Somaliland Medical Association - SLMA

Somaliland Medical Association - SLMA

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland Medical Association - SLMA, Shacab Mall Building 26 June District Hargeisa, Hargeisa.

SLMA is the professional body representing doctors in Somaliland, dedicated to advancing medical standards, professional development, and health system strengthening.

Photos from Somaliland Medical Association - SLMA's post 28/08/2026

Shirwaynaha 2aad ee Dallada Dhakhaatiirta Lafaha Somaliland

Waxaa maanta si guul leh u qabsoomay Shirwaynaha 2aad ee Dallada Dhakhaatiirta Lafaha Somaliland, kaas oo ay kasoo qayb-galeen dhakhaatiirta lafaha, khubaro caafimaad iyo marti sharaf kala duwan.

Intii uu socday shirwaynuhu, waxaa lagu soo bandhigay cilmibaadhisyo kala duwan oo khuseeya cudurrada lafaha, dhaawacyada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka lafaha.

Sidoo kale, shirwaynaha waxaa lagu doortay hoggaan cusub iyo Board cusub oo hagi doona Dallada muddada soo socota. Waxaa Guddoomiyaha Ururka loo doortay Dr. Siciid Cismaan Daahir, halka Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Dr. Manaal Maxamed Daauud.

Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qayb-galay wufuud iyo marti caalami ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Australia Doctors for Africa.

Ugu dambayn, Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hoggaanka cusub iyo dhammaan xubnaha Board-ka. Waxaan u rajaynaynaa inay ku guulaystaan hoggaaminta Ururka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka lafaha ee Somaliland.

Hambalyo Dallada Dhakhaatiirta Lafaha Somaliland iyo hoggaankiisa cusub! ๐ŸŽ‰๐Ÿฆด

26/08/2026

๐ŸŽ‰ ๐—ฃ๐˜‚๐—ฏ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐—”๐—ฐ๐—ต๐—ถ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜

Case Report Publication

The Somaliland Medical Association (SLMA) proudly congratulates Dr. Mubarik Jama and his co-authors on the successful publication of their case report in the Journal of Emergency & Critical Care Case Reports. ๐Ÿ‘๐Ÿ“š

๐Ÿ“˜ ๐—ง๐—ถ๐˜๐—น๐—ฒ:
New-Onset Atrial Fibrillation With Rapid Ventricular Response Associated With Right Lower-Lobe Community-Acquired Pneumonia and Parapneumonic Pleural Effusion

This case report presents a valuable clinical experience involving a 60-year-old woman who developed new-onset atrial fibrillation with rapid ventricular response in association with community-acquired pneumonia and parapneumonic pleural effusion.

The report highlights the importance of early recognition, comprehensive clinical assessment, appropriate cardiac evaluation, and effective management of acute cardiac complications in patients with severe systemic illnesses.

๐Ÿ–‹๏ธ ๐—ฃ๐˜‚๐—ฏ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป ๐——๐—ฒ๐˜๐—ฎ๐—ถ๐—น๐˜€:
โ€ข First & Corresponding Author: Dr. Mubarik Jama
โ€ข Co-Authors: Tilahun Workneh Enyew and Dr. Mokhtar Farah

LINK: https://dergipark.org.tr/en/journal/2207/article/2024376/author/overview

Photos from Somaliland Medical Association - SLMA's post 25/08/2026

Basic Surgical Skills Training is ongoing, and today our young doctors are developing practical orthopedic skills, including casting techniques. We are grateful to our senior orthopedic doctors for their valuable mentorship and dedication to guiding the next generation of doctors. ๐Ÿฉบ๐Ÿฆด

24/08/2026

Shirkii 2aad ee Ururka Dhakhaatiirta Lafaha oo ka Qabsoomaya Magaalada Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ka qabsoomi doona Shirkii 2aad ee Ururka Dhakhaatiirta Lafaha, kaas oo ay isugu imanayaan dhakhaatiirta ku takhasusay xanuunada iyo dhaawacyada lafaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ururka Dhakhaatiirta Lafaha ayaa ka mid ah ururrada xirfadeed ee ka tirsan dalladda guud ee Somaliland Medical Association - SLMA

Ururka Dhakhaatiirta Lafuhu waxa uu door muhiim ah ka qaata horumarinta aqoonta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee la xidhiidha xanuunnada iyo dhaawacyada lafaha.

