nuuriin Ali

nuuriin Ali

Share

run xaqiiqo ah

14/07/2026

Naag gurigeeda hagaag saneyso
nuuriin Ali

12/07/2026

11-kii Luulyo 2005 ayuu dunida ka tagay Alle ha u naxariistee Prof. Cabdulqaadir Yahye Cali, oo ka mid ahaa haldooradii Soomaaliyeed ee noloshooda u huray nabadda, cilmi-baarista iyo dib-u-dhiska bulshada.
Marxuumku wuxuu ahaa aas-aasihii iyo Agaasimihii h**e ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadalka (CRD), isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo kobcinta aqoonta Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee, Cabdulqaadir Yahye waxaa si arxan daro leh loogu dhex dilay gurigiisa oo ku yaallay Xaafadda Buulo Xuubey, Degmada Wadajir, dilkaas oo aay geesteen kooxda khawaarijta.

Maalintan oo kale waxaan si qoto dheer u xusuusaneynaa halyeygii aqoonta iyo nabadda, oo raad weyn ku reebay taariikhda Soomaaliya.
Alle ha u naxariisto Prof. Cabdulqaadir Yahye Cali, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.

07/07/2026

Maseerka waa halis
nuuriin Ali

30/06/2026

πŸ‡²πŸ‡¦πŸ† HAMBALYO XULKA MAROOKO!

Xulka Marooko ayaa guul weyn oo dahabi ah ka gaaray xulka Netherlands kadib kulan aad u adag oo xiiso badan lahaa. Labada xul ayaa ku kala bixi waayay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, taasoo sababtay in lagu daro waqti dheeri ah (extra time).

Ugu dambeyn, Marooko ayaa guusha ku xaqiijisay gool ku laadyo, waxayna si rasmi ah ugu gudubtay wareega 16-ka ee Koobka Adduunka. πŸ‡²πŸ‡¦πŸ”₯

Sabtida soo socota, Marooko waxay wajihi doontaa xulka Canada oo isna horay ugu soo baxay wareega 16-ka, iyadoo xulka guuleysta uu u gudbi doono wareega Quarter Final-ka.

Waxqabadka Marooko ee sanadkan wuxuu muujinayaa xul aad u xoogan, kalsooni leh, islamarkaana dad badan ay u arkaan inuu ka sii awood badan yahay xulkii taariikhda sameeyay ee Koobka Adduunka 2022.

⚽ Ma sii socon kartaa sheekada guusha ee Marooko?

30/06/2026

July 2019 gii ayaa magaalada kismaayo lagu dilay walaasheen hodan naaleeye,

Maanta waxaa loo sameeyay xus iyo duco iyo quraan Saar, waaayo waxay ku beegneyd markii la dilay, walaalkeed Hussein naaleeye ayaa umada soomaaliyeed ka codsaday in aay u Soo duceeyaan walaashiis hodan.
Fadlan u duceey walaasheyn hodan naaleeye

29/06/2026

🚨 ARGAGAX IYO MURUGO: Hooyo 80 jir ah oo meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalo degmada Kaaraan

Muqdisho – Warar la helayo ayaa sheegaya in hooyo lagu magacaabo Mama Maryan, oo da’deedu ahayd ku dhowaad 80 sano, meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaalla degmada Kaaraan, xaafadda Faanoole.

Sida warbixinta tilmaamayaan, jirkeeda waxaa lagu arkay dhaawacyo waxaana dilka ma**da loo adeegsaday Mindi, sidoo kale marka la dilay ma**da ayaa waxaa jirkeeda lagu daadiyay bur.

Dhacdadan ayaa argagax iyo murugo ku abuurtay dadka deegaanka, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo baaro kiiska loona cadaaladdeeyo wixii dhacay.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo aay ciidanka amaanka ka bixiyeen dhacdada.

πŸ•ŠοΈ Alle ha u naxariisto marxuumadda, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan haka siiyo.
Vedio ga qeybta hoose ka daawo

29/06/2026

Waxaa hada noaloo xaqiijiyay geerida Sharmarke Mahamed Ahmed, oo ku noolaa Kassel. Marxuumka ayaa la sheegay inuu muddo xanuunsanaa, xanuunkiisana aan laga war heynin, waxaana ugu danbeyn ka war heshay haweeneey Germany ah taasoo police ka war gelisay xanuunka sharma arke kadibna loo qaaday magaalada Hannover si xaaladdiisa caafimaad loola tacaalo, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan intii uu ka baxay. Alle ha u naxariisto marxuumka, dambigiisana ha dhaafo, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo.
Samir iyo iimaan Alle haka siiyo qoyskiisa iyo dadka uu ka geeriyooday.
🀲 Aamiin Aamiin.

28/06/2026

Ayuub saciid abdirahman ayaa walaakiis mudac saciid abdirahman ceejiyay kadib markuu ka cunay rooti.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis

28/06/2026

🚨 Su'aal u baahan jawaab!

Dhallinyaro maanta Boolisku warbaahinta u soo bandhigay, iyagoo weli eedeysanayaal ah maxkamadna aysan weli xukumin.

Haddaba su'aashu waxay tahay: Goorma ayuu qofku dambiile noqdaa? Ma marka la soo xiro mise marka maxkamad ay xukun ku riddo?

Dastuurka Soomaaliya wuxuu dammaanad qaadayaa in qof kasta uusan dambi lahayn ilaa dambigiisa maxkamad lagu caddeeyo. Haddii ay berri maxkamaddu ku weydo dambiga lagu soo eedeeyay, yaa u celinaya sharaftii iyo sumcaddii laga dhaawacay?

Bulshada dhexdeeda waxaa sidoo kale ka jira dood ku saabsan in sharcigu si isku mid ah u wada qabanayo dhammaan dadka lagu eedeeyo falal isku nooc ah. Dad badan ayaa qaba in caddaaladdu aysan noqon karin mid qof gaar ah ku dhacda, balse ay tahay inay si siman u wada gaarto qof kasta.

Adiga maxay kula tahay? Ma sax baa in eedeysanayaal wajiyadooda lagu soo bandhigo warbaahinta ka hor inta aysan maxkamad xukumin, mise waa in la sugaa go'aanka garsoorka?

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in London?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Great Russell Street
London
WC1B3DG