Join love73

Join love73

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Join love73, Addis Ababa.

07/05/2026

Waa Xabaal Waddareedka 23 qof oo kudhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sanaag.

23 - ka Qof hal dhinac ayey ka dhimatay, dhinaca kalena tiro badan ayaa iyagana ka dhimatay. 23 Ruux oo hal dhinac ah ayaa godkan lagu ridayaa.

Isha: Abdifatah Haaji Dirir

07/05/2026

Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey ayaa ku dhawaaqay in maalinta 3-da Luulyo loo aqoonsado maalinta: "Ilkacase Qays". Fannaanka ayaa ku muteystay kaalintisa bulsho iyo wacyi-galined ee Geeska Afrika ilaa Maraykanka Soomalida ku sugan uu kaga qayb qaatay sidda Mayorku sheegay.

Mayorka ayaa qalinka ku duugay warreegto Fannaanka loogu asteeyay maalin u gaar ah, isagoo madasha ka xusay in loogu mahad celiyo kaalintiisa bulsho. Ilkacase Qays, ayaa helay maamus wayn.

01/05/2026

"Nin Xaaskisu Xubintii Taranka Ka Jartay..."

Gobalka Arsi ee Oromiya bil kahor ayaa nin 42 sanno jir ah xaaskisu ka jartay xubintii taranka, keddib markii khilaaf ka dhex dhacay. Cusbitalka Referalka ee Asela ayaa se sheegay in qaliin 3 saac qaatay dib loogu hagaajiyay xubinta.

Ninkan oo lix carruur ah haysta ayay xaaskisu xubinta Taranka ka goysay. Waxaa markiiba loolla cararay dhakhtarka. Dr Fekadu Habtamu, oo ku takhasusay kelyaha iyo Kaadi mareenka ayaa sheegay in xubintii goobteda lagu celiyay. Xiligana wuxuu xusay in uu ka kaajo, xaalkisa Caafimad-na isasoo tarayo. Dr-ka ayaa ku taliyay in marka xaaladaha noocan ah dhacaan ay fiican in lix ama siddeed saac dhakhtar lagu gaadho. Hadii siddaas la sameeyana wax laga qaban karo.

Warbixintan waxaa baahisay BBC-da Afka Oromiya. Maamulka iyo dhakhtarada ayaa xusay in xogta kale bukaanka dartii la qariyay.

Photos from Join love73's post 30/04/2026

Degmada Yaxoob qabalee kamid ah ayuu roobkii da'ay ku wax yeeleyay Xoolo Adhi ah. Waxaa ku le'day- ku dhamaaday Adhi uu Hanqadhku ku soo dhacay. Dadku se way ka bad'baaden.

27/04/2026

Odaygan oo ilma yar faraxumeeyay ayaa lagu xukumay 19 sanno oo xadhig ah. Degmada Sagan ee Debubka ayay dacwadiisu ka dhacday.
Tuugada iyo dadka la maxk**adeyo inta badan garamadan Arsenal ayay ku soo muuqdan.

Sababtu waa maxay?

27/04/2026

kaftan yaroo cajiib ah ayaa maanta dhex maray Vladimir Putin iyo Cabaas Araghchi:

Putin: Mr. Cabaas kusoo dhawow Moscow, caawa cashadda waa kaluun iyo baasto.

Cabaas Araghchi: Kaluunka midka Hormuz haduusan ahayn marabo 😂

Putin: Midkaa Hormuz markaan Tehran ku kulano isbuucyada soo socda ayaad iishiili doonta.

Cabaas: Waa balan tasi

27/04/2026

Deg Deg -

Lamaha amaanka ee deeganka soomalida Qaar ka mid ah oo aan la xidhidhnay waxay noo xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay Bisle Omer, oo kamid ahaa Tiktokerska baraha bulshada caan ka ahaa .

Waxana laga soo qabtay magalada AdisAbaba Ciidanka Deeganka ayaa hawgalka fuliyay. Wali lama Cadaynin kiiska loo haysto iyo sababta loo soo xidhay .

Wixii fahfahin ah ee ka soo kordhana waan idinla wadaagi doonaa insha allh .

26/04/2026

CAJIIB!
Maamulka degmada Armanjo ee badhtamaha gobalka Gonder- Axmarada ayaa sheegay in ay qabteen nin Dibi xaday. Dibigii oo uu qlaayo ayaa lagu qabtay. Maamulka ayaa suuqa soo mariyay si dadka loogu dhex ceebeyo. Isagoo hilibkii Afka iyo tunka ku wataa lasoo warreejiyay.

Ceebeynta noocana waxay sheegan in tuugada lagu xak**ayn karo.

24/04/2026

"Waxaan ahay nin dhalinyaro ah, waxaan lahaa riyooyin badan oo mustaqbal ah sanadkii 2022, waxaan dhisanayay nolol cusub oo aan la wadaagay qof aan si qoto dheer u jeclaa. Waxaan rajaynaynay mustaqbal ifaya, qoys faraxsan, iyo riyooyin rumooba

Muddo kadib Alle (SWT) wuxuu nagu arsaaqay farxad weyn — curadkeena koowaad, gabar yar oo qurux badan, maalin taas ka farxad badan ma jirin nolosheena, waxaan noqonnay Aabe iyo Hooyo, riyadeenii ugu weynaydna way rumoowday, laakiin noloshu mar walba ma aha sidii aan filaynay farxaddii waxay isu bedeshay imtixaan culus

Gabadhayadii yarayd Alle ma uusan siin caafimaad dhamaystiran, waxaan isku aragnay xaalad adag — mar waxaan ahayn waalidiin faraxsan, marna qalbiyadeenu waxay la ildaran yihiin murugo iyo welwel joogto ah, ilaa maanta, iyadoo jirta saddex sano, wali ma socon karto, mana hadli karto, weli ma aanan maqal erayada aan sida weyn u sugeynay: “Aabe” iyo “Hooyo".

Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku samirnay qadarta Alle. Waxaan nahay waalidiin rajo leh, qalbiyadeena waxaa ku jira rajada ah in maalin uun ay nagu yeeri doonto magacyadaas aan u oomannahay

Maanta, gabadhayadii waxay ku jirtaa isbitaalka. Waa maalin jumce ah ee Waxaan idinka codsaneynaa umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogtaan inaad iigu soo ducaysaan in ale swt noo caafiyo

Waxaa qorey: Ducaale Cabdulaahi, oo kamida dhalinyarada degmada Gallaadi

24/04/2026

DEG DEG: 🚨🚨🚨Raysal wasaaraha IsraIl ayaa laga helay kansarka qanjirka. Waxaa sidaa qoray New York Post.

24/04/2026

Taliye Shubka. "Dalka Soomaaliya maanta wax dowlada k**a jirto, wixii lasoo dhaafay 20 sano kahor ayaa maanta dalkii ka jira."

"Maanta Baydhabo guryihii ayaa la baadhanayaa, kufsi baa ka jira, dhac baa ka jira, sariirihii ayaa la qaadanayaa, maryihii ayaa dadka laga furanayaa, 20 sano ayay Baydhabo amman ahayd, 20 sano kahor ayaan annigu ammniga Baydhabo saxay."

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Addis Ababa
5