Shirka waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmi-baadhisyo caafimaad oo ku saabsan xanuunnada lafaha iyo dhaawacyada ka dhasha shilalka, iyadoo la is-weydaarsan doono khibrado iyo aqoon kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka.

Photos from Somaliland Medical Association - SLMA's post 23/08/2026

Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, oo kaashanaya International College of Surgeons โ€“ Somaliland Section, ayaa tababar ku saabsan Xirfadaha Aasaasiga ah ee Qalliinka iyo daryeelka dhaawacyada(Basic skills science and trauma) u qabtay qaar ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha caafimaad ee dhakhaatiirta, gaar ahaan xirfadaha muhiimka u ah daryeelka bukaanka iyo hawlaha qalliinka.

Tababarkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka iyo horumarinta xirfadaha dhakhaatiirta Somaliland, iyadoo la siinayo aqoon iyo tababar ku salaysan habraacyada casriga ah ee qalliinka.

Waxa kale oo uu tababarku dhiirrigelinayaa is-weydaarsiga aqoonta, wada shaqaynta xirfadlayaasha caafimaadka iyo horumarinta adeegyada qalliinka ee Somaliland.

Ujeeddada ugu weyn waa in dhakhaatiirtu helaan xirfado wax-ku-ool ah oo ay si ammaan ah ugu adeegsan karaan bukaannadooda, taas oo ka qayb qaadanaysa horumarinta daryeelka caafimaadka iyo badbaadada bukaanka.

Photos from Somaliland Medical Association - SLMA's post 22/08/2026

Hoggaanka Sare ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) ayaa ka qayb-galay tababar heer sare ah oo ku saabsan hoggaaminta caafimaadka, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen World Medical Association - WMA oo kaashanaya Coalition of African National Medical Associations (CANMA), laguna qabtay Livingstone, Zambia. ๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ฒ

Tababarkan waxaa diiradda lagu saaray hoggaaminta casriga ah ee caafimaadka, xoojinta awoodda ururrada dhakhaatiirta, iyo sidii ururrada dhakhaatiirtu door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarinta caafimaadka Afrika.

Tababarka waxaa bixinayay madaxda sare iyo khubaro ka socday WMA, Africa CDC, iyo Madaxda Sare ee CANMA, iyadoo laga wada hadlay hoggaaminta, iskaashiga iyo sidii loo xoojin lahaa doorka iyo codka dhakhaatiirta Afrika.

Sidoo kale, tababarka waxaa barbar socday Shirka Ururrada Dhakhaatiirta Afrika, oo ay ka qayb-galeen hoggaamiyeyaal iyo wakiillo ka kala socday ururrada dhakhaatiirta ee dalal badan oo Afrika ah.

SLMA waxaa madashan ku metelay :

1. Guddoomiyaha SLMA โ€“ Dr. Yusuf Mohamed (Ayman)
2. Xoghayaha Guud โ€“ Dr. Abdiaziz Hakiye
3. Guddoomiyaha SLMA ee Gobolka Awdal โ€“ Dr. Abdirisaq Kadiye

Ka qayb-galka SLMA ee madashan muhiimka ah wuxuu fursad u yahay xoojinta iskaashiga ururrada dhakhaatiirta Afrika, kobcinta hoggaaminta caafimaadka, iyo in codka dhakhaatiirta Somaliland uu si muuqata uga qayb noqdo dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka Afrika.

17/08/2026

BASIC SURGICAL SKILLS TRAINING

A practical training designed to strengthen healthcare professionalsโ€™ essential surgical skills, including aseptic techniques, instrument handling, knot tying, suturing, and wound management.

