doc.Saalax aadan
ka hortaga ayaa ka muhiimsan daawaynta �
07/09/2022
Goorma ayaa raashinka lagu bilaabi karaa ilmaha ? Sideesa loogu bilaabaa?
🧸6️⃣ Bil marka uu gaaro ilmuhu u bilaw cunto. Waayo naaska 6 bil ka dib waxaa yaraanaaya nafaqadiisa kumana filna ilmaha
🧸U bilaw si tartiib tartiib ah , si calooshiisu ula qabsato
🥕 Waxaa lagu bilaabi karaa khudaarta iyo fawaakihda oo loo shiiday ama la jajabiyay si fiican , si uuna hadhooti u diidin , sidoo kale bariis la jajbiyay waa lagu bilaabi karaa
🍌 Nooc waliba oo siineysid ilmaha sii ilaa 3 maalin, si loo ogaado in uu jirkiisu diideyn noocaas
🥛 Ugu qas raashinka quraacda subixi sida cerelac oo kale caano ama biyo
🧂❌Waxaa ka reeban ilmaha in la siiyo raashin cusba badan, sokor badan ,malabka, caanaha xoolaha iyo raashinka la gasaceeyay sanad ka hor.
Dr Ibrahim Addow
(Dhakhtar caafimaadka caruurta)
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
14/05/2024