Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle, Health/Beauty, Baydhabo.

25/09/2026

Hambalyo mudane Mohamed Deck Baraar

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Mohamed Deck Baraar, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.

Waxaan kuu rajaynayaa guul, horumar iyo in aad si hufan uga soo baxdo waajibaadka laguu igmaday. Waxaan kalsooni ku qabaa in aqoontaada iyo khibraddaadu ay wax weyn ka tari doonaan qorsheynta, horumarinta iyo adeegyada bulshada ee Degmada Baydhabo.

Hambalyo Agaasime, xilkaaga cusubna Alle ha kuu fududeeyo.

Faysal Mohamed Duuble
Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda
Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo

Photos from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle's post 24/09/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle waxay hambalyo iyo bogaadin meel sare ah u dirayaan Mudane Mohamed Baraar Abdi, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo. Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo xil saaray.

Hambalyo

24/09/2026

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geelidle

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa walaalkeen Mohamed Deck Baraar, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.

Waa xil culus oo u baahan aqoon, karti, daacadnimo iyo dadaal. Waxaan kuu rajaynaynaa in Alle kuu fududeeyo masโ€™uuliyadda cusub, kuna garab galo gudashada waajibaadkaaga.

Hambalyo walaalkeen Mohamed Barar Cabdi!

Guul iyo horumar ayaan kuu rajaynaynaa. ๐Ÿคฒ

06/09/2026
03/09/2026

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle waxay tacsi tiiraanyo leh u diraya Eng. Mustaf Maxamed Xasan, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

waxay murugada iyo geerida Marxuumka la wadaagayaan qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskiisa iyo ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Photos from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle's post 02/09/2026

MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO KORMEER SOCOD AH KU MARAY SUUQA WEYN IYO QAR KA MID AH XAAFADAHA MAGAALADA

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa maanta kormeer socod ah ku maray Suuqa Weyn ee magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo ujeeddadu ahayd la socodka xaaladda guud ee amniga, nadaafadda, habsami-u-socodka ganacsiga iyo adeegyada bulshada.

Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Degmada Baydhabo, Mudane Faysal Mohamed Duuble, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada.

Mudane Faysal Mohamed Duuble, ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dadaallada maamulka degmada ee lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta, isla markaana maamulka uu si joogto ah ula socon doono xaaladda suuqa iyo xaafadaha magaalada.

Waxa uu sidoo kale bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka degmada, si loo ilaaliyo nabadgelyada, nadaafadda iyo bilicda magaalada Baydhabo.

Kormeerka ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay xaaladaha ay bulshada iyo ganacsatadu la kulmaan, iyadoo maamulka uu sheegay in waxyaabahii ay arkeen iyo talooyinka shacabka laga qaadan doono tallaabooyin ku habboon.

Photos from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle's post 31/08/2026

MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO TAAGEERAY GOโ€™AANKII KAS9 BAXAY GOLAHA WASIIRRADA KOONFUR GALBEED

29/08/2026

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—น ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐——๐˜‚๐˜‚๐—ฏ๐—น๐—ฒ & ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ.

Photos from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle's post 29/08/2026

Gud. Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Baydhabo mudane Faysal Mohamed Duuble oo Kulan Dhiirrigelin iyo Is-xogwareysi ah la Qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banadir.

Photos from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle's post 26/08/2026

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geelidle waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Aadan Salaad, kaas oo loo magacaabay Isku duwaha Degmada Diinsoor ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan Adow Aadan Salaad u weydiinaynaa Eebbe inuu u fududeeyo mas'uuliyadda cusub ee loo xilsaaray, kuna Guuleeyo u service-yinta bulshada degmada Diinsoor.

Category

Website

Address


Baydhabo