Bader primary and secondary school

Bader primary and secondary school

Share

Primary and Secondary

Photos from Bader primary and secondary school's post 04/12/2025
04/12/2025
Photos from Bader primary and secondary school's post 04/12/2025

TARTANKII DUGSIGA BADER

Waxaan maanta si rasmi ah u shaacinaynaa in uu soo idlaaday tartankii u dhexeeyay fasalada Dugsiga Bader, kaas oo lagu tartamayey aqoon, xirfad, iyo karti ardaynimo.

Fasalka 3aad ayaa ku guuleystay tartanka iyadoo ay muujiyeen dadaal, isku-duubni iyo hufnaan heer sare ah.
Hambalyo! Waxaan leenahay hambalyo dhallinyarada fasalka 3aad ee dadaalka muujisay iyo guusha ay sida sharafka leh u keeneen.

Sidoo kale, mahadsanid iyo amaano gaar ah waxaan u diraynaa gudigii tartanka ee si hufan u maamulay, una hubiyay in tartanku u socdo si cadaalad iyo barnaamij wanaag ah. Dadaalkooda iyo howlkarnimadooda ayaa xaqiijiyay in tartanku noqdo mid guuleysta.

Mar kale hambalyo fasalka 3aad, iyo dhammaan ardaydii kale ee ka qayb qaatay. Tartanku wuxuu ahaa mid kor u qaaday isdhexgalka, aqoonta, iyo dhiirigelinta ardayda Dugsiga Bader.

Guul iyo Gobannimo!
Dugsiga Bader – Isku duubni, Aqoonta & Anshaxa

22/11/2025

HAMBALYO MAALINTA MACALINKA SOOMAALIYEED

21/11/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Nofeembar 2025, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan Macalimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada Dugsiga BADER, oo ah haldoorka bulshada iyo hormuudka iftiimiya jiilka soo koraya.

Macalinku waa udub-dhexaadka waxbarashada, waa lafdhabarta horumarka, waa halyayga aan ka daalin kobcinta maskaxda, akhlaaqda iyo garaadka ardayda. Shaqada macalinku waa mid qaran dhisa, bulsho hagaajisa, jiilal isdaba-joog ahna u diyaariya mustaqbal wanaagsan.

Dugsiga BADER waxa uu si gaar ah ugu bogaadinayaa macalimiintiisa:

Dadaalkooda aan daalka lahayn,

Samirkooda,

U heelanaanta ardayda,

Iyo ka qayb qaadashada kobcinta waxbarashada Soomaaliyeed.

Maanta waa maalin xaq u leh in la xuso, la qadariyo, lana dhiirrigeliyo shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan macalimiinteennu. Waxbarashadu waa furaha horumarka, macalinkuna waa kan fura albaabkaas.

Waxaan leenahay:

Macalimiintow waa mahadsan tihiin!

Dadaalkiinnu ha idiin noqdo sadaqo jariyah, jiil walbana ha idinku baro wanaag iyo iftiin.

Photos from Bader primary and secondary school's post 22/11/2025

Hambalyo macalimiinta soomaaliyeed

22/10/2025

Aisha mohamed Ali

22/10/2025

🎓 Hambalyo & Bogaadin Qalin-jabin Fasalka 6aad – 2025 🎉

Maamulka iyo macalimiinta Bader Primary and Secondary School waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda fasalka 6aad ee si sharaf leh ugu qabtay xafladdii qalin-jabinta oo dhacday 20/10/2025.

Xafladdaas waxay ahayd mid qurux badan, si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana aan si fudud lagu ilaawi karin.
Maalintani waa maalin farxad iyo xusuus gaar ah u leh ardayda, waalidiinta, iyo dhammaan bulshada Dugsiga Bader.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo horumar joogto ah, in ay noqdaan iftiinka berri ee ummadda, isla markaana ay sii wataan dadaalkooda tacliimeed si ay u gaaraan heerar sare oo nololeed iyo aqooneed. 📚

Hambalyo Fasalka 6aad ee 2025!
Guushiinu waa guusha Dugsiga Bader. 💙

Waxaa mahad gaar ah leh dhammaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga oo si wadajir ah uga shaqeeyay qurxinta, diyaarinta iyo hufnaanta xafladdaas.

Waxaa farriintan diraya:
Zakaria Hussein Abdi
Maamulaha Dugsiga Bader Primary and Secondary School

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Mogadishu