Tageerayasha wasiir zaajin
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tageerayasha wasiir zaajin, Beauty, cosmetic & personal care, Moose Jaw, SK.
05/28/2022
Culimada Somaliland ayaa bayaan ka sooo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.
Akhri
Annaga oo ah Culimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, waxa aannu soo jeedinaynnaa maanta oo ay tahay bisha May 28, 2022, baaqan nabadeed:
1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle - korreeye - uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.
2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.
3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga –scw- ( ما من عبد ترك شيئاً لله إلا أبدله الله به ما هو خير منه من حيث لا يحتسب)
4. Waxa aannu madaxda mucaaridka ugu baaqaynnaa in ay kicinta bulshada joojiyaan samatalisnimada iyo dulqaadkana fursad siiyaan, si nabad ahna rabitaankooda ku raadsaan, oo aanay xaaladdan xakiran uga sii darin.
5. Shacabka waxa aannu ku waaninaynaa nabadgelyadaa ina wada deeqdee aynnu si wadajir ah u wada ilaashanno, ogaadana in aanay cidina colaadda iyo rabshadaha ku faa'iidaynnin, belaayadu marka h**e way qurux badantahay, marka ay dhacdana way foolxumaataa, inta aanay dhicin aynnu ka wada hortagno.
6. Waxa aannu si gaar ah ugu naseexaynaynaa qurba joogta in ay bulshadan tabaalaysan u tudhaan oo aanay qabyaalad iyo isku dir ka shaqeynnin, taa beddelkeedana dadaalkooda geliyaan sidii ummaddan wadajirkeeda iyo walaaltinnamadeeda loo xoojin lahaa, waxaannu ku boorrinaynnaa in ay xasilloonida iyo is fahamka bulshada ka qayb qaataan oo aanay kala fogeyntooda ku lugyeelannin.
7. Warbaahinta waxa aannu xasuusinaynnaa in ay ku dadaalaan in ay faafiyaan wixii bulshadan walaaltinnimadeeda iyo isu soo dhowaanteeda xoojinaya, oo aanay wixii sii kala qaybinaya soo gudbinnin, qaybna ka noqonnin isku dirkeeda.
8. Culimadu waxa ay caddeynayaan in ay ka shaqeyn doonaan xallinta khilaafka taagan iyo isu soo dhoweynta xisbiyada iyo xukuumadda, iyaga oo kaashanaya, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan waxgaradka kale ee daneynaya in ay hawshan ka qayb qaataan.
9. Waxa aannu culimo ahaan codsanaynnaa mar haddii wixii qorraa lagu heshiin kari waayey in dhexdhexaadintayada la aqbalo, annaga oo khilaafka ku xallin doonna sida sharciga Alle nooga muuqata, maslaxadda guudna danta u ah.
10. Ugu danbeyn waxa aannu Ilaahay ka baryeynnaa in uu abaarta roob iyo barwaaqo inoogu beddelo, cudurrada, sicir bararka iyo khilaafka oo dhan innaga dulqaado, nabadgelyada inoo xoojiyo, isfahanka iyo isu dulqaadashadana ina waafajiyo.
Magacyada Culimada:
1. Sh. Maxamed Cali Geeddi
2. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Awcabdi
3. Sh. Maxamed Aadan Muxumed
4. Sh. Cismaan Cali Xuseen
5. Sh. Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
6. Sh. Maxamed Madar
7. Sh. Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan
8. Sh. Cabdilaahi Makaawi
9. Sh. Maxamed. Cabdiraxmaan (Deeq)
10. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed
11. Dr. Khadar Xasan Axmed
12. Dr. Cabdirahmaan Ismaaciil (Khayre)
13. Sh. Maxamed Cabdi Carab
14. Sh. Daahir Aadan
15. Sh. Ibraahim Axmed Xirsi
16. Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac
17. Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan
18. Sh. Maxamed Daahir
19. Sh. Yaasiin Macalin Xuseen
20. Sh. Mubaarak Muuse.
21. Sh. Cabdiraxmaan Cumar Cigaal
22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Cige
23. Sh. Maxamed Haybe
24. Sheekh maxamed axmed food
Xigasho : Saab TV
05/25/2022
Cajiib:- Dhalinyar Ku Eedaysan Qaadashada Calanka Soomaaliya oo Xabsigii 3-aad Liinta Ku Cabaysa 2-Toddobaad Gudahood !!!
