMIGA AH EE NAASNUUJINTA🤱
1–7 Agoosto 2026
Munaasabadda Toddobaadka Caalamiga ah ee Naasnuujinta awgeed, FOSWA (Forum for Somali Women Awareness) waxay ku boorrinaysaa dhammaan hooyooyinka, qoysaska, iyo bulshada inay taageeraan naasnuujinta, maadaama ay tahay aasaaska caafimaadka, koritaanka, iyo badbaadada carruurta.
Alle SWT wuxuu Qur'aanka Kariimka ah ku yiri:
﴿وَٱلۡوَٰلِدَٰتُ يُرۡضِعۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ حَوۡلَيۡنِ كَامِلَيۡنِۖ لِمَنۡ أَرَادَ أَن يُتِمَّ ٱلرَّضَاعَةَ﴾
Macnaha:
Hooyooyinkuna waxay nuujinayaan carruurtooda laba sano oo kamil ah , qofkii doona inuu dhamaystiro muddada nuujinta."
(Suuradda Al-Baqarah: 2:233)
Naasnuujintu waa cunto dabiici ah oo dhammaystiran, waxay xoojisaa difaaca jirka ee dhallaanka, waxayna door weyn ka qaadataa caafimaadka hooyada iyo ilmaheeda.
📌 Farriinta FOSWA:📌
Taageer hooyo kasta oo naasnuujinaysa.
Dhiirrigeli naasnuujinta gaarka ah 6-da bilood ee ugu horreeya.
Sii wad naasnuujinta iyadoo lagu darayo cuntooyin ku habboon ilaa laba sano ama ka badan.
Naaska hooyadu waa nimco uu Alle bixiyay, waana aasaaska caafimaadka, koritaanka, iyo mustaqbalka ubadka."
FOSWA – Forum for Somali Women Awareness 🌸
Empowering Women Through Awareness & Development
03/08/2026
Asc gabdhaha qiimaha badan. 🌸
Ku soo dhowaada group-ka FOSWA.
Group-kan waxaa loogu talagalay in lagu mideeyo laguna dhiirrigeliyo gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo loo qaban doono workshops, tababaro, iyo barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta, xirfadaha, hoggaaminta, iyo isku kalsoonaanta.
Waxaan rajeynaynaa inaad si firfircoon uga qeyb qaadataan, aadna uga faa'iideysataan fursadaha la wadaagi doono.
Ku soo dhowaada FOSWA – Empowering Women Through Awareness & Development. 💙
Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/D8Ghv93bR338AOncf2lHca?s=sh&p=a&ilr=0
10/06/2026
Weli waxaa noo socda ololaha wacyigelinta ee dugsiyada, kaas oo aan diiradda ku saareyno caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.
Waxa boqanay school SYL, Ujeeddadeennu waa inaan ardayda iyo bulshada ku baraarujinno muhiimadda ay leedahay ilaalinta caafimaadka, ku dhaqanka nadaafadda wanaagsan, ilaalinta deegaanka, iyo dhowrista khayraadka dabiiciga ah si ay uga faa'iideystaan jiilasha mustaqbalka.
Wacyigelin iyo waxbarasho joogto ah ayaa horseedi kara bulsho caafimaad qabta iyo deegaan nadiif ah.
Aan si wadajir ah uga shaqeyno dhisidda mustaqbal caafimaad leh oo waara.
07/06/2026
Food safety is everyone's responsibility,Safe food protects our health, prevents diseases, and helps communities thrive. Let's practice good hygiene, proper food storage, and safe cooking habits every day.
"Safe food today for a healthy tomorrow.
26/05/2026
26/05/2026
Waxaan wacyigelin ku saabsan nadaafadda iyo caafimaadka ka sameynay School-ka Macallin Jaamac ee Xamarweyne.
Ujeeddada wacyigelintan waxay ahayd inaan ardayda ku baraarujinno muhiimadda ay leedahay nadaafadda, ilaalinta deegaanka, iyo ka hortagga cudurrada ka dhasha nadaafad xumada.
Caafimaadku wuxuu udub-dhexaad u yahay nolosheenna, waana muhiim in laga fogaado lagana feejignaado waxyaabaha dhibaatada u keeni kara si toos ah iyo si dadbanba. Ilaalinta nadaafadda iyo wacyigelinta bulshada waxay door weyn ka qaataan ka hortagga cudurrada iyo horumarinta caafimaadka bulshada.
25/05/2026
Waxaan bulshada Soomaaliyeed ku wacyigelinaynaa in ay feejignaadaan xaaladaha cudurka Ebola ee laga soo sheegay qaar kamid ah dalalka Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).
We urge the Somali community to stay alert following reported Ebola cases in Uganda and the DRC.
17/05/2026
FOSWA ayaa soo agaasimeen seminar muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo hagidda gabdhaha ku jira marxaladda waxbarashada iyo hanaqaadka.
Kulankani wuxuu ahaa mid aqoon kororsi iyo wacyigelin leh, laguna dhiirrigelinayay gabdhaha inay caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda si wanaagsan u daryeelaan.
Waxaan halkaan uga mahadcelinaynaa Jaamacadda SIU iyo Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo qeyb weyn ka qaatay hirgelinta iyo guusha barnaamijkan muhiimka ah.