Waylood MEDIA

Waylood MEDIA

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waylood MEDIA, Health/Beauty, Jigjiga, Jijiga.

18/06/2026

Rw XF Soomaaliya oo cambaaraysay safarka madaxweyne Cirro ee Israa’iil - Faahfaahinta ka eeg Link-ga qaybta comment-ga

18/06/2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu "si buuxda mudnaan u siinayo" khilaafka ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo‑xireenka Itoobiya, isla markaana uu doonayo in xal caddaalad ah laga gaaro.

Photos from Waylood MEDIA's post 18/06/2026

18/06/2026

WAR DEG DEG AH.

Waxaa la shaaciyay isku aadka koobka gobalada Deeganka. Waxaana lagu furayaa labada gobal ee ugu xamaasada Badan Deeganka(El-Clasico.)

Group A
●Qoraxy
●Jarar
●Liban
●Erer

Group B
●Afdheer
●Doolo
●Siti
●Nogob

Group C
●Shabeele
●Dhaawa
●Fafan

Waxaa lagu furaya ciyaarta u dhaxaysa: Qoraxay vs Jarar

18/06/2026

Guhaad tawaane maxamud waxa u kamiidyahy ardaydi maanta u xadirtay imtaxaanka fasalka 8aadka D/raaso ee gobolka afdheer

Photos from Waylood MEDIA's post 18/06/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane Maxamed Sheekh Aadan ayaa maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad.

Guud ahaan deegaanka, saaka waxaa imtixaanka u fadhiisanaya 29,631 arday, kuwaas oo ku galaya 113 goobood oo ka kala socda 704 dugsi, maadama imtixaanka lagu qaadaayo Degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa ardayda kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa imtixaanka, isla markaana laga fogaado lagana hortago qishka.

18/06/2026

Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee da'doodu ka hooseyso 17-jirada ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dhiggooda dalka Sudan, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen kulan ka tirsanaa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee wadanka Tanzania.

Guushan ayaa bog cusub u furtay taariikhda kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho ah ay guul ka gaaraan tartan kubadda cagta ah.

18/06/2026

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, 16 Juun 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka ah ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah.

Soomaaliya waa dowlad madaxbannaan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waa hay’adda keliya ee sharciyan u awoodda inay dalka ku metesho xiriirrada caalamiga ah.

Wasaaraddu Arrimaha Dibadda waxay adkeynaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah, iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.

Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana cambaareeyaan tallaabooyinka wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dowladda Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah, iyada oo adeegsanaysa waddooyin diblomaasiyadeed, sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.

Soomaaliya waxay weli ka go’an wada-hadal nabadeed, xasilloonida gobolka iyo iskaashi wax-ku ool ah oo ay la yeelato dhammaan saaxiibbadeeda.

Hase yeeshee, ma aqbali doonto tallaabo kasta oo ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

18/06/2026

kani waa Ayman al-Fakhouri waa falastiini ka soo jeeda magaalada Al-Khalil taas oo hada ay yuhuudu ula baxeen Hebron, ayman Israa’iil ayaa xabsi ku haysay kaliya 2 sano iyo laba bilood ama 26 bilood ka hor intii aan shalay la sii dayn.

17/06/2026

⚽ MATCH DAY

🇸🇴 Somalia U-17 Women vs Sudan U-17 Women 🇸🇩

🕐 1:00 PM (EAT)
🏆 CECAFA U-17 Women’s Championship 2026
📍 Dar es Salaam, Tanzania

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Jigjiga
Jijiga