CJM

CJM

Share

DANTA DALKA DADKA IYO DIINTA

03/07/2023

Muwaadin Talyaani ah ayaa u tagay Takhtar, waxa uu u sheegay in tan iyo yaraantiisa uu ku soo sasayo qof sariirta uu ku jiifo hoosteeda uga soo baxayo, laakin aan run ahayn.

Takhtarkii ayaa ku yiri waa laguu yaqaannaa cudurkaasi oo xalkiisa ayaan hayaa laakin waa in Toddobaadkii laba jeer aan kula fariisto , mar walba oo aad ila kulmeysana aad dhiibtaa $200 muddo sanad ah .

Ninkii waxa uu yiri Haye bal tashi ayaan isugu laabanayaa waana soo noqonayaa.

Sanad ka dib ayay si kadis ah ku kulmeen, Takhtarkii baa weydiiyay “ war haye maxaad iigu soo laaban weyday “?

Ninkii ayaa ku jawaabay ; dawo kale ayaan helay lacagta aad igu xujeeysay ee sanadka marka la isku geeyo gaareeysa $9,600 Akoon ayaan ku shubtay.

Takhtarkii oo yaabban baa yiri Yaa ku daweeyay, maxaase lagugu daweeyay.?

Ninkii baa yiri Nin saaxiibkey ah oo koobshaah ah iyo xabbad Fish Beggar ah aan u iibiyay ayaa I daweeyay oo igu yiri.”Saaxiib sariirta ninka uu kaaga soo hoos baxayo iska iibi dhulkana jiifo “🤣

Maalintaasi wixii ka dambeeyay xaalkeyga waa dhag 🤣.

Maxaad ka fahantay sheekadan.👋
Aweys Hassan Mohamed

02/07/2023

Nadiifiyaha diyaaradda ayaa nadiifinayey qolka duuliyaha(Pilot's cockpit), Ka dib ayuu arkay buug cinwaankiisu yahay, "SIDA LOO DUULIYO DIYAARADAHA MARKA BILOW TAHAY( Volume 1) Wuxuu furay boggii ugu horreeyay (1aad) oo leh: "Si aad u bilowdo Una kiciso mishiinka, taabo badhanka cas(red button)..". Sidii buu yeelay, matoorka diyaaradda ayaa kacay...
Wuu farxay oo furay boggii xigay...: "Si aad diyaaraddu u dhaqaaqdo, taabo batoonka buluugga ah(blue button)... "Wuu taabtay, diyaaradduna waxay ku billowday inay dhaqaaqdo xawaare cajiib ah...
Wuxuu damcay inuu duulo, markaas ayuu furay boggii saddexaad (3aad) oo leh: Si aad diyaaradda u duuliso, fadlan taabo badhanka cagaarka ah(green button)... “Sidaas buu yeelay, diyaaradiina waxay bilowday inay duusho...

Wuu farxay...!!

Labaatan (20) daqiiqo oo duulis ah ka dib, wuu qancay, oo damcay inuu soo d**o, markaas ayuu go’aansaday inuu aado bogga afraad (4aad)...bogga afraadna (4) wuxuu leeyahay; "Si aad u ogaatid sida loo dejiyo diyaarad, fadlan ka iibso (Volume 2) dukaanka buugaagta ee kuugu dhow!"

* Cashar Akhlaaqeed*

Weligaa waxba ha isku dayin adiga oo aan macluumaad dhammaystiran haysan *Waxbarashada nuska ah maaha khatar kaliya ee waa wax dumin!!!*
Kalmad ayaa ku filan kuwa caqliga leh.
Abdirazak H. Jama
Please like and flow

23/01/2023
21/01/2023

Interior design ideas

Photos from CJM's post 18/09/2022

Qurux dabiici ah.......

11/09/2022

Alla maxaa filoyin leysku xir xirtay lkn waxan la aqona cirka dig kaso dhehen

30/08/2022

Ka faideso....

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Mogadishu