Siraj Adam
Humanitarian advocate, scholar, and development leader committed to justice, equality, and inclusive social change.
Focused on community-led training, health equity, gender justice, peacebuilding, and humanitarian action across Ethiopia’s Somali Region.
Habmaamulka DDS vs Mareykanka (Team A vs Team B)
Maalin dhawayd markii aan ka hadlayey in booliska xubnihii khibradda lahaa laga saaray shaqada, taas oo keentay khibrad la’aan ku saabsan dambi ka hortagga iyo dambi baadhista, oo ah labada shaqo ee ugu muhiimsan ee ay boolisku qabtaan, waxay ahayd arrin xaqiiq ah oo aan muran badan u baahnayn.
Haddaba maanta waxaa ii soo baxday in arrintaas aan la qabno waddankii weynaa ee Mareykanka, oo aynaan kali ku ahayn.
Hadda waa waddankii Mareykanka ee miisanka badna sida aan la socono. Trump markii uu xukunka qabtay ee dib loo doortay, wuxuu soo dhisay dowlad ay dad cusub ka buuxaan, oo qaarkood h**e xil u soo qabanin ama xitaa shaqo muhiim ah kale soo qabanin. Wuxuuna nidaamkiisa ka ilaaliyey qof hadalkiisa hadal kusoo celin kara ama talo tiisa ka fiican soo bandhigi kara.
Taas waxaa sii dheer, meelaha u baahnaa khibrad gaar ah iyo tixgelin sida arrimaha dibadda, gaashaandhigga, ciidanka iyo meelo kale ayaa noqday kuwo aan lagu salayn aqoon iyo waayo aragnimo.
Waxaa intaas dheer gaar ahaan ciidanka Mareykanka waxaa laga caydhiyey generaladii lahaa khibradda ciidan iyo kaarto dhigista dagaalka. Halka maanta wasiirka gaashaandhiggu uu caydhiyey intii ku hadhsanayd dhanka ciidanka kadib markii ay arrimaha Iran talo bixin ka dhiibteen iyo qodobo aan faraxgelin.
Arrintani waxay muujinaysaa halis weyn oo nidaam kasta wajihi karo marka khibrad laga hormariyo siyaasado gaaban iyo dano gaar ah.
Marka aan usoo laabno teena, mudanaha degaanku waa nin smart ah oo aad u caqli badan. Inkasta oo uusan garashadiisa u adeegsan waxyaabo positive ah oo ay u badan yihiin kuwo wax burburiya, isla markaana uu yahay qof la dagaalama garashada tan shaqsiga iyo tan maskaxda labadaba, haddana habka uu uga dhex dagaalamo systemkiisa waa mid xeel dheer oo leh wajiyo badan.
Waxaa ka mid ah kuwo dhulka is dhig ah. Kuwo caadifad ku dhisan. Kuwo xaqiiqooyin ku dhisan laakiin aan waqtiga la jaan qaadi karin sababo jira awoodeed iyo ilduuf dhankiisa ka yimid.kuwo dhanka warbaanta iyo dibada kuwo lid ku ah ururkii ONLF ood moodo kuwan emirateka oo kale
Kuwo ku dhisan eray bixin siyaasadeed oo si gaar ah loogu beegsado dad iyo waqtiyo cayiman.
Erayada sida “dambiyadii shalay”, “lafaha la soo guro”, “caddeymo”, iyo “waxaan soo wadnaa faylal” dhammaantood waxay u egyihiin xaalad hadal oo kicinaysa dareen. Balse haddii ay ahaan lahaayeen kuwo dhab ah oo tallaabo lagu qaadayo, natiijooyinku h**e ayay u muuqan lahaayeen.
Siddeed sano kadibna ma filayo in uu kaarkaasi shaqayn karo oo mar dambe la xoqan karo.
Wax walba wakhti uu gadmi karo ayaa jira, saacadda hadda ma jiro xoog riixi kara arrimahaas. Sababtoo ah cid kasta waxay fahmi kartaa in ay yihiin xaalado ku yimid oo aan rasmi ahayn. Anigoo ahaa dhibane jeel ku jiray afar sano oo xidhiidha, waxaan u arkaa in arrimahaasi noqdeen erayo gurmad ah oo nin loogu birmanayo wakhti gaar ah.
Marka la eego sida dadka looga saaray nidaamka, inkastoo ay wali ku jiraan system shaqsiyaad fiican qaarkood, waa xigeenno aan awood badan oo ay wax ku badali karaan jirin, waana dad kooban.
