Bakool Media

Bakool Media

Share

Bakool Media waa warbaahin madax-banaan oo u shaqeysa Bulshada waxaad ka heli kartaan warar iyo warbixino Xaqiiqo ku saleysan

17/10/2026

🎈Xaflad Aroos
Hambalyo waxaa aan Hambalyo hadlkan ugu diraayaa Mr Ibrahim Macalin iyo marwadiisa Zamzam Cadow.. oo meher kooda ka dhacay magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool

Waxaan leeyahay hambalyo isku waara oo ubad kheyrqaba kala hela..

15/10/2026

انالله وانااليه راجعون.
Galabtan abaare 5:00 Am Magaalada Xuddur waxa ku geeriyoodey Maxamed Nuur Maxamed Soqaad oo ku magac dheeraa (GADUUDOW)

Photos from Bakool Media's post 15/10/2026

MAAMULKA DEGMADA WAAJID OO SOO DHOWEEYEY CIIDAMO POLICE AH

Guddoomiyaha degmada Waajid, maamulka iyo saraakiisha amniga ayaa si diirran u soo dhoweeyey ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diyaariyey inay ka howlgalaan Saldhigga Booliska degmada Waajid.

Ciidamadan ayaa loo soo galbiyey Hoolka degmada, halkaas oo Guddoomiyuhu ugu sameeyey soo dhoweyn iyo dardaaran ku saabsan waajibaadka shaqo, ilaalinta amniga, u adeegidda bulshada iyo dhowrista sharciga.

Imaatinka ciidamadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga degmada Waajid, maadaama aysan horey degmada uga jirin ciidan Boolis oo saldhig u gaar ah leh.

Photos from Bakool Media's post 15/10/2026

HAMBALYO DHALASHO

Waxaan halkaan hambalyo dhalasho uga dirayaa walaalkey Adan Ali Huseyn, oo wiil ugu dhashay degmada Waajid.

Waxaan leeyahay: Hambalyo walaal, Ilaahay ha kaaga dhigo wiilkaaga mid anfaca dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisaba, waalidkiisna u noqda indho-qabowsi. Aamiin.

15/10/2026

Ciidankii taabacsanaa Laftagareen oo Buur-Hakaba ka dhex hadlaaya..

15/10/2026

Buur-Hakaba inteeda badan ciidankii Laftagareen ayaa la wareegey la leeyahay..
Xigasho BULUKO..

15/10/2026

Buur-Hakaba maanta dagaal ayaa ka socda ciidankii Laftagareen iyo ku Dowladda...

14/10/2026

Agaasimaha Madaxtooyada Magaalada Xuddur oo qeyb ka ah gudiga El Nino aya u mahadcelisey Xilibaan Aadan Abdi Gaas oo qeybiyey agabka laga galo roobka...

14/10/2026

Kaamamka Barakacayaasha Xuddur ayaa Xildhibaan Aadan Cabdi gaarsiiyey Qalabka Ka Roobabka iyo Kaneecada laga galo..

Photos from Bakool Media's post 13/10/2026

KULAN ISKU-DUWEED OO KU SAABSAN DIYAAR-GAROWGA KHATARAHA EL NIÑO – WAAJID

Guddoomiyaha Degmada Waajid, Mudane Hassan Abdi Isack Botale, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada,mudane maxamed Abdiraxman”ayaa shir-guddoomiyey kulan isku-duwid ah oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha dowladda, hay’adaha gargaarka iyo NGO-yada ka howlgala degmada. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha roobabka Deyrta iyo saameynta laga filayo El Niño.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda, is-weydaarsiga xogta iyo xoojinta wada-shaqeynta maamulka iyo hay’adaha, si loo diyaariyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, gaar ahaan kuwa saameyn kara bulshada nugul.

Ugu dambeyn, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada maamulka iyo hay’adaha gargaarka, si loo xoojiyo diyaar-garowga loona xaqiijiyo in bulshada ay hesho gurmadka iyo adeegyada muhiimka ah marka loo baahdo.

Telephone

Website

Address


Tv
Xuddur
VEDIO

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bakool Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Xuddur.