๐Ÿ“… Date: 22โ€“27 August 2026
โฑ๏ธ Duration: 6 Days
๐Ÿ•— Time: 8:00 AM โ€“ 12:00 PM
๐Ÿ“ Location: Hargeisa, Somaliland
๐Ÿ‘ฅ Target Participants: Intern Doctors, General Practitioners Doctors, Residents, and Specialists.

Join Now - https://forms.gle/84xALqEVAZ2BnLpF8

Photos from Somaliland Medical Association - SLMA's post 15/08/2026

Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) ayaa magaalada Gabiley ku qabtay tababar ku saabsan maaraynta iyo la tacaalidda dhaawacyada ka dhasha shilalka.

Tababarkan waxaa bixinayay Dr. Khalid Sh. Abdilahi, oo ah dhakhtar takhasus sare ku haysta maaraynta iyo la tacaalidda dhaawacyada ka dhasha shilalka.

Tababarku waxa uu diiradda saarayay sidii xirfadlayaasha caafimaadku u xoojin lahaayeen aqoontooda iyo xirfadahooda ku aaddan qiimaynta, maaraynta iyo daryeelka bukaannada qaba dhaawacyada ka dhasha shilalka, gaar ahaan xaaladaha u baahan gurmadka degdegga ah.

Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqayaa Cusbitaalka Gobolka Gabiley oo qayb laxaad leh ka qaatay qabsoomidda tababarkan, gaar ahaan Agaasime Dr. Isxaaq iyo Dr. Xuseen.

Sidoo kale, SLMA waxa uu mahadnaqayaa Dr. Cabdirashiid Ismaaciil, Agaasimaha Cusbitaalka TB-da Gabiley, taageerada iyo wada shaqaynta uu ka geystay hirgelinta tababarkan.

SLMA waxa uu sii wadi doonaa dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha xirfadlayaasha caafimaadka, si kor loogu qaado tayada daryeelka caafimaadka iyo badbaadinta nolosha bukaannada.

15/08/2026

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’:

Annaga oo tixraacayna qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Hayโ€™adda Dhowrista Tayada JSL, waxaannu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland uga digaynaa isticmaalka daawooyinkan:

๐Ÿ. ๐˜๐„๐๐ˆ๐๐‘๐Ž๐…๐„๐ โ€“ ๐ˆ๐›๐ฎ๐ฉ๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ง ๐Ÿ’๐ŸŽ๐ŸŽ๐ฆ๐  ๐“๐š๐›๐ฅ๐ž๐ญ
๐Ÿ. ๐˜๐„๐๐ˆ๐—๐ˆ๐”๐Œ๐„ โ€“ ๐„๐ฌ๐จ๐ฆ๐ž๐ฉ๐ซ๐š๐ณ๐จ๐ฅ๐ž ๐Ÿ’๐ŸŽ๐ฆ๐  ๐“๐š๐›๐ฅ๐ž๐ญ '

Kuwaas oo ay Hayโ€™addu sheegtay in aanay soo marin habraacyada sharciyeed ee hubinta tayada iyo bedqabka dawooyinka dalka.

Sidaa awgeed, Ururka Dhakhaatiirta Somaliland - SLMA waxa uu bulshada ku wargelinayaa inay ka fogaadaan isticmaalka dawooyinkaas.

Sidoo kale, waxaannu dhakhaatiirta iyo guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadka ku adkaynaynaa in brands-kan loo qorin bukaannada, isla markaana laga ilaaliyo isticmaalkeeda dhammaan xarumaha caafimaadka.

