Korneyl Media

Korneyl Media

Share

samafalka Cafimaadka Iyo Samata bixinta Dadka Dhiban

02/03/2023

2024 loading!

26/10/2021

Democracy is For the people, By the people and Of the people .

26/10/2021

Natiijo-hordhac ah:Degmada Ufeyn.

▪︎Kaah 1687
▪︎Mideeye 1300
▪︎Caddalad &Sinaan 1248
▪︎Horseed 180
▪︎Mustaqbal 192
▪︎Runcad 47
▪︎Shaqaalaha 13
▪︎Ifiye 8
▪︎Dhalinyarada 11

•Wadarta 5366
•Codadka Xumaaday 598
•Codadka lagu muransanyahay 29.

~Guddiga Doorashada.

Xigashi. Wariye Mohamed Salh

13/10/2021

Caafimaad Ahaan Waxaa Wanaagsan

1. Cabista Wax Diiran Marka Cuntada Cunto Kadib. Waxyaabaha Qabow Dheefshiidka Ayay Fariisiyaan

2. Cunista Digirta (Cambuulada) Subaxdii Waxay Jilcisaa Caloosha

3. Cabista Galaas ama 2 Galaas oo Biyo Ah Marka Hurdada Kasoo Kacdo, Xididada Dhiiga Ayay Sifaysaa

4. Cabista Liin Dhanaan Wax Biyo Ah Aan Lagu Darin Marka Cuntada Cunto Kadib, Gaaska Ayay Daawo u Tahay

5. Cabista Hal Galaas oo Biyo Ah Marka Salaadaha Dukato Kadib ( 5 Salaad x 1 Galaas Biyo Ah = 5 Galaas Maalintii)

6. Cunista Cashada, Cishaha Kahor Waxay Qofka Sifaysaa Dhiigaga Beerka iyo Xameetida

7. Cunista Hal Xabo Toon Ah. Toontu Dadka Qummanka Qaba, Liqitaankuna Dhibo Ayay u Fiican Tahay

8. Cunista Basasha Si Joogta Ah. Basashu Sanboor iyo Xasaasiyada Ayay Daawo u Tahay

9. Cabista Liin bambeelmada Hurdada Kahor. Liin bambeelmadu Waxay Soo Dadajisaa Hurdada

10. Cabista Subax Kasta Fur Malab Ah. Malabku Cagaarshowga Dhiiga Raaca Ayuu Ka Hortagaa, Daawana u Yahay

Qodobka ku cajab galiyay lambarkiisa ii soo qor adigoo mahadsan. In Adiga Kaliya Aad Akhrisatana Waxaa Ka Khayr Badan In Walaalaha Kula Akhristaan

( Dr. Shaahid waa dhaqtarka Cudurada Maqaarka wuxuuna ka hool galaa xarunta Bukaanbile poly Clinic oo ku yaala Muqdisho gaar ahaan xaafada oodweyne ee dagmada Daynile)

09/10/2021

TALEEFANKA CAS

Soddon sano ayaa laga joogaa dhamaadka dagaalkii qaboobaa. Wuxuu ahaa dagaal dhowr iyo afaratan sano socdey oo Shiinuhu uu dibadda ka ahaa. Muddadaas waxaa jirey wax la yiraahdo taleefanka cas (Red Telephone). Wuxuu ahaa khad taleefan oo u gaar ah hoggaamiyayaasha labada dowladood ee ugu xoogga-weynaa xilligaas dunida (USA & USSR). Khaddaas waxay ahayd mid si joogto ah u furan oo xiriirineysey masuuliinta ka shaqeeya arimaha istraateejiyadda ee aqalka cad iyo aqalka cas. Arintaasi waxay dunida ka badbaadisey hoogga uu leeyahay dagaal leysu adeegsado hubka nukliyeerka ah. Hadda waxaa is-beddeley is-le’egtii cayaarta dowladaha waaweyn. Shiino oo aanan horey ugu jirin fagaaraha taleefanka cas ayaa ku soo biirtey oo la soo baxdey aqood dhaqdhaqaaq ciidan iyo weerar elektroonik ah. Arimahaasi waxay muujinayaan damaca xooggan oo Shiinuhu leeyahay iyo hanka galey.

Tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, dowladda Shiinaha waxay ku soo xad-gudubtey aagga xuduudda hawada ah ee dalka Taiwaan 155 jeer. Tiradaas oo ah duulimaadyo ay sameeyeen dayuurado dagaal oo Shiinuhu leeyihiin. Waa arin si aad ah looga walaacsan yahay arinkaas. Muddada sagaalka bilood ah ee sanadka, in ka badan 500 oo duulimaad oo noocan oo kale ah ayuu dalka Shiinuhu ku xad-gudbey dalkaas. Dagaalka cusub ee labada bad-weyn (Indo-Pacific War) intuusan curan, Mareekanka waxaa ku imanayay cadaadis ku riixaya in ay dagaal la gasho Shiinaha. Odeyaasha u naqshadeeya siyaasadda waxay wajahayaan xaqiiqada adag ee ah halista ka dhalan-karta dagaal ay la galaan shiinah. Arintaasi waxay wadataa guul-darrooyin ciidameed oo lagu dhowaanayo in leysu adeegsado hubka sida ba’an wax u gumaada.

Dhab ahaan Mareekanku hadda diyaar uma ahan in uu qaado dagaal laga filan karo in Shiinuhu uu ku adkaado. Waxaase hubaal ah in ayan jiri doonin doorasho lagu farxo haddii Shiinuhu ugu dambaynta uu ku guuleysto mashruuca handadaadda tobaneeyada sano soo socdey ee uu ku doonayo in uu ku qabsado Taiwaan. Markaas Mareekanku wuxuu ku khasbanaanayaa in uu laba daran kala doorto. In uu doorto go’aan kharaar oo fool-xumadiisu ay tahay in uu isu-dhiibo doonista Shiinaha uu kula wareegayo degaanka, ama in uu doorto dagaal ay muuqato in uu ku halis gelinyo jiritaankiisa. Waxaa jira dareen dheeri ah oo ka dhex mowl-leh masuuliinta Mareekanka iyo kuwa haga ra’yiga dad-waynaha. Dareenku wuxuu yahay, haddii uu Shiinuhu dagaal ku qabsado Taiwaan, in Mareekanku uu dagaal furan la galo dalka Shiinaka. Gabadha la yiraahdo Kathleen Hicks oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee Mareekanka, kudbad ay jeedisey 2-dii bishan waxay sheegtey: haddii Shiinuhu ay weeraraan Taiwaan, in Mareekanku uu leeyahay awood ku filan oo uu horey ugu sikado degaanka si uu u hor-joogsado suuragal walba oo noocaas ah.

L/ Col. Daniel L. Davis waa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareekanka, kaas oo ka soo qayb-galay dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan. Billad-sharafeedda lagu magacaabo xiddigta Bronze (Bronze Star) ayuu ku qaatey howlihii uu ciidanka u fuliyey. Haddana wuxuu xubin ka yahay xarunta golaha tashiga macluumaadka dagaalka (Center of Defence Information Advisory Board). Maqaal uu soo qoray 5/ 9- 2021, wuxuu ku yiri:

“ Kathleen Hicks, ama ha ahaato mid aanan ogeyn tabar-darrida xilli-dagaalka labada bad-weyn ee aanu faafiney (bad-weynta Hindiya iyo bad-weynta baasifigga), ama ha ahaato mid aanan dareensaneyn awoodda Shiinaha uu ku leeyahay xeebihiisa. Mid ay tahayba, annagu ma hayno xaalad aanu ku damaana qaadi-karno in aanu hor-joogsanno weerarka Shiinuhu uu ku damacsan yahay Taiwaan “.

Horraantii sannadkan, wakiillo ka tirsan aqalka sare ee Mareekanka ayaa madax-weyne Joe Baisen waxay u soo bandhigeen xeer lagaga hor-tegayo duulaanka Shiinaha oo lagu difaacayo Taiwaan. Senator Rick Scott iyo Senator Guy Reschenthaler waxay rajo xoog leh ka qabaan in madaxweynuhu uu oggolaanayo in Taiwaan lagu difaaco xoog. L/ Col. Daniel L. Davis, wuxuu sheegayaa in laga hor-tago fikradda caynkan ah. Isagu wuxuu horey u xusey in yan jirin xaalad maan-gal ah oo Maraykanku ku dambayn karo meel ka fiican oo ka ammaan badan kadib haddii uu dagaal la galo Shiinaha. Waxa ugu wanaagsan ee la rajayn karo waxay noqonayaa guul aan dhammaad lahayn, taas oo lagu khasban yahay in lagu xardho in Mareekanku noqdo ciidanka difaaca joogtada ah ee Taiwan. Taasina waxay u baahan tahay boqolaal bilyan oo dollar sannadkii. Waxaa weheliya shardi ah in la diyaariyo ciidankii geli lahaa weerarka laga filan karo Shiinaha si looga hor-tago.

Natiijada ugu foosha-xun ee dagaal dhaca laga filanayo waxay noqoneysaa guuldarro ku habsata ciidamada Mareekanka, taas oo ugu danbeyn uu Shiinuhu ku guuleysto. Qiimaha khasaaruhu wuxuu noqonayaa dayuurado badan oo la soo rido, maraakiib badan oo la quusiyo iyo askar badan oo ku dhamaada. Waxaa jira arin intaas ka khatarsan oo waa iyada oo leysu adeegsado awoodda hubka halista ah. Sidaa darteed doorashada ugu wanaagsan oo dad-waynaha Mareekanka hor-yaal wuxuu yahay in dowladdooda ay u diidaan in ay dagaal furan, dalka Shiinaha kula gasho Taiwaan darteed.

