Gudoomiyaha Guud Midowga Dhalinyarada Ree Shabelle

Gudoomiyaha Guud Midowga Dhalinyarada Ree Shabelle

Share

Biyo Sacabadaada looga dhergaa

12/03/2026

Kulan Bogaadin Mudan Mahadcelin Agaasime Ayaan

18/06/2025

Fariin Muhiim ah oo Ku Socota Dhamaan Beelaha Jareerweyne ee Gobolka Banaadir

Ujeeddo: Ka Qaybgalka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Dhamaan beelaha Jareerweyne ee ku nool 20-ka degmo ee Gobolka Banaadir waxaa lagula dardaarmayaa in ay si buuxda u gacanta ku dhigaan kaarka diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay u xaqiijiyaan ka-qaybgalkooda doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan gobolka.

Diiwaangelintu waa mid ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, waana fursad muhiim u ah bulshada Jareerweyne in ay:

Doorkooda ku yeeshaan hoggaanka deegaanka

Ilaashadaan metelaaddooda siyaasadeed

Ka hortagaan in laga faaiideysto codkooda

Xoojiyaan midnimadooda iyo codkooda siyaasadeed

Waxaan ku boorrineynaa:

In qof walba oo qaan gaar ah uu qaato kaarka diiwaangelinta

In la isku xasuusiyo, lana dhiirrigeliyo dadka deegaanka

In laga feejignaado marin-habaabinta iyo dib u dhaca

Beelaha Jareerweyne waa in aysan ka harin safka h**e ee horumarka iyo matalaadda!

Gudoomiyaha Guud Midowga Dhalinyarada

Photos from Gudoomiyaha Guud Midowga Dhalinyarada Ree Shabelle 's post 10/01/2025

Warsaxafadeedka

Midowga Dhalinyarada Beelaha Reer Shabeelle ayaa ku baaqay in la mideeyo dadaallada dhalinyarada si loo gaaro horumar bulsho iyo mid siyaasadeed. Waxaa lagu adkeeyay muhiimadda wadajirka, is-aaminaadda, iyo ka shaqaynta danaha guud ee bulshada.

11/10/2024

Ogaysiis. Ogaysiis. Ogaysiis
Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan bulsha weynta degan degmooyinka Dharkenley iyo wadajir gaar ahaan xaafadaha kaawa Godey iyo nawaaxigeeda in dhowaan laga Furay. Degmada Dharkenley

Madrasada xifdinta Qur aanka kariimka iyo waxbarashada Aas-aasiga ee Godey
مدرسه جدي لتحفيظ القرآن الكريم با لتجويد و التعليم المو ا د ألا سا سية.
Dugsiga waxaa kugu diyaar ah barayaal u diyaarsan dhisida iyo xifdisinta Qur aanka ubadka iyo dadka waaween iyadoo canugaaga uu kubaran doono mudo 2 sano ilaa 3-sano Alle idinkiis.

Anagoo isugu biirin doono Dadaal iyo kawarqab mudada uu waxbarashada kujiro.

F.G: Dugsiga waxa uu mudnaan siin doonaa iyo qiimo ay kuraali noqdaan waxkubari doona waalidiinta ubadkooda keensada waqtigaan bilowga ah.

Dugsiga waxa uu kuyaalaa meel u dhow Isgoyska Dhagaxa Turkiga ama maqaaxi da Walaalaha

Wixii faafaahin ah kala xiriir Maamulaha xarunta
Tell Nambar : 618447734/ 611163806.

28/09/2024

Maxamed Yusuf Sadiiq oo ka.Mid ah Siyaasiyiinta Beeraha Reer Shabeelle,

Ayaa saxiixay Buuga Tacsida Suldaan Amiir Cilmi Ibraahim,

22/08/2024

Yaa Beesha Shanaad ah, yaana ku faaiido qabo?!

Golaha Shacabka BJFS VS Beesha Shaneed

Jareerweyne

1. Shiidlo 2 kursi
2. Reer shabeelle 1 kursi
3. Makane 1 kursi
4. Shambare 1 kursi
5. Mushunguli 1 kursi
6. Hintire 1 kursi

Banaadiri

1. Shaanshi 1 kursi
2. Bandhawow 1 kursi
3. Qalamshube 1 kursi
4. Camuudi/ ASharaaf 1 kursi
5. Reer Fiqi 1 kursi

Kulmis

1. Ajuuraan 2 kursi
2. Carab saalax 3 kursi
3. Carab Somali 1 kursi
4. Garjante 1 kursi
5. Barawaan 1 kursi
6. Baajuun 1 kursi
7. Reer Ow Xasan 2 Kursi

Ruutis

1. Tumaal 1 kursi
2. Madhibaan 2 kursi
3. Yaxer 2 kursi
4. Muusedhariyo 1 kursi
5. Yibir 1 kursi

Ma ogtahay in Beesha Shaneed ku faaiido qabto hal beel oo kaliya.

