Dr Ibrahim Haibe

Dr Ibrahim Haibe

Share

health & Willness

Photos from Dr Ibrahim Haibe's post 03/01/2026

Waa maxay shock?



Shock : waa xaalad dhiig wareega hoos uridda amajoojisa waxaana kadhasha in xubintii dhiigweeyso iyo oxygen taas oo xubinta hoowlgab ka dhigta.

Waxaa jira afar nuuc oo shock ah:
l . Hypovolemic shock
2. Distributive shock
3. Cardiogenic shock
4. Obstractive shock

• Hypovolemic shock: shooga nuucaan waxa uu ka dhashaa dhiig baxa daran, shubanka iyo matagga daran, iyo gubashada daran.

• Distributive shock: waa xaalad eey yaraaneeyso amaba eeynan xididdadu geeyneey xubnaha dhiig ku filan.

• Cardiogenic shock: shooga nuucaan ah waa mid uusan wadnahaagu bambeeyneeyn dhiig kufilan jirka waxa uuna badanaa kuyimaadaa dadka ka xanuunsan wadnaha.

• Obstractive shock: shooga nuucaan ah waxa uu dhashaa marka eey xirmaan xididada waaweeyn ee dhiiga ama irdaha wadnaha.

(Causes of Shock):-

Wax yaabaha shooga keeni kara waxaa kamid ah:

1. Marka qofku dhiig baxo oo loo yaqaano
(Heamorrhage)
2. Gubasho oo loo yaqaan (Burns)
3. lafjabtay oo loo yaqaan ( Fracture)
4. Fuuq bax oo loo yaqaan (Dehydration)
5. Shil galid (Accident)
6. Sumoobid (Poisoning)
7. Xajiin (Allergic reaction)
8. Jugta (trauma)

and Symtoms of Shock

Shooga waxaa ka mid ah:

1.Qofka shoogsan waxaad moodaa in uu hurdayo ama uu miir la'yahay
2- Jirka qoow noqda
3- Jirka oo doorsooma (pale)
4- Wadna garaac (rapid pulse)
5- Neeftuur (rapid breathing)
6- Lalabo iyo matag (nausea and vomiting)
7- Tabardarri iyo daal (weakness and fatigue)
8- Dawaqid (Dizziness)

Shooga (Shock Management):-

1.Qofka shoogsan wa in la jiifiyaa qaarkiisa dambena lag sara mariyaa Qaarkiisa h**e

2- Qofka shoogsan Waa in la dadaa laguna dadaa waxyaabaha ad adag sida bustaha iwm.
3- Hadii qofka miir la'yahay waa in 100 seexiyaa (Ihaban dhaban si uusan candhuuftiisa ugu margan hana siin cuno iyo cabitaan midna

4- Hadii qofku dhiig baxayo jooji dhiiga baxaaya 5- Fiisito guud u samee qofka shoogsan.

6- Haddii uu xanuunjiro cirbad xanuun joojin sii (diclofen) 7- Haddii qandho jirto cirbad qandho jabin sii.

8- Waa in qofka lagu xiraa oxygen ama vintolator.

9- Waa in qofka lagu xiraa faleenbooyin (fluid therapy)

17/03/2024

Ka dib Markii Ehlu Naarku galaan Naarta ,
Ehlu Jannahana galo jannada.

Waxaa loo yeerayaa Nebi muhammed csw.
Waxaa la Oranayaa Ma raalli noqotay Muhammadow . csw ?

Waxuu dhahayaa Ma raali noqonayo
ayadoo hal qof Oo ka mid ah Umadeydaa naar ku jirto

Allaah ayaa Malaa`igta ku amraya ka soo saara naarta qofkasta Oo qalbigiisa ku jiro dhuuracaso wax ka yar Oo iimaan ah.

Albaabadii jahanama ayaa la furayaa waxaa laga soo saarayaa koox ka mid ah muslimiinta cusaada ah waxaana loo wadayaa jannada.

Markaas ayaa lagu Oranayaa
Muhammadow "NNKH"ma raali noqotay hadda.?
Waxa uu leeyahay ma raali noqonayo rabiyow ilaa hal qof Oo ka mid ah Umadeyda naarta ku jirto.

Allaah ayaa hadana mala'igtiisa ku amray ` ka soo saara Naarta qof kasta Oo hal maalin indhihiisu la ilmeysay cabsi aniga iga cabsanaa darteed.😢

Waxaa la Oranyaa markaan maraali noqotay Muhammadow NNKH ?
Waxa uu dhahayaa ma raali noqonayo rabiyow, inta weli qof Umadeyda ka mid ah Naarta ku jirto.

Allaah ayaa Ugu danbeeyn malaa,igta amraya in dhamaan laga soo saaro qof kasta Oo inta Uu aduunka joogay yiri لااله الله محمدرسول الله

7 todobada albaab ee Naarta ayaa la furayaa waxaa laga soo saarayaa qofkasta Oo muslim ahaa Oo ku dhawaaqay kalimada towxiidka.

Catar miski ah ayaa loo marinayaa waxaa arkay Ehlu jannihii Waxeey Umaleey doonaan in ay yihiin kuwii kale ee ehlu jannahaa ee ka sareeyay. Nuurka iyo quruxda ka muuqda darteed.

Xaaladaas Marka La joogo

( ربما يود الذين كفروا لو
كانو مسلمين.)
Kuwa gaalada ah maalintaas waxeey jaclaan lahaayeen alla maxaa muslimiin u ahaan waaynay.