Si kastaba ha ahaatee, qaabka laga saaray khadka waa mid aad ugu eg habkii Trump uu hadda u dhistay nidaamkiisa. Laakiin tan degaanku waxay u soo dhacday tartiib.
Haddii aad xusuusataan, h**eyntii 2018 markii la dhisay kabineetka, maadaama uu cusubaa oo uusan hal mar wada awoodin inuu dadkaas meesha ka saaro, wuxuu si tartiib ah uga bilaabay xubno kooban oo liiska dhismaha cusub ee kabineetka ku jiray wakhtigaas.
Kadibna wuxuu xoogga saaray in xubnahaa laga reebo liiska magacaabista. Taas oo markii dambe laga ogolaaday maadaama xubnihii dhismaha doorka ku lahaa ay iyaga laftoodu ka dhex arkeen maslaxadooda in xubnahaa laga reebo.
Intaa kadib waxaa la galay marxalad kale oo ah dhismaha xisbiga. Waxaa dhacay isbeddello la mid ah kuwii h**e. Kadibna wuxuu bilaabay hab tartiib ah oo uu ugu dambayn ku guuleystay badankeedii.
Kadibna wuxuu bilaabay xubno badan in loo wareejiyo dhanka federalka, isagoo dusha kaga keenay waraaqo magacaabis ah oo lama filaan ah. Taas oo ahayd waxyaabo cajaa’ib ah oo dhacay mudadii ugu dambeysay.
Sida “referral transfer for further investigation and management” oo ah eray loo isticmaalo marka xaaladda caafimaad ee qofka aan goobta wax loogu qaban karin. Rag badan ayaa qaabkaas ku lug baxay, inkasta oo qaarkood laga yaabo rogaal celin in ay kusoo qaataan.
Marka aad dhisto nidaam noocan oo kale ah, waxa adag in aad fahanto khaladkaaga ilaa inta ay jirto nabad iyo xasilooni siyaasadeed. Laakiin waxa runta laga gartaa waa waqtiga adag. Waqtigaas ayaa kala saara nin adag, nin daacad ah, iyo nin kale.
Haddaba Mr Trump xalay uun buu fahmay in uu dhisay nidaam aan tayo badan lahayn. Waxaana arrinta kashifay dagaalkan iyo colaadan Iran oo bannaanka keentay ceebta nidaamka uu dhistay. Sida caadiga ah, waqtiyada nabadda iyo barwaaqada lama garto nin xun iyo nin fiican.
Haddaba dagaalku ma aha oo kaliya kan xabbadda.
Waxaan filayaa in haddana la gaadhi doono waqti jaantaa rogan ah iyo dagaal nin iyo kaligiis ah. Uu mudanuhu ku fahmi doono nidaamka uu dhistay in uu ahaa xuub xaaro oo ninba meel ka baxo. Qaarna ayba isaga dib ula dagaallamaan oo meel kale kasoo saftaan.
Anyhow, aniga dhankayga waqtigan oo kale waxaan qaatay halqabsigii marayare Maxamed Biixi ee ahaa. Aragnaa. Ku soo ma aragnaa. Ku afura
FG: U fiirso bilowgii h**e, dhanka calamada buluugga ah iyo Soomaaliweyn ayaan si caadifad leh ugu durugnay.
Muddo yar kadibna, midnimada Itoobiya ayaa la qaatay ilaa heer qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka laga yeedhsiiyay “Soomaali ma nihin.”
Haddana, mar kale waxay taagan tahay in dhiigeenna iyo dhuuxeenna waa Soomaali.
Su’aal furan waxay tahay: yaa inoo diidan oo leh “Soomaali ma tihidin”?
Tan waxa siyaasadda lagu magacaabaa dhowr eray oo muhiim ah: identity politics, nation-building, assimilation, political narrative shaping, iyo collective identity conflict.
Sidoo kale, waxa lagu sifayn karaa sida kubad oo kale oo kolba dhanka aad doonto aad goolka u dhaliso, taas oo la micno ah in jihada iyo fasiraadda siyaasadeed lagu wareejiyo sida ay danuhu u jiheeyaan. Ama waa
political ideology crisis, oo ka kooban identity politics, nation-building tension, assimilation pressure, political narrative shaping, collective identity conflict, ideological contestation, state legitimacy struggle, narrative control, identity securitization, iyo power and hegemony, halkaas oo aqoonsiga bulshada lagu muransan yahay laguna qaabeeyo dano siyaasadeed.
