Miski Consultation health page

Miski Consultation health page

Share

kala soco halkan talo bixin caafimaad

15/05/2025

Fadlan wixii dhibaato caafimaad bulshadena u keeni kara ka digtonada ganacsato adiguna iska hubi weelkaad wax ku shubanaysid

15/01/2025

In hooyadu markay nuujin samaynayso iska eegto qodobadan waa muhiim waxayna ka caawinaysa in ilmaha yar caano ku filan kalaso baxo naaska

01/01/2025

menorrhagia/Dhiig bax siyaada oo gabadhu aragto xiliga caadada

26/12/2024

Part 2: xanuunka ay caadadu gabadhu ku dareento

24/12/2024

Part 1: xanuunka xiliga caadada ay dareento gabadhu .

Waxyabaha lagula taliyo gabadha ka cabanaysa primary dysmenorrhea

1: boorsada biyaha kulul ku shubo isku kubee

2: Jimicsiyo samee sida socod

3: Sanjabiil ama qorfe shaah ka dhigo

4: Dawooyinka aad qaadan karto waxaa ka mida paractamol,diclofine iyo Ibuprofen

19/12/2024

Quudinta ugu haboon ee ilmaha xanuusan ee da,diisu ka yar tahay 6 bilood

16/12/2024

Maxaa sababa in hooyada uurka leh fool aan hayn loo abuuro

19/06/2024

Ka hortaga dhiig yarida hooyada uurka leh

14/01/2024

Dhibaatoyinka hooyada uurka leh ku keeni karo istaraysku:

Waa xaalad caadiya inay hooyadu dareento istarays sababto ah waxaa is badalay qaar ka mida hormonskeda lakiin haduu bato waxay ka dhaxli kartaa

1: Madax xanuun siyaada , Cunta cunisteeda oo hoos u dhacda , Hurda yari , Koritaanka ilmaha calosha ku jira oo hoos u dhaca , Dhiigkar , Ilmahoo kasoo dilma , Inay dhashaan ilmihii oo bilo dhamaysan /Dhicis

Talosiin:

Waxaa caawinaya inay cunto cuntoyinka caafimadka u roon sida Qudaaraha, Caanaha, Malayga/Kaluunka , Hilibka iyo Digiraha

Jimicsi inay samayso fudud oo aan dhib u keenayn ayada iyo ilmahaba

Inay lamanaheeda caawimaad ka hesho si uu uga caawiyo waxyabaha dhibaya ee ku hareeraysan

Digriga , dhagaysiga quraanka iyo salaada inay badsato haday muslimad tahay

Diyaarin Miski

07/07/2023

Af qalooc:

Waa xanuun si lama filaana shaqo gab uga dhigaya wajiga wuxuuna saameeya da,a walba & kuli rag & dumarba

Maxaa sababa?

1: Inta badan lama yaqaan wax sababa magaciisa

2: Jug inay ka gaartay dhagta hoosteeda

3: Infekshin inay qaadeen dhagaha & ilkaha

4: Burooyinka qaar way sababi karaan

Calaamadaha lagu garan karo :

1: Xanuun uu ka dareemo gadaasha danbe dhagta

2: Ma awoodo inuu ilmada ceshto

3 : Inuu awoodi waayo inuu indhaha isku qabto

4: Dareenkii dhadhanka oo hoos u dhaca

5: Calalintii cuntada oo u dhib ku dareemayo

Dawantiisa :

1: In jimicsi & masaajayn loo sameeyo

2: Hadii Infekshin sababay in dawooyinki ku haboona la siiyo

3: La talin inaad u samayso qofka & gubniin loo sameeyo hadii dhaqtarku ku taliyo

70% - 89% dadka xanuunkan ku dhaco way bogsadaan inta u dhaxaysa 2- 12 isbuuc

Miski✍

10/05/2023

Naasnuujinta & kala dheeraynta ilmaha

In hooyadu nuujinta u isticmaasho kala fogaynta ilmaha waa wax aad u wanaagsan faa,idana u leh hooyada & cunuga jirkeedana aan u keenayn wax dhib ah

Waxaa jira 3 shuruudood oo ah inaad la socoto 2 hadii la helo mida lawaayo laguma kalsoonaan karo naas nuujinta kaligeed inaad ilmaha ku kala fogaysid ayna tahay markaa inaad isticmaasho hababka kale ee kala fogaynta ilmaha

Shuruudaha : 1: Hadii 6da bil ee u horaysa kadib dhalmadaada inta lagu guda jiro halmar xitaa caado timaado waxaa meesha ka baxay kalsoonidii & isku halayntii ahayd uur ma qaadi kartid marba hadii ugxaan lasoo saaro sabab uurka joojin karta majirto

2: Inaad cunuga siisid 6da bil ee u horaysa naaska kaliya adoo wax kale ugu darayn

3: Inuusan cunugu lix bil gaarin haduu 6bil gaaro waxaa loo bilaabayaa cuntoyin & caano ayadoo naaska loogu darayo sidaa dartid jaqidii badnayd baa yaranaysa ugxaan baana lasoo daynayaa ayadana laguma kalsonaan karo

Miski✍

09/05/2023

Adoo uur leh hadaad calamadahaan isku aragto si dhaqsaa u tag goob caafimaad

1: Matag & labolabo siyaada haday kuguso noqdaan adoo ka baxay waqtigii walaca

2: Dhiig & dareere haday kaa socdaan xubinta taranka

3: Barar ,gaduud & xanuun hadii lugahaaga aad ku aragto

4: Qandho saa,ida haday kuguso noqnoqoto

5: Hadaad dareento neeftoo aad boobsiinayso raadinaysidna

6: Madax xanuunka ood waqtiyada badanaa dareento

7: Cunuga haduu dhaqaaqi jojiyo ama daciifo

8: Hadii aad barar siyaada ka dareento wajiga & Gacmaha

Talosiin: Isla xiligaad ogaato inaad uur leedahay xiriir lasamayso xarun caafimaad oo ka shaqaysa caafimaadka hooyada & dhalaanka si xilli h**e loo ogaado waxyaabaha dhibka idiin keeni kara loogana hortago ama loo daaweeyo

Miski✍

Category

Website

Address


Maka Almukarama
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Miski Consultation health page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Mogadishu.