Boorama: Maxkamada Degmada ayaa Xabsiga Hoose Ee Magaalada U Dhaadhicisay {RUUMAAN} 3-Qof oo Ka Mid ah Dhalinyar La Hor Keenay oo Ku Eedaysan qaadashada Calanka Soomaaliya,
Sidoo Kale Maxkamada ayaa Xorriyadooda U Celiyey 3-Kale oo Ka Mid ahaa dhalinyartani,
Garsoorayaasha Maxkamada Degmada ayaa iyagu qaaday dacwadani Kadib markii ay Kiiskani iska diidday inay qaado Maxkamada Gobolka Awdal oo iyadu Kiiskani U Aragtay Eedaymo Raqiis ah,
Dhalinyartani oo Markii H**e Lagu Xidhay Magaalada Boon, Maalin Kadib Doorashadii Madaxweynaha Somalia 16/May/2022, ayaa Maamulka Degmadaasi Ku Eedeeyey inay Qaateen Calanka Somalia oo ay Suuqa ULa Soo Baxeen,
Kadib 4-Maalmood ay Ku Xidhnaayeen Magaalada Boon Waxa Loo Dhaadhiciyey Saldhiga Degmada Xariirad oo Haddana Laga Soo Wareejiyey 2-Maalmood Ka Hor Si Maxkamad Loogu Saaro Magaalada Boorama,
Mid Ka Mid ah 3-da Eedaysane Ee Loo dhaadhiciyey Xabsigii 3-aad ayaa ah Gabadh Da' yar.
Source Awdal History
05/24/2022
Eritrea iyo TPLF ayuu midwalba midka kale ku edeeyay inay wadaan u diyaar garaw Dagaal.
Waxaa sii socday eedeymaha ku saabsan duulaanka iyo weerarada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo hanjabaado kala duwan, Sido kale Eritrea oo Qayb wayn ku lahayd Dagaalka ka dhacay Waqooyiga Ethiopia ayaa hada Lagu edeeyay inay Bilawday Diyaar garaw Dagaal oy kuso qaado Gobalka Tigray, (Falanqeeyaasha)
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay weerar kasta oo suurtagal ah oo kaga Yimaada Dhinaca Tigray.
TPLF ayaa dhankeeda amar ku bixisay in shacabka ay u diyaar garoobaan dagaalka soo socda Wax qarsoodi ah ma aha in ciidamada Tigray-gu ay isu diyaarinayaan hawlgalkii millatari ee “ugu dambeeyay, siday Qabaan Xeel dherayaashu.
Eritrea ayaa sheegtay inay ilaalinayso madax'banaanidena iskana Difaaci donto Weerar kasta oo kaga imaada TPLf.
05/22/2022
Madaxweynihii h**e ee Somaliland Daahi Riyaale Kaahin oo galabta hadlay ayaa been qaawan ku tilmaamay in 80 cod xisbiga Kulmiye lagaga heley doorashadii ay wada galeen xisbigii Udub.
" Cabdilaahi Jawaan oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Komashanka ayaa ku dhawaaqay doorashadii 2003 in 80 cod inaan ku heley ayuu marki h**e sheegay , kulmiye markaa may hibeyn oo may aqbalin in laga heley , maxkamada sare ayay dacwad u qorteen , markii maxkamadu tirisayna 200 iyo dheeraad ayay xukun maxkamadeed ku soo saartay inaan ku heley , rag Kulmiye ah ayaan maalin walba dhageysta oo ku dooda inay 80 cod kaga tageen 2003 , taas oo ah been qaawan oo umadda reer Somaliland ay la hor taagan yihiin oo aanay ka xishoonin ".
" Sideedii sanadood ee aan xilka hayay maalin kastoo qaran marti qaad ayaan xisbiga Kulmiye u fidin jiray maalin kaliyana kamay soo qeyb galin xaflad qaran oo aan ku marti qaaday xisbiga Kulmiye ".
" Waxaanay faan u lahayn ayay maalin kasta dadka la hor taagan yihiin , si aan uga hor joogsado oo umada mar dambe faanka been sheegashada aanay umadda ula hor iman ayaa isoo kicisay maanta "
Daahi Riyaale Kaahin
madaxweynihii h**e ee Somaliland
oo Sahan Tv u waramay.
muqdisho oo laga xusay 18may
05/17/2022
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa munaasibada maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May awgeed dhambaal hambalyo ah la wadaagey guud ahaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, Wuxuuna la qeybsadey farxadda maalintani leedahay.
Wasiirka ayaa dadweynaha Somaliland ugu baaqey in si nabad-gelyo ah kuna saleysan tahay muwaadinno ay u xusaan isla markaana u weyneeyaan xuska 31aad ee kasoo wareegtay maalintii Somaliland lasoo noqotey madax-bannaanideeda.