Qorshaha Trump
Horta guud ahaanba dagaalka Mareykanka iyo Israel qorshe ahaan waa mid ku dhisan 5 tan qodob
1.Escalation dominance – Awoodda lagu xakameeyo heerarka dagaalka; in mar kasta aad ka sarreyso cidda kaa soo horjeeda marka xaaladdu kororto.
2.Military superiority – In la haysto awood ciidan oo ka sarreysa tan cadowga (tiknoolaji, hub, iyo ciidan ahaan) taas oo ficil ahaan loo muujiyo h**enba si kor loogu qaado dagaal maskaxeed joogta
3.Deterrence – Cabsi gelin; in cadowgu ka baqo inuu tallaabo qaado sababtoo ah jawaabta laga filayo ayaa aad u culus.
4.Escalation control – Xak**aynta sida dagaalku u fido ama u kaco, si aanay xaaladdu uga bixin gacantoda ooyna noqda kuwa joojinkara iyo kuwii bilaabay labadaba
5.Full-spectrum dominance – In laga sarreeyo dhammaan dhinacyada dagaalka (cir, dhul, badeed, cyber, dhaqaale, iyo xog-ogaalnimo).
Ujeedku waa in waxyar wax weyn loogu jawaabo
Guud ahaanba walliba bilaawga h**e si loo cabsigaliyo cida kasoo horjeeda oo ay is tidhaahdo haddii maalintii 1aadba sida wax u dhaceen xaaladaha dambe waa nooc khatar badan marka guud ahaanba dagaalkoodu maalmaha h**e k**a soo hadho
Hadda qorshaha Trump iyo Netanyahu waa burburinta adeegyada shacabka iyo laabayaasha dhaqaalaha.waa dambi dagaal kan ugu xun Qorshaha aay wadaan .
Waxay u arkaan in haddii la beegsado kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, Iran ay aqbali doonto shuruudaha ay isaga iyo Netanyahu soo qoreen.
Waxayna doonayaan in muddo kooban ay cadaadis xooggan wada saaraan, iyadoo Trump uu yareynayo rajada wada-hadalka si loo muujiyo in aay diyaar u yihiin dagaal daba dheerads
Haddaba, haddii Iran ku jawaabto beegsiga goobo la mid ah, taasi uma adkeysan karaan Israeliyiintu. Qodobka kaliya ee Iran ku miisaami karto isu dheelitirka waa beegsiga goobaha Israel iyo danaha shirkadaha Khaliijka ee Mareykanku leeyahay.
Haddii beegsiga goobaha ay kor u qaado, way ka badbaadi wareegga 2aad ee dagaalka, guushuna waxay raaci shacabka Iran iyo guud ahaan Muslimiinta dhabta, oo aysan ku jirin hoggaaminta Carabta iyo qaar kamida wadamada africa sida Uganda.
Yoweri Kaguta Museveni
Jagada: Madaxweynaha Uganda
Xilka: Tan iyo 1986 ilaa hadda
Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu cimri dheer waligii. Cid galbeedka oo wax ka sheegaysa miyaad aragteen?
Waa qoys ku jira gacanta nidaamka Zionism-ka.
Isaga ka hor Uganda waxa soo maray:
Idi Amin
Milton Obote
Yusuf Lule
Godfrey Binaisa
Tito Okello
Dhammaantood reer galbeedku k**a helin sidii ay doonayeen.
Fg: wey isla soo gaaban haddii marka ay il karidan ay il karido. Isha, lugta iyo gacanta iyo wixii la mid ah waa in ay la ciyaaraan nooca siyaasadda ee sida shaxda u qoran, ee u tiil iyo u taal. Waa arrin u baahan kaliya in Israel cabbado, sidoo kale khaliljka.
Sababto ah. Waa dad aan u dulqaadan karin khataro nafeed iyo dhaqaale inta ay Iiraan u dulqaadan karto; haddii la xanuunjiyo waa dad u nugul oo durba is badbaadiya, oo aan wadi karin xanuunka muddo dheer.
Mohammad Javad Zarif is a well-known Iranian diplomat and former Foreign Minister of Iran (2013–2021).
He is best known for leading Iran’s negotiations in the 2015 nuclear deal and representing Iran at the United Nations. He studied international relations in the United States and is known for his strong diplomatic skills and fluent English.
He is considered a moderate voice in Iran’s political system and has often focused on dialogue rather than confrontation.
He is still alive and remains active in political and public discussions.
Trump wada hadalkiisa ilaa hadda Iiraan ma qiranin.
Arrintan waxaa loo fasiran karaa dhowr suurtagal:
Iiraan si ula kac ah ayay u diidan tahay in ay qirto wada hadal aan weli bislaan, si aysan u wiiqin mowqifkeeda iyo feejignaanta ciidankeeda.
