Sahra Kayf Cali
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Sahra Kayf Cali, Health/Beauty, Mogadishu.
Muhiimada ay caruurta u leedahay naasnuujintu
Dhismaha bulsho caafimaad qabta waxay ku xiran tahay in lahelo caruur caafimaad qabta maskax ahaan iyo jir ahaan intaba
1. Faaiidooyinka ay naasnuujintu u leedahay hooyada
Marka h**e Allah swt ayaa ina nafaray inan laba sano oo buuxda nuujino caruurta
Sidoo kale faaiidooyinka ay naasnuujintu u leedahay hooyada
Hooyada ilmeheeda nuujisaa caanaha naaska waxa ay sii daysaa hormonka loo yaqaan oxytocin kaas oo yareeya stress ka iyo dhiig karka ka yimaada xanaaqa
Marka kasta oo hooyada iyo ilmaha uu dhexmaro xiriir taabasho waxay hooyadu siidaysaa hormon ka oxytocin oo loo yaqaan hormonka jacaylka waana sababta ay hooyada nuujisaa ilmaheeda ay xor uga tahay stress ka
Sidoo kale hooyada ilmeheeda nuujisa caanaha dhalada ayaa la ogaaday inaysan lahayn dabeecadaha abuura xiriirka dhow ee hooyadu laleedahay ilmeheeda sida u heesida,qabaynta, cunto siinta gaarga ah iyo ka fakirista ilmaha yar
Sida uu sheegay Dr.Heather kelly oo ka tirsan guddiga calamiga ah ee tala bixinta naasnuujinta ayaa yiri naasnuujintu waxay sababtaa in jirka hooyadu soo daayo hormonka caanaha ee prolactin oo lagu yaqaan in uu dib u dhigo caada helida dumarka madaama uu meesha ka saarayo hormonada kale ah oestrogen iyo progesterone
waana hab rabaani ah/dabiici ah oo dib loogu dhigo uur qaadista ama qorshaynta qoyska doonaya in aysan si kadis ah uur ku qaadin
Dumarka qaarkood ayaa ku dooda nuujinta badani wax yeeleynayso quruxdooda sida naasaha oo dabca lagana yaabo inay taasi dhinto jacaylka kala dhexeeya ninkeeda balse aragtidaani ma ahan mid ku dhisan aqoon iyo baaris la sameeyey toona.
Sida saxda ah naasnuujintu waxay kordhisaa jacaylka ka dhexeeya lamaanaha iyo ilmaha yar
2. Faaiidooyinka ay caanaha naasku u leeyihiin caruurta
daraasad lagu sameeyey dalka maraykanka ayaa sheegaysa in ilmaha la nuujiyo caanaha dhalada ay 14 jeer ka xanuun badan yihiin caruurta la nuujiyey caanaha naaska
Sidoo kale sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen machadka dhaqandhaqaale ee Britain caruurta sifiican loo nuujiyey caanaha naaska in ay garashada(cognitive ability) sida fikrad keenida, qorshaynta, iyo qiil bixinta kaga sareeya caruurta kale ee dhigooda ah ee aan la nuujin naaska
2007 ayey jaamacada Bristol ee ingiriska daahfurtay cilmi baaris lagu ogaaday in caruurta la nuujiyey caanaha naaska ay inta badan ka dhex muuqdaan darajooyinka bulshada sida (social ledders)
Caanaha naasku waxa ay kordhiyaan maskaxda,caafimaadka dhismaha iyo quruxda jirka iyo caliga shaqsiga
Mahadsanidiin mudanayaal iyo marwooyin
isma dhaafno🙏🙏
19/07/2022
Asc
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu