Voss of afdheer
Gariire
Asc
25/06/2022
Shacabka degmada ceelkari waxaa lagu soo qaaday weerar bahalnimo ah oo aan loo aabo yeelin oo cinwaan looga dhigay Alshabaab si loo banneysto dhiiga shacabka iyo hantidooda oo shacabka si arxan darro ah loo gumaaday oo xadhig iyo jirdil, iyo dil loo geystay hantidoodiina la boobay waxaana tusaale u ah in dadkii la xidhxidhay hantidoodii , mootooyinkoodii ama gawaadhidoodoodii aad ku arkeyso faras magaalaha ceelkari iyadoo ay ciidamadu ku baranayaan wadista mootooyinkaas oo ay siday doonaan ugu adeeganayaan islamarkaana dadkii la xidhxidhay dumarkoodii sidii la doono loo garaacay oo loo jajabiyey .
Laakiin hada arrintu waxay noqotay ka dar oo dibi dhal oo ciidamadu waxay billaabeen inay dumarka kufsadaan guud ahaan degmada ceelkari kaaga sii darane hadana dumarkii ay kufsadeen intay garaaceen ay xabsiyo u taxaabeen.
Sidaas daraadeed waxaan hay'adaha sharciga ka codsaneynaa in arrintan kufsiga ah wax laga qabto oo sharciga lala tiigsado shaqsiyaadka ka dambeeya.
08/01/2022
Falanqayn siidaynta Jawaar iyo saaxiibadi
1. Dawladdu waxay sheegtay in ay cafis ku siidaysay taas oo ka dhigan in ay markii h**e danbi galeen hase yeeshee ay dawladu si iskeed ah u sii daysay iyadoon ka baqayn cadaadis cidkale saarayso.
2. Jawaar wuxuu isu arkaa nin aan danbi galin oo gardaro xabsiga ugalay, sidaas awgeed aan cafis kusoo bixin balse cadaadis ay cidkale saartay awgeed ku soo baxay, sidoo kale Jawar wuxuu ogyahay inuusan xoog iyo awood taageerayaashiisu keene ku soo bixin oo ay daciiftay Qeeradii uu isku halayn jiray.
3. Jawar waa nin da'yar oo istiraatijisti ah balse saadaashii ahayd waxaad haystaa Qeero awood badan way fashilantay, sidaas awgeed wuxuu dib u fiirin doonaa mustaqbalkiisa siyaasadeed.
4. Hadday Axmaaradu sii wado cadhada ku aadaan talaabada lagu cafiyay maxaabiista, waxaa dhici karta in ay Jawaar iyo Abiy isu soo dhawayso haddiisa ay isla aamusto waxaa bilaabmi doona kala shaki.
5. Jawar waxay u badantahay in uu marka h**e dawladda waydiisandoono in uu aado dhakhtar dibadda ah iyo ehelkiisii maraykanka, balse lama oga in durba loo oglaan iyo in shuruudo lagu xidhi.
Cafiska ay Dawladdu bixisay u jeedkiisu muxuu yahay ?
1. Dawladdu Cafiskan waxay la eegatay xili ku haboon sababtoo ah haday siidayn lahayd markii Addis la kulaalayay cidi k**a dhagaysateen waxbaan cafinay.
2. Dawladdu waxay ogaatay in aan dagaal lagu kala adkaan karin sidaas awgeed si horay loogu sii socday ay munaasabtahay in lawada hadlo.
3. Dawladdu in ay dadka siidayso hadday jirto cid ku cadaadisay waxaa la dhihi karaa waa TPLF oo la dagaalantay hadana maxaabiistoodii ooda laga qaaday.
Jawaar iyo saaxiibadii ma ka qayb gali doonaan wadatashiga qaran ee la iclaamiyay ?
1. Ilama aha in ay si fudud ku ogolaan doonaan marka h**e
2. Balse xataa haday ogolaadaan waxay la tagayaan shuruudo ay ugu horayso xisbiga PP ha lakala diro, dawlad kumeel gaadh ah ha la dhiso maadaamo waxa la isku haystaa ay tahay dawladnimada.