Trump hadalkiisa waxaa laga yaabaa in uu yahay mid lagu dejinayo suuqyada shidaalka iyo xiisadda caalamiga ah, si loo yareeyo cabsi ka dhalan karta dagaal ballaaran.
Waxaa kaloo suuragal ah in hadalkaasi uu yahay khiyaano siyaasadeed ama cadaadis istiraatiiji ah, oo lagu tijaabinayo jawaabta Iiraan.
Waxaa jiri kara xiriirro hoose oo aan rasmi ahayn (backchannel), balse aan wali gaarin heer lagu shaacin karo si rasmi ah.
Sidoo kale, mar la weydiiyey cidda ay la xiriireen, Trump kulahaa “ma sheegayno, waxan ka cabsaneynaa in la dilo,” taas oo dad badan ku noqotay arrin layaab leh, isla markaana sii kordhisay shakiga ku saabsan jiritaanka ama heerka dhabta ah ee wada hadalkaas.
24/03/2026
Dalalka Khaliijka waxaa inta badan lagu tilmaamaa dalal “ceremonial” ah, halkaas oo dadka ajaanibta ah ay si weyn uga badan yihiin muwaadiniinta waddaniga ah. Tani sidoo kale waa sababta Maraykanku uga muujiyo walaac qoto dheer weerar kasta oo Iiraan ka fulin karto gobolka.
Dalalka khaliijka ee aad maqashay dadka wadaniga ee Carabta ah waxaa kaga badan ajaanibka, waakan tirakoobkii ugu dambeeyay ee dadweynaha dalalka Khaliijka iyo tirada ay ajaanibku ka yihiin.
1) SUCUUDIGA waa 37 milyan.
20.5 milyan waa wadani.
16.4 Milyan waa ajaanib.
2) IMAARAADKA waa 11 milyan.
1.31 milyan waa wadani.
10.04 Milyan waa ajaanib.
3) CUMAAN waa 4.7 milyan.
2.5 milyan waa wadani.
2.05 milyan waa ajaanib.
4) QATAR waa 3.2 milyan.
330,000 waa waddani.
2.87 milyan waa ajaanib.
5) KUWEYT waa 4.5 milyan.
1.56 milyan waa waddani.
2.16 milyan waa ajaanib.
6) BAXREYN waa 1.5 milyan.
739.736 waa waddani.
848.934 waa ajaanib.
Wadamada ugu badan ee ay kasoo jeedaan ajaanibka Khaliijka Carabta jooga waa kuwan.
Hindiya waxaa Khaliijka ka jooga dad gaadhaya 9.1 milyan.
Bangladesh 5.04 milyan.
Pakistan 4.9 milyan.
Masaari 3.3 milyan
Iyo Philippines 2.2 milyan ah..
Trump wuxuu ku daray 48-dii saac, 5 cisho oo dheeraad ah.
Wuxuu sheegay in ay socdaan wada hadallo, isla markaana uu tilmaamay in goobaha kaabayaasha tamarta Iiraan aan la duqeyn doonin muddo kooban.
Si kastaba ha ahaatee, Iiraan way beenisay jiritaanka wada hadalka. Laakiin, beeninteeda waxa loo fasiran karaa muujin in ay wali adag tahay, maadaama marar badan laga baqo in ciidanka safka h**e ku jira hoos u dhigaan feejignaantooda.
Guud ahaan, xaaladdan waa 50/50.
Hadalkan wuxuu yimid kadib weerarro hordhac ah oo lagu tijaabinayey awoodda iyo jawaabta ciidamada Iiraan ee ku sugan Hormuz, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay u fududahay ama u adag tahay hawlgalkaasi.kolka dibdhigaa inoo sheegaya in aay adkatay tijaabadasi
Hal dhinac, hadalka Trump wuxuu muujinayaa in albaab siyaasadeed weli furan yahay, isla markaana la doonayo in la dejiyo suuqyada iyo beesha caalamka, si loo muujiyo in dagaal ballaaran aanu degdeg u dhici doonin.
Dhinaca kale, wuxuu tilmaamayaa in hawlgal militari oo culus, gaar ahaan mid la xiriira Hormuz, aanu ahayn mid sahlan oo si degdeg ah lagu fulin karo.
Arrintani waxay muujineysaa in xakameynta ama furitaanka Hormuz ay u baahan tahay awood dheeraad ah, waqti dheeraad ah, iyo diyaargarow ka weyn kii h**e loo qiyaasay.