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’: ๐‰๐Ž๐Ž๐‰๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐€๐€๐–๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐€๐˜ ๐’๐Ž๐Ž ๐’๐€๐€๐‘๐“๐Ž ๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐˜๐„๐๐ˆ๐’๐Ž๐Œ

๐’๐š๐›๐ญ๐ข, ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, Hayโ€™adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland (SQCC), iyada oo adeegsanaysa Xeerka Hayโ€™adda Dhawrista Tayada JSL, ๐—๐ž๐ž๐ซ ๐‹๐ซ: ๐Ÿ”๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’, ๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ•๐š๐š๐, ๐Ÿ๐š๐ซ๐ช๐š๐๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Ÿ“๐š๐š๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐Ÿ๐š๐š๐, ๐Ÿ๐š๐ซ๐ช๐š๐๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Ÿ๐š๐š๐, sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta badqabka caafimaad ee bulshada iyo hubinta tayada dawooyinka, waxay gebi ahaanba joojisay iibinta, qaybinta, soo dejinta iyo isticmaalka dawooyinka ay soo saarto shirkadda ๐˜๐„๐๐ˆ๐’๐Ž๐Œ, si gaar kuwan hoose ku xusan iyo kuwa kaleba:

๐Ÿ. ๐˜๐„๐๐ˆ๐๐‘๐Ž๐…๐„๐ โ€“ ๐ˆ๐›๐ฎ๐ฉ๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ง ๐Ÿ’๐ŸŽ๐ŸŽ๐ฆ๐  ๐“๐š๐›๐ฅ๐ž๐ญ
๐Ÿ. ๐˜๐„๐๐ˆ๐—๐ˆ๐”๐Œ๐„ โ€“ ๐„๐ฌ๐จ๐ฆ๐ž๐ฉ๐ซ๐š๐ณ๐จ๐ฅ๐ž ๐Ÿ’๐ŸŽ๐ฆ๐  ๐“๐š๐›๐ฅ๐ž๐ญ '

๐’๐€๐๐€๐๐“๐€ ๐‹๐Ž๐Ž ๐‰๐Ž๐Ž๐‰๐ˆ๐˜๐„๐˜ ๐ƒ๐€๐€๐–๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€๐:

Dawooyinkani in aanay soo marin habraacyada sharciyeed ee hubinta tayada iyo bedqabka dawooyinka ee u yaalla Hayโ€™adda Dhawrista Tayada JSL.

Hayโ€™addu waxay ku amraysaa dhammaan farmasiyada, xarumaha caafimaadka, ganacsatada iyo qaybiyeyaasha dawooyinka in dawooyinka shirkaddaasi ay soo saarto aan laga oggolayn dalka, lana joojiyey illaa amar danbe.

Sidoo kale, bulshada waxaa lagu wargelinayaa in aanay iibsan, ama isticmaalin dawooyinkan, haddii ay suuqa ku arkaan iyada oo si qarsoodi ah loo iibinayana ay si degdeg ah ula soo xidhiidhaan Hayโ€™adda Dhawrista Tayada JSL, iyaga oo adeegsanaya number-ka gaaban ee ๐Ÿ—๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ—, ama Lambarka dheer ee: ๐Ÿ“๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ•๐Ÿ๐Ÿ—.

Muwaaddin, fadlan la shaqee Hayโ€™adda Dhawrista Tayada JSL, si innaga oo wadajir ah aan u ilaalinno badqabka caafimaad ee bulshadeenna.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ-๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š, ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฐ๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐“๐š๐ฒ๐š๐๐š ๐‰๐’๐‹.

15/08/2026

Fadlan ha ka faaidaystaan Xirfadlayaasha caafimaadku.

๐Ÿฉบ SLMA WEBINAR

NEW LABOUR CARE GUIDE
Updated guidance for quality and respectful maternity care

๐Ÿ‘จโ€โš•๏ธ Speaker: Dr. Abdimajid Mohamed
MD, Obstetrics & Gynaecology Resident
Saint Paul Hospital Medical College

๐Ÿ“… Date: Saturday, 15 August 2026
๐Ÿ•˜ Time: 9:00 PM
๐Ÿ’ป Platform: Google Meet

If you are ready to join us, please register your details using the registration form below.

https://forms.gle/9M9s21dS5JUBpntcA

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Shacab Mall Building 26 June District Hargeisa
Hargeisa
252