Beelaha Jareerweyne waxa ay ka mid yihiin kuwa dadka ugu Badan Soomaalida Deegaan ahaan iyo tiro ahaan waana kuwa maanta magaca Beesha Shaneed aan wax faaido ah ku heysanin.

Sida caadiga ah jagooyinka Dowlada waa qori isku dhiib marka la fiiri 4.5 ahaan marka beela jago laga qaado jago Jago kale ayaa loo dhiibaa Beelaha Jareerweyne jagooyinka waa laga qadaa jago kalana looguma badalo;

Liiska hoose ka daalaco kuraasta laga qaaday oo aan badalkeeda wali loo soo celinin:

1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Cadaalada iyo Dastuurka.

2. Agaasime Guud ee Wasaarada shaqada iyo shaqaalalaha.

3. Agaasime Waxaad ka mid ah Wasaarradda Gaashaandhiga

4. Agaasjme waaxeed ka mid Wasaarradda Maaliyadda

5. Agaasime waxaad ka mid ah Wasaarradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha.

6. Agaasime waxaad ka mid ah Wasaarradda Arrimaha Dibada.

7. Hantidhowraha Qaranka

8. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS.

9. Gudoomiyaha Degmada Xamarjabjab

10. Gudoomiyaha Degmada Boondheere

11. Taliyaaal ka mid ah Ciidanka Xoogga Dallka (Booliiska, Asluubta, Mitiriga iyo Nabad sugida).

12. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan

13. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Liibiya.

14. Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xuduudaha JFS.

16. Xogahaya Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka.

17. Xogahaya Joogtada ee Xafiiska Reysalwsaaraha Dalka.

18. Xogaha gaarka ah Madaxweyanaha Qeybta Diiwaanka.

19. Xubin ka ah Maxkamada sare Dalka

20. Agaasimaha waxeed ka mid ah Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

21. Agaasimaha Waaxda xiriirka Dowlada Gobaleedyada ee Wasaarradda Warfaafinta.

21. Agaasimaha Waxeed ka mid ah Talafashinka Qaranka.

22. Agaasimaha Waaxda Dalxiiska.

23. Agaasimaha waaxda Maaliyada barlamanka.

24. Xogahaya Joogta Gudoomiye 1aad Ee Golaha Shacabka BJFS.

25. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka 11 .

26. Second secretey of Sudan Embassy.

27. U qeybsanaha Waxbarashada Sacuudiga

28. Xog. Degmada Boondheere

29. Madaxa Canshuuraha Dekedda

30. Gudiyada maadaxa banaan ee xuduudaha
Iyo kan dib u hashiisiinta.

Maanta Jareerweyne mataad kuma heystaan Dowlada, Xildhibaanoodana lama dhageysto, xitaa Madaxweyanaha ma qaabilo, hadii uu qaabialana Codkooda lama dhageysto.

Jagooyinka Beesha Shaneed yaa ku faaiidey waxaan halkaan idinku soo gudbin doonaa jagooyinka iyo Mashaariicda Beesha Shaneed sida ay aheyd iyo dadka heysto.

Fadlan share garey si meel fog u gaarto xogtaan.

Villa Somalia
OPM Somalia

21/08/2024

🎓 Hambalyo

Waxaan Halkan Hambalyo Qalin Jabin jamacadeed Ugu Dirayaa Saaxib, Walalkey Cabdiwaasac Cabdiqaadir Shutaale
(Bachelor Degree of information technology) usoo idlaatay.

Ugu danbeyn Guushaada Qeyb kamid ah waad gaartay Saaxib Sare waxaana Kuu Rajeenaa Mustaqbal wanaagsan🎓🎓🎓💯✔️.