Sidoo kale, tijaabooyinkii iyo hanjabaadihii u dambeeyay waxay caddeeyeen in natiijo degdeg ah aan la gaari karin, isla markaana ay jirto caqabad militari oo muuqata.
Awoodda Iiraan iyo jawaabaha laga filayo, oo h**e loo arkay inay dhab u noqon karaan, waxay sii kordhinayaan culayska xaaladda. Taasina waxay ka dhigeysaa go’aan kasta mid u baahan xisaab dheer.
Sababaha hadalkan Trump waxaa loo arki karaa 50/50:
In uu waqti iibsado, si loo diyaariyo awood militari iyo isbahaysi.
In uu furo albaab wada hadal, xitaa haddii uu qarsoon yahay.
In uu dejiyo suuqyada shidaalka.
In uu tijaabiyo awoodda Iiraan.
Iyo in uu hoos u dhigo xiisadda, si dagaal buuxa looga fogaado.
Sidaas darteed, hadalku waa mid laba waji leh.
Hal dhinac, wuxuu muujinayaa diyaar garow iyo cadaadis.
Dhinaca kale, wuxuu muujinayaa dejin, dib u habeyn, iyo waqti iibsasho.
Gunaanad ahaan, sawirka hadda jira waa mid 50/50 dhab ah.
Wada hadal la sheegayo, balse la beeniyay, hakad militari oo u eg dib u dhigid balse aan ahayn ka noqosho, iyo Hormuz oo weli ah barta ugu khatarta badan ee go’aamin karta jihada xigta.
Ugu dambayn, hadalkan waa dib dhigid.
Haddii uu yahay mid dhanka Trump run ka ah, waa in mid lamid ah laga helo dhanka Iiraan, lana arko ifafaalooyin muujinaya xaqiiq ahaantiisa.
Haddii kale, waa dib isu habeeyn, waqti gadasho guud, iyo hadal lagu dejinayo suuqyada shidaalka.
Trump oo kordhin doona waqtigii ahaa 48 saac.
48 saac kadib hadalka Donald Trump, xaaladda ugu badan ee dhici karta (qiyaastii 60%) waa hanjabaad sii kordhaysa iyo tallaabooyin militari oo xaddidan.
Dhanka Maraykanka, beegsigu wuxuu diiradda saari doonaa:
Nukliyeer (strategic core),
Gantaallo (offensive capability),
Ciidamo & saldhigyo (defense system),
Tamar (economic pressure),
Isgaarsiin (control & coordination).
Dhanka Iran, jawaabtu waxay noqon doontaa mid toos ah iyo mid dadban (kooxo taageera).
Waxay muujin doonaan soo bandhigista farsamooyin cusub iyo hub cusub.
Iyadoo kor loo qaadi doono adeegsiga gantaallo iyo weeraro kala duwan, gaar ahaan meelaha lagu beegsanayo meel kasta oo ay gacantoodu gaadhi karto.
Sidoo kale, waxaa la adeegsan doonaa tiknoolajiyad cusub iyo qaabab aan caadi ahayn, kuwaas oo culays saaraya nidaamyada difaaca, isla markaana keeni kara in Maraykanku dib u fiiriyo qaabkiisa hawlgal iyo istaraatiijiyaddiisa.
Ugu dambayn, waxa la filan karo waa isku dhac xaddidan oo la xakameynayo, halkii uu ka noqon lahaa dagaal buuxa.
Intaas kadib, marka qolowalba soo bandhigto awood cusub, waxa xigi doonta 48 saac oo kale oo dib u eegis ay qolowaliba samayn doonto, taas oo go’aamin doonta mustaqbalka, dagaal dhameystiran dhan walba ah ama wada hadal iyo waji cusub.
Xiriirka Iiraan iyo Maraykanka: Taariikh, Siyaasad, iyo Saameynta Gobolka
Ilaa maanta, xiriir toos ah oo diblomaasiyadeed k**a dhexeeyo Iiraan iyo Maraykanka. Iiraan waxay qaadatay siyaasad ku dhisan dulqaad, samir, iyo iska caabin saameynta dibadda.
Siyaadan dulqaadku waa Political hibernation waa istiraatiijiyad ku dhisan dulqaad iyo xakameyn, taas oo ku lug leh in si miyir leh loo hakiyo falcelinta, loo xakameeyo cadhada, lana dib u dhigo tallaabooyinka degdegga ah, si looga fogaado go’aanno aan qorsheysnayn, ilaa laga gaaro waqti ku habboon oo lagu xaqiijin karo dano iyo horumar istiraatiiji ah.
Sanadkii 1980, Iiraan waxaa weerar ku qaaday Ciraaq oo uu hoggaaminayey Saddam Hussein, iyadoo taageero ka helaysa dalal badan oo ay kamid yihiin Carabta iyo Maraykanka. Dagaalkaas oo socday 8 sano (1980–1988) ayaa ugu dambayn istaagay, iyadoo aan cidina si cad ugu guuleysan.
Arrin la yaab leh ayaa ahayd in markii Maraykanku ku duulay Ciraaq sanadkii 2003, dalal badan oo Carbeed ay si toos ah ama si dadban u taageereen, halka Iiraan ay si cad uga soo horjeesatay duullaankaas, isla markaana aysan ogolaan in dhulkeeda loo adeegsado.
Sidoo kale, duullaankii Afghanistan (2001), duulinkii Ciraaq (2003), faragelintii Libya (2011), colaadaha Yemen oo loo adeegsaday Imaaraadka iyo Sacuudiga, colaadda Sudan oo loo adeegsaday Imaaraadka ilaa riditaankii Al-Bashir, iyo dagaalka Syria—intaas oo dhanba waddanka kaliya ee si cad u diiday ee Bariga Dhexe wuxuu ahaa Iiraan.
Tan Syria, haddaan si gaar ah uga hadalno, Maraykanka wuxuu ku lug lahaa siyaabo kala duwan, mararka qaarna wuxuu adeegsaday kooxo maxalli ah si uu u gaaro ujeeddooyin istaraatiiji ah.
Dhanka Syria, ujeeddada istaraatiijiyadeed waxay ahayd in la wiiqo ama meesha laga saaro xukuumadda Bashar al-Assad, taas oo xiriir dhow la lahayd Iiraan isla markaana taageero siin jirtay Falastiin. Iiraan, dhankeeda, waxay si buuxda u taageertay Assad, iyadoo u aragtay in kooxaha la taageerayo ay yihiin kuwo khatar ku ah gobolka iyo danaha Falastiin.
Kooxdan hadda haysata, oo uu hoggaamiyo Al-Sharaa, waa koox ay hubeeyeen Israel iyo Maraykanka si loo dumiyo oo meesha looga tuuro Bashar al-Assad, oo caqabad ku ahaa in Israel waddanka Syria iska maamulato. Bashar al-Assad kooxihii canaasiirta ahaa ee watay magaca Sunni waa la dagaallamay, waayo waxay hor socdeen ujeeddooyinka ah kuwa maanta muuqda, oo ahaa in Syria ay noqoto buffer zone laga ilaaliyo Israel, lana sameeyo saldhigyo, lana wiiqo awoodda dowladnimada.
Dhammaan hubkii Syria ee muhiimka ahaa waa la burburiyey intii ay kooxdan cusub qabsaden; hal maalin maynan ka hadlin, waayo balanku ayaaba sidaas ahaa; loogu dhiibay xukun, Bashar al-Assadna looga tuuray.
Haddaba, marka arrimahan la eego, waxaa adag in la helo caddeyn muujinaysa in Iiraan iyo Maraykanku si toos ah ugu heshiiyeen duullaan ka dhan ah Ciraaq ama waddan kale oo Muslim ah. Taariikh ahaan, xiriirkoodii ugu dambeeyey ee rasmi ah wuxuu dhammaaday xilligii boqortooyada Shaah Mohammad Reza Pahlavi ka hor 1979. Isbeddelkii ugu weynaa ee Iiraan (Kacaankii Islaamiga ahaa) wuxuu dhacay sanadkii 1979. Kacaankan ayaa meesha ka saaray boqortooyadii uu hoggaaminayey Shaah Mohammad Reza Pahlavi, waxaana talada dalka la wareegay nidaam Islaami ah oo uu hoggaaminayey Ayatollah Ruhollah Khomeini. Intaas wixii kah**eyey wadanka iraan wuxuu ahaa wadan ay kheyraadkiisa iska leeyihiin wadamada galbeedka, khaasatan ingiriiska, sidan kuwan carabta, waana halka uu ka bilaawday khilaafkii ugu h**eyey ilaa manta waxay u tafaxaydan yihiin in ay ree shah soo celiya.
Sidaa darteed, doodda ah in ay si wadajir ah u qorsheeyeen duullaanno ka dhan ah dalal Muslim ah ma laha caddeyn muuqata oo taariikhi ah. Inta badan waxa jira waa iska hor imaad, tartan, iyo mararka qaar dano is-dhaafsan oo ku saleysan siyaasadda gobolka; ma aha heshiis rasmi ah oo mideysan.