05/16/2022
Borama:- Xusk Sanad Guurada 31aad Ee 18 may iyo Diyaar Garowga Wasarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Gobolka Awdal.
05/13/2022
Xagee baad diyaar ku tahay oo aad ku sugaysaa inta siidhiga la afuufayo?
05/13/2022
Deg deg Go,aan Rasmiya Oo kasoo Baxay Dilkii Sadexda Dhalinyaro Ee Xalay Lagu Dilay Magaalada Boorama Kulan Geed Fadhiisiya oo u dhexeeyay beelaha reer dudub reer axamed iyo hasan za,ad oo ay wehliyaan masuuliyiinta laamaha dawlada iyo kuwa amniga badiba saladiinta iyo cuqaasha kale ee kasoo jeeda gobolkani awdal
Ujeedka kulankkani geed fadhiisigaa ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayay dhacdadii 3 da dhalinyaro xalay lagu dilay gudaha boorama taasi oo ay cidii dilka gaysatay dawladu gacanta ku dhigtay
Waxana la isku afgartay oo ay ka dhawaajiyen beesha reer dudub in loo dilo oo loo raaciyo ninkii dilka gaystay sidaasina ay dawladu u sheegtay in go,aankoda ay iyagu leeyahiin loona xukumi doono.
Gudoomiyaha gobolka awdal ayaana sheegay madaama go,aanku sidaasi yahay in la aasi doono maydasha.
Axmed buudhi wabilaahi tawfiiq.
05/10/2022
Inta Goor ee La Isticmaalay kelmadda ah “ Madaxweyne uma aqoonsanin Markay Taariikhdu gaadho…..”
W/Q: Cali Cabdi Coomay
- Markii ugu horraysa ee kelmaddan ay reer Soomaalilaan maqlaan waxa ay ahayd 2000-dii. Wakhtigan madaxweyne Cigaal ‘AHN’ ayaa ku dhawaaqay in nidaamkii beelaha laga guuray oo xisbiyo loo guurayo. Mucaaradkiisa oo ugu tunweynaa Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku eedeyey inuu doorashadda ka cararayo. Waxaanay sheegeen in markay shantiisa sanno dhammaato aanay madaxweyne u aqoonsan doonin. May socon waxa ay noqotay tii madaxweynaha.
- Markii labaad waxa ay ahayd sannadkii 2008, waxaana dhammaaday wakhtigii shanta sanno ee la doortay madaxweyne Riyaale oo ahayd (2003-2008). Mucaaradka oo ugu tunweynaa madaxweyne h**e ee Siillaanyo ayaa ku dhawaaqay in marka la gaadho sannadka 2008 aanay madaxweyne u aqoonsan doonin Riyaale madaxweyne. May se dhicin oo tii madaxweynaha ayey noqotay.
- Markii afraad waxa ay ahayd 2009 bishii May oo muddo kordhintii labaad loo sameeyey madaxweyne Riyaale. Mucaaradka ayaa sheegay in markuu sannadkii 2009 dhammaado aanay madaxweyne sharci ah u aqoonsan doonin Riyaale. May se dhicin oo tii Riyaale ayey noqotay.
- Markii shanaad waxa ay ahayd 2015, oo ay dhammaatay shanti sanno ee la doortay madaxweyne Sillaanyo. Mucaaradka ayaa markiiba sheegay in markay gaadho 2015, aanay madaxweyne Siilaanyo madaxweyne u aqoonsan doonin. Taasina may shaqeyn.
- 2022 iyo 13 Noombar ee maanta taagani, waxa ay uun la mid tahay filimadaa aynu soo daawanay oo kale, oo ta kolba madaxweynaha xilka haya doonayo ayey noqotaa.
05/06/2022
"Anigu weli waxaan deganahay guriyihii ingiriisku dhisay oo aan dhawaan saaray jiingad yar, qoysaska Madaxwayne-yaashuna waxay ku jiraan aqalo cad-cad cigaal-na halkan caawoo dhan waa laga amaanay."
Marwadii madaxwayne Cigaal.
05/01/2022
Waxaan Shacabka Somaliland ugu hambalyaynayaa Munaasabada Ciidul fidrida , allaha inaga yeelo kuwii laga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu samaynay Bishii Ramadaan allaha Nabad iyo Caafimaad Qab inagu gaadhsiiyo sanadkaa sanadkiisa
تَقَبَّلَ اللهُ مِنَّا وَمِنكُم
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Moose Jaw, SK
S6H