Heegan Online Market
higsiga Muwaadinka
Tani ma aha dhayal ee adiguba hubi ogow waliba noloshaada oo dhan kuma xirna waxaadse heli kartaa dhamaan bogagii aad booqatay
Duni ay tecnologyadu hogaamineyso cajiib!!!
XIGASHO DHULBEEG AXMED
Magacyada Roobka
============
118 Magac oo roobku keligii leeyahay Af Soomaaliga mooyee Afkale ma leh, aabbaha Afafka aadanaha weeye.
Bal eeg;
Noocyada daruurta roobka:
1 Daruur
2 Heego
3 Hogol
4 Hanjalis
5 Waqal
6 Fad
7 Guulaamo
8 Marso
9 Biyo la roor
10 Jarar
11 Sagal
12 Yaare
13 Yal
14 Caad
15 Ceeryaan
16 Cirtoob
17 Wayle
18 Kaydaf
19 Cadar Xagaa
20 Garab
21 Gaadh
Jaadadka Roobka
22 Mahiigaan
23 Miiraale
24 Mayey (aroor)
25 Moodaale (galab)
26 Gadiidaale (duhur)
27 Mayrac (fiid)
28 Mir (saqdhexe)
29 Jir (habeen)
30 Jirdagooye
31 Jigaanjig
32 Gudgude
33 Garamme
34 Geeldooje
35 Dhool
36 Dhaan negeeye
37 Dhibic
38 Johorad
Noocyada roobku uu u da'o
39 Hoorrimaad
40 Mijo haadle
41 Caaro hoor
42 Burur
43 Daadmaris
44 Biyodhig
45 Qoordadab
46 Tumay
47 Tiix
48 Gebedh
49 Ururufo
50 Cadcadays
51 Joojoojis
52 Hubuc
53 Hugunbaadh
54 Helimaas
55 Hayeys
56 Habqam
57 Bushuq
58 Circadaadi
59 Dhalaal
60 Waraab
61 Candho qoys
62 Afqoys
63 Duulduul
64 Qabqable
65 Yaare
66 Yuurur
67 Nayle hafiye
68 Nayle jaliye
69 Heega dhac
70 Jidhaameeye
71 Amaaguur
72 Jartaale
73 Deyrooti
74 Hibitiq
75 habis
76 Gabaabe
78 Bululuqle/Gululucle
Noocyada Roobka
79 Xays
80 Todob
81 wajiine
82 Diraac
83 Deyr Gudban
84 Deyr Halalood
85 Deyr Habis
86 Karan
87 Samalaho
89 Seyr (sadexda bilood ee guga seyr ma weydo oo gugu curto , bisha dirir iyo bisha cawl)
Noocyada onkadka roobka
90 Hanqadh
91 Riigaan
92 Gariir
93 Reen
94 Gugugucle
95 Qowqowle
96 Nownowle
97 Jignigle
98 Jawjawle
Noocyada hilaaca roobka
99 Galalacle
100 Galacle
101 Halalacle
102 Bililigle
103 Biligle
104 Walalacle
105 Milikhsade
106 Kaah
Noocyada dabaylaha roobka
107 Foore
108 Ufo
109 Dabayl
110 Duufaan
111 Calaydh
112 Geydh
113 Gufaaco
114 Qayood
115 Qajajo
116 Saxansaxo
117 Galangal
118 Walanwal
Adna ku darso
Maaha xog aan soo ururshay ee waan intaan anigu aqoono ama deeggaanka aan ku barbaaray laga adeegsado.
Haddii deeggaanada soomaalida laga soo urursho xogtan waxaan hubaa xaqiidii 500 oo magac inay gaadhayaan magacyada roobku.
Mana jiro adduunka af kale oo af Soomaaliga la tartami karaa dhan kasta ba oo Af-soomaaligu waa aabbihii afafka aadanaha.
Laakiin dadkiisii baa gabay oo ka gabnoobay oo gabloolay oo gamashiyey oo gabaabsiyey oo wuu goblamay Eebbahay ha u gargaaree.
Intaad afkaaga ka aradan tahay cilmigu kuma anfacee aqooni waa dhaqankaaga iyo afkii aad ku ababtaye ma ilaashan doontaa?!
WQ: Dhulbeeg Axmed,
18/08/2022
إنالله وإنا إليه راجعون
Geridu wa xaq wase kala xanun badan tahay.
Maanta waxa naga baxay aabbihi afka -Soomaaliga Aabbihii wax tusaalaynta badnaa abqarigii Hidaha, Dhaqanka iyo Aqoonta ababshihii bulsho toosiyihii Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame Abwaan Hadraawi .runtii waa geeri aan aad uga naxay abwaanka waxu ahaa macalinka dhalinyarada.
Waxana ilaahay uga baryeenna in uu ka yeello marti la jecelyahay eheladiisanna alle samir iyo iimaan ha ka sii alle gadashinna hana fidneen🤲
07/08/2022
Amaano iyo adeeg hufan Heegan ugu kaalay
H E E G A N W A A K U U H E E G A N
Waayo waayo
Labo aabe wada dhalay iyo ubad walaala ah!!!!
Hadhow bay oran doonaan inagaa leh curinteeda
28/07/2022
Mahiigaan kuma Mooga ee haka Maqnaan
08/07/2022
01/05/2022
CIID WANAAGSAN
waxaan dhammaan umadaha Muslimiinta ah guud ahaan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed leenahay ciid wanaagsan ilaah hanaga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aan alle ugu dhawaanaynay aamiin
CIID WANAAGSAN
Duni aad madaxeedii tahay Soomaaliyeey majaheeda hayska dhigin ASALKII DUNIDAAD TAHAY
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Afgoi Road
Mogadishu
00252