Mohamed ibnu Gadhcade

Mohamed ibnu Gadhcade

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed ibnu Gadhcade, Health/Beauty, Buramo Boorama.

19/03/2024

"Hadba duul wahsanayoo
Inta waayir lagu xidhay
Wadhaf lala hor joogoo
Wanshax meel la jiifaa
Wacdigaygu sooraa.

Hadba wadar la dhacayoo
Inta ay wisiisiday
Warmaheeda gurataan
Ina wadiya leeyahay.

Hadba waaq la riday baan
Weylaalistiisii
Wilgaduu fadhiyi jiray
Wasakhdii ka dhaqayaa.

Hadba damal wacnaayoo
Webigii Ganaaniyo
Salka gacanka Waaheen
Waraqyada ku fidiyoo,
Inta wahan ka daba yimid
Wiriqyada u bixiyoo,
Wakhti soo qandoodshoo
Walcan goโ€™a lalmanayoo
Wegdihiisa laabtaan
Ubaxii ku waabnaa
Maqal weyd la togantiyo
Waxaraha u tumayaa.

Hadba Shaah la waayiyo
Boqor weer cad goostoo
Inta wiish la sara tegay
Waaqwaaq ka riday baan
Taajkiisa warasiyo
Hanti shacab wadaagiyo
Waqaf guud ka dhigayaa.

Hadba Janan wanjalanoo
Dhulka laga wandaafshoo
Cirka looga webiyoo
Cidla dhex walhanayoo
Wedku deydeyaayaan
Waa kan waa kan leeyahay.

Onkodkiyo wannaaniga
Iyo dhibicda weedhka leh,
Walanwalinta maansada,
Walwallaynta geenyada,
Wanqaraarka jiiftada,
Waxa looga jeedaa,
Ama loo wacwacayaa
Wacdaruhu u dhacayaan;
Lugta waarrinaysiyo
Isha waabanaysaa
Ha ku waano qaateen
Wegenkiyo colaadaha
Nin dulmani ha weheshado.

Waddammada adduunyada
Afarteeda waaxood
Dhibta iyo waxyeellada
Inta ila wadaagtaay,
Aan heeso weriyee
Kici weerarkaagii,
I waraabsha geedkii
Waxyigaygu saarraa."

โ€” Hadraawi (AHN) | Tixda 'Weriyaha' | 1983.

Photos from Mohamed ibnu Gadhcade's post 15/03/2024

Masaajidka Cali Mataan ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay maalgaliso shirkadda Dahabshiil Group.

Tartankan oo ah ka ugu taariikhda dheer tartannada Quraanka Kariimka ah ee soomaalidda. waxa ka qayb galay ardayda ku tartamaysay 30 ka juz oo ka kala socda gobollada.

Waxaana munaasibadda xidhitaanka ka soo qaybgalay guddida wasiirka Diinta iyo Awqaafta, wasiirka waxbarashadda, culimaa udiinka dalka iyo masuuliyiin shirkadda Dahabshiil iyo bulshada guud ahaan.
Waxa sanadkan 2024 tartanka quraanka ah ku guuleystay:-

1- Kaalinta Koobaad - Gobolka Togdheer โ€“ ๐€๐›๐๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ค๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ž - $๐Ÿ”,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐›๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž.
2- Kaalinta Labaad - Gobolka Awdal โ€“ ๐’๐ก๐š๐ซ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐ค๐ž ๐€๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ - $๐Ÿ’,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐›๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž.
3- Kaalinta Sadexaad - Gobolka Awdal - ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐œ๐š๐› ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ - $๐Ÿ,๐ŸŽ๐ŸŽ๐ŸŽ ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐›๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž.

15/03/2024

Waxaan idiin haynaa hab cusub oo xisaabta isku dhufshada aad kaga mar maysaan calculator waana habkan ila daawo

15/08/2023

๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚๐’… ๐’™๐’Š๐’”๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’•๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’๐’๐’ ๐’†๐’ˆ๐’ ๐’ˆ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐’˜๐’‚๐’™๐’‚ ๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚๐’”๐’•๐’‚ ๐’–๐’ˆ๐’– ๐’‰๐’๐’“๐’†๐’†๐’š๐’‚
๐’ˆ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ (๐’•๐’๐’ˆ๐’…๐’‰๐’†๐’†๐’“ ) ๐’‚๐’‰๐’๐’‚ ๐’ˆ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ ๐’“๐’‚๐’ˆ๐’ˆ๐’‚
๐’˜๐’‚๐’™๐’‚ ๐’Œ๐’– ๐’™๐’Š๐’ˆ๐’‚ (๐’‚๐’˜๐’‚๐’…๐’‚๐’) ๐’ˆ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ ๐’…๐’–๐’Ž๐’‚๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’‹๐’Š๐’๐’„๐’Š๐’”๐’‚๐’

3 ๐’˜๐’‚๐’™๐’‚๐’‚ ๐’Œ๐’–๐’”๐’Š๐’Š ๐’™๐’Š๐’ˆ๐’‚ (๐’”๐’‚๐’‚๐’™๐’Š๐’) ๐’‚๐’‰๐’๐’‚๐’‚ ๐’ˆ๐’๐’ƒ๐’๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Œ๐’‚๐’๐’–๐’๐’Œ๐’‚
4 ๐’‰๐’‚๐’“๐’ˆ๐’‚๐’š๐’”๐’‚๐’‚ ๐’˜๐’‚๐’š ๐’…๐’‰๐’‚๐’„๐’‚๐’…๐’‚๐’‚ ๐’”๐’‚๐’๐’‚๐’… ๐’˜๐’‚๐’๐’ƒ๐’‚๐’‚
๐’Ž๐’‚ ๐’”๐’‚๐’™๐’ƒ๐’‚๐’‚ ๐’Ž๐’Š๐’”๐’† ๐’ƒ๐’†๐’†๐’?
๐’‚๐’๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐’˜๐’‚๐’‚ ๐’“๐’–๐’๐’•๐’‚๐’š

04/06/2022

Ninkaa kuriyooday kurisiiga
Miyaynuu udhiibnaa kurisiiga

17/05/2022

Waxan bulshada somaliland ugu hanbalyaa mallinta 18 may ee qaran nimada somalilaan ee 1991kii

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Buramo Boorama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Buramo Boorama