Maxaa ka cusub degmada ceelkari
Degmada ceelkari ee gobolka afdheer waxay ka mid tahay 9 degmo uu gobolku ka kooban yahay lkn waa la gacan bidxeeyay waxay noqotay meel kan ayada masuulka iyo kan deegaanka masuulka ahba aan habayeraatee u meleeneynin in ay degmadu u baahan tahay horumar iyo bilic
Xili abaareedkan hada lagu jiro degmada wax dhaqdhaqaaq ah ama gurmad ah oo ay dowladu u fulisay majirto
Waxaa u soo dhacaday lacag hal milyon ah oo loogutalagay biyo dhaanka walina lama bilaabi biyo dhaankii sidoo kale shaqaalaha degmadu waxay u jireen min 5 % abaaraha sidaas si la mid ah waxaa la dajiyay xooga calafka xoolaha ah midaas kuma deg degyo madaamo la keenay masuul la xisaabtamayo dadkii sida kaldan wax u qeybin jiray
Mida xigta # degmada ceelkari waxaa la sheegay in loo qabtay 3 ceel riiga ah
Mid degmada gudaheeda
Mid qabalaha elood
Mid qabalaha jabsa
iyo hal hafardhaam oo magaalada agagaarkeeda ah iyo master plan (qorsha hage) oo ah isla magaalada dhaxdeeda
Waxaa sidoo kale masuuliiyiinta heer gobol iyo heer deegaan inoo balanqaadeen in si kal iyo laab ah ay ugu dhaqdhaqaaqayaan baahiyaha degmada lkn wali aan la heynin hal mid oo ka soo dhalaala masuuliyadiisa mid waa saddex xidigle midna laba xidigle ahna baarlamaan iyo wasiir ku xigeyn
Ninkii maanta koobkiisa kuu hambeen waayay miyaa bari ku hungureysan
idinkoo raali ah bulshada bal eega xaalada ay ku sugan tahay
Sources by dhalinta horumar doonka
Gariira clans wabe tv U doodaha umada
03/09/2021
Hambalyo hambalyo walaalkay geele farax oo loo magacaabay madax xafiiska baarlamaan dagmada hargeele waxan leeyahay walaal xilka allaha kugu asturo waan hubaa in aad kasoo dhalaalayso shaqadaa laguu igmaday
Amiin amiin
29/08/2021
Macalimiinta iyo guud ahaan xirfadlayaasha adeegga bulshada DDS.
Waa aqoon yahanka degaanka mudanna in loo mahad-naqo, waayo waxay kusoo shaqeeyeen duruuf walba oo adkayd oo uu degaanku soo maray.
Macallinku waa uu galayay xiisaddiisa subaxa iyadoo laga yaabo in hebeen nimadii lagu cadaadinayay in uu dhufays galo ama waardi qabto isagoon haysan wax tababar ciidan ah, (goobaha qaar). Sodoo kale xilliyada qaar uu mushaarkiisaba waayo.
Lama heleen maanta arday qalin jabinaysa, ama kuwo badan oo bulshada u adeega haddii aysan dulqaadkaas soo muujin.
Hadaba maxay inaga mudan yihiin xirfadlayaasheena?
1:- Inaan xurmayno, karaamayno, ku Booqanno gooba hooda shaqo kuna dhiiri galinno shaqadooda.
2. In muhiimad lasiiyo u hirgalinta gunooyin kabaya noloshooda ,sida muhiimadda gaarka ah loo siiyay guryaynta, adeegyada caafimaadka qosykoodo iwm.
3. La horumariyo xirfadooda si adeeg tayo leh, u bixiyaan.
Maxaa iyagana looga baahan yahay?
1. In ay ilaaliyaan dhaqanka wanaagsan ee xirfadooda
2. Kobciyaan aqoonta takhasuskooda.
3. Adeeg hufanna siiyaan bulshada .
4. Soosaraan jiil dhaqan iyo ku hubeysan aqoon.
Waxaa muuqda in isbaddalkii kaddib muhiimad balaadhan lasiiyay xirfadlayaasha, una baahan tahay in lasii kordhiyo.
Bulshadeennu ma helayso adeeg tayo leh haddii aanan xirfadlayaasha adeegga muhiimad lasiinin.
28/08/2021
ጠቅላይ ሚኒስትር ዐቢይ አህመድ የታደሱ ቤቶችን ለአረጋውያን አስረከቡ
****************************
ጠቅላይ ሚኒስትር ዐቢይ አህመድ ባለፈው ሰኔ ወር ከሪፐብሊካን ጋርድ አባላት ጋር በመሆን በአዋሬ አካባቢ የአቅመ ደካሞች ቤቶች እድሳት ማስጀመራቸው ይታወሳል፡፡
ባለፉት ሳምንታት መልሶ ግንባታቸው ሲከናወን የቆዩት የነዚሁ ቤቶች እድሳት ሙሉ በሙሉ ተጠናቅቆ ጠቅላይ ሚኒስትር ዐቢይ በዛሬው ዕለት የቤቶችን ቁልፎች ቀድሞ ባዘመሙ ጎጆዎች ይኖሩ ለነበሩት አረጋውያን አስረክበዋል።
ጠቅላይ ሚኒስትሩ ይህንኑ ተከትሎ በማኅበራዊ ትስስር ገፆቻቸው ባስተላለፉት መልዕክት ሁሉም ዜጎች ለአቅመ ደካሞች እፎይታ ለመስጠት በሚደረጉ ጥረቶች እንዲሳተፉ ጥሪ አቅርበዋል።
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jigjiga
Jijiga
33