Waa Iga Codsi ` ma aha Amar`
Markaad dhameeyso aqriska

❤️❤️Nabiga ku wada Saliya scw scw scw❤️❤️

07/01/2024

KUSOODHAWAADA GOIJACADDE MEDICAL CENTER WAXUU KUYAALAA KASOO HORJEEDKA CILAAJKA SHHEKH AADAN WALI AMA MASJIDUL HUDDA DHINACA QORAX UDHACA WAXAA KUUGU DIYAARA DHAKHR DHIBRAD LEH DAAWO TAYO LEH ADEEG HUFAN SIDOO KLEH WXAA KUGU DIYAARA COMPUTERKA UUR KU JIRTA WELCOME GOOJACADEH MEDiCAL CENTER

Photos from Dr Ibrahim Haibe's post 06/01/2024

Hambalyo Kal iyo Laab ah Ayaan Hawda u Marinayaa walaashay Xamdi Axmed Salaax, iyo Saygeeda Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Ilahay haddiin ka yeello Reerkii isku Nasta oo isku Nagaada, Ummadduna ku soo hiirato
"Ilahay ubad khayre ha idiin siinyo"

Aamin aamin aamin

11/11/2023

Qandhada Dengue waa xanuun ay keento kaneecada sida fayraska dengue. Fayrasku waxa uu bini’aadamka ugu gudbiyaa qaniinyada kaneecada loo yaqaano (Aedes) ee cudurka qabta, taas oo caadi ahaan dadka qaniinta xilliga maalintii.

Qandhada Dengue waa dhibaato caafimaad oo bulsho oo weyn meelo badan oo adduunka ahna ka jirta, oo ay kamid yihiin Koonfur-bari Aasiya, Afrika, iyo Kariibiyaanka.

Qandhada Dengue badanaa waa jirro fudud, laakiin mararka qaarkood waxay noqon kartaa mid daran ama xitaa dhimasho. Calaamadaha qandhada dengue waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun iyo kalagoysyo xanuun, iyo finan.
Xaaladaha daran ee qandhada dengue waxay keeni kartaa dhiig-bax, shoog, iyo hawlgabka xubnaha.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay qandhada dengue. Si kastaba ha ahaatee, inta badan dadka qaba qandhada dengue waxay ka soo kabtaan si iskood ah toddobaad ama laba toddobaad gudahood. Xaaladaha daran, isbitaal ayaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto si loo maareeyo calaamadaha iyo dhibaatooyinka cudurka.

Sida ugu fiican ee looga hortagi karo xumadda dengue waa in laga fogaado qaniinyada kaneecada. Tan waxaa lagu samayn karaa iyadoo la isticmaalo dawooyinka cayayaanka, xidhashada dhar gacmo-dheer, iyo seexashada maro kaneecada hoosteeda. Waxa kale oo muhiim ah in la nadiifiyo wixii biyo ah ee taagan agagaarka gurigaaga, sababtoo ah tani waxay noqon kartaa dhul ay ku taranto kaneecada.

07/11/2023

Digniin: Xumada Dengue Fever magalada dad badan ayaa u jiifa , Hadii aad isku aragto calaamadahan Fadlan booqo xarunta caafimaad ee kuugu dhow.

Calaamadaha Guud
1-xummad/Qandho daran oo gaadha ila 40 digrii madax xanuun
2- kaar iyo xanuun muruqyada ah ,
3-Lafaha iyo xaglaha kaara xanuuna
4-yalaalugo ( lalabo ) iyo matag,
5- indhaha xaga danbe gudaha ka xanuuna
6- qanjaha oo barara xanuuna yeesha

Khatarta ugu weyn ee xanuunkani waa in uu si degdeg ah oo aan la sii saadaalin karin u xumaan karo, illaa heer uu gaadho in uu nolosha qofka galaafto, calamadaha aad ku garan karto xaaladan ayaa ah
1-Calool xanuun daran iyo damqasho
2-matag joogto ah iyo dhiig soo raaca mataga
3- sanka oo dhiiga, ama ciridka
4-dhiig soo raaca kaadida, saxarada ,
5-Neefsiga oo qofka ku adkaada
6- Neefta oo uu boobsiiyo (Neeftuur)
7- Daal iyo burbur jidhka oo dhan ah.

14/09/2023

Inaa lilaaah wa ina ilayhi raajucuun eebe weyne haw naxariisto, janooyinkiisana haku casuumo, kitaabkiisana gacanta midig eebe haka siiyo Walal Jaamac Nuur ooxaqii u yimi.😭🤲

31/12/2022

“Ciidamada somaliland degdeg ha uga baxaan Laascaanood “ Garaad jaamac garaad ismacil.

31/12/2022

Is casilaad!

Asc walal magacayga waa abdilahi yusuf hasan anigoo ah isuduwaha gaadiidka gobolka cayn ayaa maanta gabi ahaanba iska casilay xilkaa u hayay maamulka SNM

Anoo la dareena shacabkayga farintaa iga gaadhsi walaalahy tolkay reer lascanood🙏🏻

31/12/2022

Waa la helay dhiigii eebbe khayr ha ugu badalo c/risaaq xassan bukaankiina xaaladdiisu waa degantahay.
Cusbitaalada taga oo dhiigaga ay adagtahay heliddoodu shuba Sida dhiiga B-

31/12/2022

Waxaan ka digaynaa cisbitaalada dhaawaca lagacta ku xidhaya ama dadka dhiiga shubaya lacagta waydiinaya.

Fadlan soo gudbiya cisbitaalada dadka lacagta waydiiya.

Category

Website

Address


Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ibrahim Haibe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Laascaanood.