Waxaad moodaa in dhaleeceyntii Carab la dulsaari lahaa loo kacayo dhanka Iiraan; taasina waa falsafadda Carabta, maadaama ay ka tanaasuleen hadafkii Islaamka. Laakiin shacabka Carabta waxay arkaan in Iiraan saxan tahay; waa fikir lagu bixiyo kharash badan, waana mid ka mid ah sababaha uu Sacuudigu u caawiyo golaha Islaamka ee waddamada Afrika badankooda.
Haddaba, halka ay iska arkaan US iyo Iiraan waa halka ay iska arkaan Israel, oo ah horsedda fidinta Israel weyn; waana ujeedka dagaalkan. Laakiin Iiraan ka sokow, waxa la yaab leh kuwa loo socdo ee Iiraan difaaca u tahay in ay taageerayaan US iyo Israel. Waxa kale oo uu yahay ujeedka dagaalka in la burburiyo goobaha barakeysan ee Islaamka, uu ugu horreeyo Masjidka Al-Aqsa. Waana arrimahaas sababta ay waddamada Carabta intan oo saldhig oo US uga furan tahay.
US Military Bases & Estimated Presence (Gulf + Region)
Key Bases (Serial):
Al Udeid Air Base, Air Base, Qatar
Naval Support Activity Bahrain, Naval Base, Bahrain
Camp Arifjan, Ground Base, Kuwait
Ali Al Salem Air Base, Air Base, Kuwait
Camp Buehring, Ground Base, Kuwait
Prince Sultan Air Base, Air Base, Saudi Arabia
Muwaffaq Salti Air Base, Air Base, Jordan
Al Asad Airbase, Air Base, Iraq
Erbil Airbase, Air Base, Iraq
Camp Victory (Baghdad), Ground Base, Iraq
Al-Tanf Garrison, Ground Base, Syria
Rmeilan Air Base, Air Base, Syria
Kharab al-Jir Air Base, Air Base, Syria
Estimated US Troops by Country:
Qatar, ~10,000
Bahrain, ~7,000
Kuwait, ~13,000
Saudi Arabia, ~2,500
Jordan, ~3,000
Iraq, ~2,500
Syria, ~900
Total Estimated Presence:
~38,000–40,000 personnel
NB:
Haddaba, bal su’aalahan isweydii:
Ma waddanka aqoonsaday Israel, ee siiya saldhigyo militari iyo miisaaniyad, ayaa saxan, mise kan diidan oo dagaalka kula jira?
Ma waddanka garab taagan Falastiin iyo kooxaha iska caabinta ayaa saxan, mise kan Israel ku garab taagan?
Ma waddamada intaas oo wadan laga dumiyey dhulkaada ayaa saxan, mise kuwa intaas oo dhanba diidan?
Ma kan ogolaanaya faragelin shisheeye iyo in go’aankiisa laga taliyo ayaa saxan, mise kan difaacaya madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa?
Ma kan raacaya dano siyaasadeed oo dibadda laga hago ayaa saxan, mise kan ku taagan mabda’ iyo go’aan qaran?
Ma kan aamusan marka dulmi dhacayo ayaa saxan, mise kan ka dhiidhinaya oo u istaagaya xaqa?
Ma kan ka faa’iidaysta burburka iyo dagaalka ayaa saxan, mise kan doonaya xasilooni, cadaalad iyo nabad waarta?
Ma kan u janjeera xoog iyo cabburin ayaa saxan, mise kan u janjeera cadaalad iyo difaac dadka dulman?
Adigu ka jawaab.
War, midkee bay dano Muslim iyo kuwo aadame u taagan yihiin, Iiraan mise hoggaaminta Carabta ee ka tanaasulay qiyamkii Islaamka, haddana Iiraan ku caayey u taagnideeda?
War nin leh, “waxaan ahay Islaam,” oo aad arkayso in madaxdiisii oo dhan la laayey, haddana kuwii dilay uu cawgiisii ka dhigto, sidee loo odhan karaa waa saaxiib?
Xisbullaah iyo Iiraan, madaxdoodu sow ma muuqato in ay berriqi dhiiggooda u huraan mabda’ooda, diintooda, iyo sharafka ummaddooda? Taasina sow markhaati ma doonayso?
Ma kuwa hadalka ku weyn ee ficilka ka madhan ayaa saxan, mise kuwa khasaare, go’doon, iyo dhiig-bax u maray in ay yidhaahdaan dulmi ma aqbalayno?
Ma hoggaamiye qiyamkii Islaamka ka tanaasulay, cadowgana u jilcaystay, ayaa ka mudan mid weli taagan oo aan madaxa hoos u dhigin?