Qore: Dr. Saadiq Enow
[email protected]

15/08/2021

□ Xasaasiyada Cuntada – Food Allergy

Xasaasiyada cuntada – Food allergy waa xaalad caafimaad oo khatara, oo saamaysa malaayiin carruur ah oo ku nool dunida dacaladeeda. Cudurkan wuxuu ku bilaabmaa difaaca jirka oo qaldama. Maadaama shaqada difaaca jirku ay ahayd inuu jirka ka difaaco jeermisyada Baakteeriyada iyo Viruska, ayuu jirku u maleeyaa noocyo cunto ah barootiino ku jiraa inay jeermis yihiin, dabadeedna barootiinadaas si khalad ah ayaa loola diriraa.

Si ka duwan xaaladaha kale ee cunto dhibsiga ah, cudurkaan waxaa kacsha nooc lid-jireed ah oo la yiraahdo immunoglobulin E, oo shaqadoodu tahay inay sii daayaan dheecaanka Histamine iyo kiimikooyin kale oo kacsha calaamadaha jawaab-celinta alleerjiga.

Maxaa ka mid ah cuntooyinka xasaasiyada carruurtu ka qaadi karto.

Inkastoo qofba nooc cunto ah oo xasaasi ama allerjik ku yahay haddana 90% cuntooyinkaan hoose ayaa loo tiriyaa in inta badan lagu xajiimoodo.

Loowska
Caanaha
Ukunta
Sarreenka
Digirta Sooy
Kalluunka
Shirimbiska
Aargoosatada


Calaamadaha lagu garto ama ka soo muuqda cunnuga marka uu ku xajiimoodo nooc cunto ah

Calaamadaha ugu horeeya oo la dareemi karo waa cun cun oogada ah, sanka oo duufa,cun-cun indhaha oo gaduuta. Calaamado kale oo badana waa imaan karaan sida:

Xabeeb iyo cunaha hawada oo ciriiri noqda
Sharqan foori ah oo ay yeelato hawada sanbabka ka soo baxaysa
Qufac
Lallabo
Matag/hunqaaco
Shuban


Waxaa jirta calaamado ba’an ah oo uu leeyahay Allerjiga khatarta ah oo la yiraahdo Shoogga Anaphylaxis. Noocan shoogga ah wuxuu saameeyaa xubno badan oo jirka ah, wuxuuna keeni karaa geeri degdeg ah haddii aan degdeg qofka loo gayn isbitaal. Calaamadaha Shoogga Allerjigu keenu waxaa ka mid ah:

Barar maqaarka
Neefta oo cunnuga ku dhegta
Carrabka iyo bishimaha oo barara
Garaaca wadnaha oo hoos u dhaca
Miyir-beel
Hoos-u-dhac xawaaraha dhiigga.
Qofka ama cunnuga calaamadahaani ka soo muuqdaa wuxuu u baahan yahay in la seexsho Isbitaal.

Daawaynta Xasaasiyada Cuntada

Xilligaan daawaynta ugu habboon ee lagu daaweeyaa cunnug cunto ku jirada waa iyadoo laga hortago in cunnugaas la siiyo cunto uu allerjik ku yahay. Marka ugu horaysa oo ilmaha lagu xaqiijiyo inuu nooc cunto ah uu xasaasiyad ku qabo, waxaa fiican in la qoro nooca cuntada oo loo sheego macalimiintiisa iyo ciddii kale ee cunnuga noloshiisa gacanta ku haysa.

Calaamadaha aan sidaas khatarta u ahayn sida xajiinta oogada, hindhisada iyo nabraha yar yar ee maqaarka ka soo yaaci kara waxaa lagu daaweeyaa noocyo daawo ah oo la yiraahdo anti-histamines iyo steroids.

Nooca anaphylactic Shock waxaa qofka lala gaaraa irbad la yiraahdo Epinepherine oo joojinaysa dhamaan calaamadaha khatarta ah. Mararka qaarkood dadka ama carruurta u nugul in noocan shoogga ahi ku dhaco waxay guriga ku haysataan daawadaan
Like share

17/04/2021

Shage Dhaha Page

19/07/2020

Wa Dabeecadaha Nolasha, Iyo Isbedelka Ku yimaada Dadka

Examples my Human Production

19/07/2020

Determinants of health by Dahlgren and Whitehead Production

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Vadodara?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Vadodara