Obsiiye Ibnu Abiib

Obsiiye Ibnu Abiib

Share

social activities

22/03/2025

1- Eeygu waxa uu ka maqli karaa sanqadha u laha saacadda meel u jirta 40 cagood.

2- Haddii uuGerigu simbiriirixdo oo uu dhulka ku dhaco iyadoo lugaha ay kala tageen, dib uma kici karo mar kale waxaana laga yaabaa inuu sidan ku sii jiro ilaa inta uu dhimanaayo.

3- Jiirku ma jecla urta geedka reexaanta "Mint"

4- Carrabka bisadu waa hubkiisa joogtada ah, maadaama ay ka buuxaan qanjidho soo saara dareere dhaye u ah nabarka soo gaadha ilaa uu ka bogsanaayo.

5- Haddii Maroodigu dhinto isagoo taagan, waxa uu sii taagnaada dhawr saacadood ka hor inta aanu dhulka ku dhicin.

6- Gurxanka waxaa laga maqlayaa masaafo dhan 8 KM.

7- Gorayadu waxay noolaataa ilaa 75 sanno waxayna sii ahaan kartaa mid taranta ilaa ay ka gaadhayso konton jir.

8- Waxa jirta nooc qudhaanjada ka mid ah oo loo yaqaan "qudhaanjada dilaaga ah" waayo waxa ay duulaan ku qaadaaan deegaanada qudhaanjada kale ee ay dariska yihiin, halkaas oo ay ku dilaan boqoraddooda oo ay ka dhacaan waxa meesha u yaala, ka dibna tiro ka mid ah qudhaanjadaas sii kaxaystaan oo ku khasbaan inay adoonsi ugu shaqeeyaan!

9- Gorayadu madaxa ciidda kuma aasto si ay khatarta uga badbaado, balse marka ay maskaxdeeda dhulka u dhawayso waxa ay si cad u maqli kartaa shan qadha cadawgeeda ku soo wajahan, taasna waxa lagu tiriyaa nooc ka mid ah garaadka dhalanteed ah.

10- Saynis yahanadu waxa ay ogaadeen in qudhaanjadu ay sida Binu Adamka u hamaansato marka ay subaxii soo kacdo.

11- Rikoodhka duulimaadka ee digaagadu ilaa jebisey waa 13 ilbiriqsi oo kaliya.

12- Meesha ay indhaha dameerku kaga yaalaan madaxiisa ayaa waxay u oggolaanaysaa in uu si joogto ah isku mar u wada arkaan afartiisa qoob.

13- Baaxadda wadnaha nimiriga buluuga ah ee qaangaadhka ah ayaa waxa uu la mid yahay cabbirka baabuurka, halka dhererka carrabkiisu uu yahay ilaa 5 mitir.

14- Madaxa masku waxa uu wax sii qaniini karaa ilaa nusa saace ka dib marka la gooyo.

15- Dukhsiga gurigu waxa uu gudbin karaa jeermiska ilaa 25 kiiloomitir marka laga soo bilaabo meeshii uu ka soo qaaday.

16- Dukhsiga gurigu ka ugu cimriga dheeri waxa uu noolaan karaa 14 maalmood.

17- Shimbirta Guumaystu waxa ay madaxeeda u rogi kartaa labada dhinac xagal dhan 270 darajo.




# Abdinasir Hasan Duale

22/03/2025

Diabetic Foot 🦶 Ulcer

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Jijiga