Waxaad kale oo tidhaahdaa, qof Muslimnimo sheeganaya, haddana garab siinaya kuwii xasuuqa, duqaynta, iyo dhibaatooyinka ka geystay dhulka Muslimiinta, sow isagu ma lumin miisaankii damiirka iyo walaaltinimada Islaamka?
Haddii madax la laayo, shacab la gubo, carruur la xasuuqo, haddana kuwii falkaas sameeyey loo yeedho “saaxiib” ama “xulafo,” sow taasi ma aha ka tagis cad oo qiyamka Islaamka, insaaniyadda, iyo damiirka bani’aadannimada?
Qof kasta iyo dawlad walba waxa ay dooneyso habsocodkeeda iyo ficilkeeda ayaa lagu fahmaa. Bal adigu is weydii, cadawga dadkani waa kuma, adiguna cadawgaa maxaad isu garab taagisa danta kugu jirya waa noocmw ?
Haddii ay run kaa tahay muslimnimadu, mise marka ay naf iyo xabad gaadho sunnigu waa ka bannaanka, oo dhanka raaxada iyo nolosha adduun buu door bidaa?
Ugu dambayn, anniga waxay ila tahay in hoggaaminta Carabta oo dhan ay kamid yihiin Israa’iisha fidsan oo ay raadinayaan Netanyahu iyo Trump, waayo haddii aysan isku rabitaan ahayn way ka hadli lahaayeen damaca h**e ee Netanyahu uu map-ka u sameeyay oo ilaa Qaramada Midoobay hortooda laga sheegay. Dagaalkana si toos ah iyo si dadban mid uun bay u taageeri lahaayeen, oo Iiraan bay la safan lahaayeen.
Runta marka la eego, waxyaabihii uu Maraykanku ku faani jiray ee uu lahaa lama taabtaan — maanta dhammaantood waa la taabtay.
1. Waxyaabihii uu Maraykanku ku faani jiray ee lama taabtaanka ahaa — maanta waa la taabtay.
2. Nidaamyadii difaaca sida THAAD iyo wixii la mid ahaa — awooddoodii waa la wiiqay, sumcaddii waa hoos u dhacday.
3. Maraakiibtii dagaalka ee badaha xukumi jirtay — maanta doonyo yaryar ayaa ka hor istaagaya dhaqdhaqaaqooda.
4. Xitaa meel fog oo 700 mayl ah — waa la gaadhay, waa la beegsaday, qaarna dhaawac ayaa gaadhay.
5. Lockheed Martin F-35 Lightning II — (diyaarad qarsoodi ah oo aan si sahlan radar lagu arki karin) — kii la oran jiray lama arki karo, maanta shaki ayaa galay.
6. Bartamaha iyo ceelasha shidaalka Khaliijka — meelihii lama gaadhi karin maanta waa la taaban karaa.
7. Kaabayaasha tamarta — waxay noqdeen bartilmaameed furan, nuglaansho cusub ayaa muuqata.
8. Dollarka Maraykanka — awooddiisii keli-talisnimo waa la taabtay, nidaam kale ayaa soo baxaya.
9. Yuan-ka Shiinaha — maanta qofkii ku iibsada ayaa shidaal helaya, ciyaartii dhaqaalaha waa is beddeshay.
10. Marinka Hormuz — kii la oran jiray waligiis lama xidhi karo, maanta waa la xannibi karaa.
11. Xulafadii Maraykanka — kalsooni darro iyo cabsi ayaa soo galay.
12. Dagaalka casriga ah — hadda ma aha hub qaali ah oo keliya, drones iyo xeelado jaban ayaa beddelay miisaankii.
13. Saldhigyada waaweyn — fikraddii ahayd “lama gaadhi karo” waa burburtay.
14. Dhaqaalaha caalamka — suuqyadii shidaalka iyo ganacsiga waa la gilgilay.
15. Siyaasadihii soo jireenka ahaa ee Galbeedka iyo NATO — kuwa la moodayay inaan la taaban karin — waxa uu Donald Trump gaadhsiiyay heer ay noqdaan kuwo la taaban karo, lana su’aali karo.
16. Gunaanad — waxa la moodayay inaan la taaban karin waa la taabtay, waxa la moodayay inaan la hor istaagi karin waa la joojiyey, waxa la moodayay inaan laga maarminna waa la beddelay.
Dunidu si tartiib ah ayay isu beddelaysaa… su’aashu waa: yaa fahmay waqtiga, yaase weli ku nool fikraddii h**e?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Jigjiga
Jijiga