Hambalyo Markale🎓🎓🎓🎓🎓 Hambalyo

11/08/2024

"Waxaa jiray xildhibaan aan weligii ka hadlin Baarlamanka balse maalin farta taagtay, waa la yaabay oo la dhahay; maanta wax weyn ayaa jira, balse wuxuu farta u taagtay in uu rabo SUULI ....Siyaasaddu waa mowqif ee dad fagaarayaasha ka muuqda soo dirsada." - Xildhibaan Odowaa, Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ku metela maka muuqdaa fagaarayaasha siyaadadda? MAYA WALEE aniga Ai Qaas Ah ayuu Taabtay Allow Matalaad Dhab Ah Nasii

01/08/2024
27/07/2024

I am happy to announce my leadership position as the country coordinator for Somalia AHDPO-African Humanitarian Development Peace Organization
We go forth and set the world on fire.

Looking forward to connect, network and collaborate as we venture into the vision and mission for the betterment of humanity. 😊😊😊

21/07/2024

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMALIYA

Urur Siyaasadeedka Samo

WAR- SAXAAFADEED

Taariikh: 20/7/2024

1). Urur Siyaasadeedka Samo waxa uu walaac ka muujinayaa Xadgudubyada Xuquuqaadka siyaasiga ah ee Maalinba maalinta ka dambeyso lagu sii dhacaayo ee ku wajahan Xuquuqda Beelaha Jareer weyne waxaana uu dalbanayaa in laga digtoonaado sii socoshada dulmigaas oo dhalin kara Kacdoon bulsho.

2). Urur Siyaasadeedka Samo waxa uu Madaxda DFS ugu baaqayaa in Xildhibaanka Jareer weyne uga soo aadaya Sagaalka Xildhibaan ee Bariga Afrika aan la duudsiin Jareer weyne loona weecinin Meel uusan Mudneyn.

3). Urur Siyaasadeedka Samo waxa uu Madaxweynaha iyo Sedexda Gole ee Dalka ugu baaqayaa in Xubinta Reysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Dalka lasiiyo Beelaha Qowmiyada Jareer Weyne Maadaama Sagaalka Xubnood ee Dalka ugu sareysa uusan ku jirin Qof kasoo Jeeda Beelaha Jareerweyne loona qeybdaday :-

a). Madaxweyne (Hawiye)

b). Reysal Wasaare (Daarood)

c). Reysal Wasare Kuxigeen (Dir)

d). Gudoomiye Baarlamaan (Digil & Mirifle)

e). Gudoomiye Kuxigeen Baarlamaan 1aad (Dir)

f). Gudoomiye Kuxigeen Baarlaman 2aad beesha shanaad Carab Saalax/jaleec)

i). Gudoomiye Aqal Sare (Dir)

j). Gudoomiye Kuxigeen Aqal sare (Hawiye)

k). Gudoomiye kuxigeen 2aad Aqal sare (Daarod}

Hadaba Urur Siyaasadeedka Samo oo ka duulaayo in Sagaalkaas xubnood ay wada yihiin Beelaha Jileec weyne waxa uu Codsanayaa in Xubinta Reysal Wasaare Kuxigeenka 2aad loo daayo Beelaha Jareerweyne taas oo ka dhigeysa in wax xuquuuq u eg ay ka heleen Tobanka xubnood ee ugu sareeya Sedexda Gole ee Dalka.

4). Urur Siyaasadeedka Samo waxa uu Siyaasiyiinta Beelaha Jareerweyne ugu baaqayaa iney si wadajir ah ugu istaagaan Xuquuqda Siyaasiga ah ee Beelaha Jareerweyne ka maqan kuwaasi oo ay ka mid yihiin:-

a) Safiirada Dibada oo aanan Waxba ku laheyn.

b) Sagaalka Xubnood ee Ugu sareysa Dalka oo aanan waxba ku laheyn.

c) Maamulka Gobolka Banaadir oo aanan waxba ku laheyn.

d) Taliyeyaasha Ciidamada kala Duwan oo aanan waxba ku laheyn iyo dhamaan Xuquuqaadka Asaasiga ah oo ay helaan Muwaadiniinta dhigeena ah ee Soomaaliyeed.

e). Guddoomiyayaasha guddiyada ama hay'adaha dawladda.

f). Agaasimayaasha guud/Xoghayayaasha Joogtada ee wasaradaha ama hay'adaha dawladda.

5). Urur Siyaasadeedka Samo Waxa uu Beesha Caalamka iyo Hey'adaha Taageero Soomaaliya ku wargalinayaa in Dowlada Soomaaliya ay ku tagri faleyso Xuquuqaadka Siyaasiga ah ee Beelaha Reer Jareer weyne waxana uu ugu baaqayaa iney soo faragaliso si looga baaqsado Kacdoono iyo dhibaatooyiin sokeeye oo markale dalka ka dhaca.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu
252