Voss TV
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Voss TV, Health/Beauty, Addis Ababa.
26/01/2026
Dowlada Soomaaliya ayaa qiratay oo qaadatay masuuliyada raashinkii uu Mareykanku ku eedeyay iney boobeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya. Soomaliya, waxay sheegtay in masuuliyad buuxda dusha saarranayso, kana xuntahay wixii dhacay.
Waxay kaloy Dowladda Soomaaliya sheegtay in lasoo celiyay dhamaan raashinkii la boobay sidoo kalena waxay sheegeen in bakhaar kii h**e ka wayn loo diyaariyay hay'ada Cuntada Aduunka ee WFP
26/01/2026
fans
09/01/2026
"Adduunka hal dowlad oo Shiinaha ah ayaa jirta. Taiwan, waa qayb kamid ah Shiinaha, waxaana sharci ahaan ka masuula Shiinaha. Waa in la ixtiraamo madax-bannida dalalka, waa in loo hogaansamo shuriicda caalamka."
War-saxaafaded ay si waddajir ah u soo saarren Itoobiya iyo Shiinaha ayaa sidaasi lagu xusay. Waftiga Shiinaha ayaa ka baaqday Soomalia. Waxayna u sii gudbeen dal kale.
Soonaliya, waxay arrintan qabsatay xili dagaal diblomasi ay ku jiraan oo safarkaasi u noqon karayay mid taarikhi ah. Waxaa kaloo waydiimo badan dhalinaya in Shiinaha oo raadinaya dalal ku taagera in laga hor yimaado Tiawan, uusan mudnaan siinin Soomaliya oo hada kasoo horjeeda, islamarkana Taiwan aya cilaaqad badan la sameyso Somaliland.
Xoggo ayaa se tibaaxaya in gallaanka ISRL iyo Itoobiya, oo labaduba waftiga la kulmay ay safarka Soomaliya baajiyeen. fans
06/01/2026
Masuuliyiin isugu jiray heer deegaan iyo heer gobol ayaa kormeer iyo indho'indhayn kusoo maray mashruuraca biyogalinta ee degmada Harawo ee gobolka Faafan.
Masuuliyiintan oo uu hogaaminayey Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Eng. Axmed Miraad Layli ayna ku wahelinayeen Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-buurka Mudane Xuseen Gaydh, gudoomiye kuxigeenka gobolka Faafan Mudane
C/lahi Axmed iyo maamulka degmada Harawo ayaa waxay soo kormeereen mashruuca biyogalinta degmada Harawa kaasoo maraya meel gabo'gaba ah.
Ujeedada kormeerkan ayaana ahayd in la hubiyo heerka uu marayo mashuruuca si loo dardargaliyo shaqada socota. Biyogalinta mashruucan oo maraya meel gabo'gabo ah ayaa waxaa fulinaysa wasaarada tamarta iyo biyaha ee Dalka halka ay gacanta ku hayaan shirkado laga leeyahay deegaanka.
Waxaana la filayaa markuu soo gabo'gaboobo inuu wax wayn ka tari doono biyo la'aanta ka jirta degmadan Harawo.
05/01/2026
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in hada keddib loo dulqaadan doonnin oo tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo gudaha Deegaanka kula soo baxda hub.
"Ciidanku hadeed waxay tallaabo cad ka qaadayaan cid walba oo rabta iney xoog wax ku meel marsato ee qoryo lasoo baxda, awaamiirtu waa iney hubka ka dhigaan kalana warreegaan." Ayuu yidhi Madaxweynaha Deegaanka Soomaalidu.
28/12/2025
Wasiirka Arrimaha Dibada ISR ayaa markii ugu h**eysay qoraal uu af Soomaali ku qoray ku baahiyay bogiisa, wuxuuna qoray sidan hoose.
"Somaliland lama abuurin dhammaadkii toddobaadkan. Waxay jirtay sida dal si buuxda u shaqeeya muddo ka badan 34 sano. Weerarrada lagu diidan yahay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland waa munaafaqnimo. Israaiil kaliya ayaa go’aamin doonta cidda ay aqoonsanayso iyo cidda ay la yeelanayso xiriirro diblomaasiyadeed."
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Addis Ababa