abdukadir hersi
dhaqan wngsn
30/11/2025
Waa duni sagaaloo
Qofna toban ma siisee
Xilliyada sirgacanee
Arrimuhu silloonyiin
Ee xaal si kale yahay
Degdegaan samaan iyo
Aan sareedo keenine
Qof samraa sedkii hela.
Waa deeq garaadkaagu,
dihin ee ha naafaynin.
Sababee waxaad doontay,
wax ku diid waxaad diiday.
Dala'siga ka daa maanka.
Aadmi doco-docayntiisa,
dibad-keenka ceebtiisa,
dagaal-inan gumeed oo dhan
libin ruux ka doondoonay
dacar buu ka leefaayee.
Ha ku durin qof iintiisa,
hana dilin quluubtiisa.
🚩Ciidan baa waxay galeen tuulo, waxayna kufsadeen dumarkii tuulada oo dhan marka laga reebo hal gabar. Gabadhaas ayaa iska caabin kala hortimid askarigii xoogi rabay, inta ay dishay bayna madaxa ka jartay.
Markii ay askartii dhammeeyeen hawshii loo igmaday oo ay dib ugu laabteen deegaankoodii iyo xeradii ay ka soo duullaan tageen, dumarkii oo dhan baa guryahoodii ka soo baxay, iyaga oo dharkoodii jeexjeexnaa jiidaya, aadna u wada ooyaya, gabadhii mooyee!
Waxay ka soo baxday gurigeedii iyadoo madaxii askariga gacanta ku sidata, indhaheedana ay ka muuqato isla weyni, una faanaysa kuwa kale, waxayna ku tiri; “Ma waxaad u malayseen inaan u oggolaanayo inuu i kufsado anigoo aan dilin ama aan is dilin?”
Dumarkii tuuladu way is fiirfiiriyeen, waxayna go’aansadeen in gabadha la dilo si aanay sharafteeda ugu faanin oo aanay raggoodu u waydiin markay shaqada ka soo noqdaan, “maxaad u diidi weydeen sideeda oo kale”.
Markaas bay gabadhii si lama filaan ah u soo weerareen oo dileen (waxay dileen sharaftii si ay ceebtu u noolaato). Waa waxa ay sameeyaan kuwa bulshadeenna musuqa ku dhex jira: Waxay dilaan, go'doomiyaan, oo ay la dagaalaan qof kasta oo sharaf leh, si aanu qofna musuqooda ugu marag furin!!
20/11/2025
Hanbalyo garsoore
Laba Nin ayaa hadda ka hor isku qabsaday ugaasnimo ay ka dhaxleen Aabahood,
Waxaa ku Soo dhex baxay odayaashii reerka iyo cuqaashoodi, Waxaa lagu balamay geed wayn oo garta lagu gali jiray, Waxaa Soo kalahay midkii isku haystay Inuu xaq u leeyahy Ugaasnimada Wuxuuna fadhiistay hooskii geedka Ee dhanka galbeed maadaama ay Subax h**e ahayd, midkii kale ayaa isna yimid wuxuuna fadhiistay dhanka bari ee xigtay qurrxda.
Kadib Tolkii ayaa yimid labadii nin Oo mid hoos fadhiyo midna qorax fadhiyo, gartii ayaa bilaabatay, Waa lagu daahay illaa halkii hooska ahayd Saakay ay qorax noqotay Oo Ninkii Saaka fadhiyay qoraxda uu hoos helay, midkii hooska fadhiyayna ay qorax galbeed dhakada ka haleeshay.
Tolkii iyo cuqaashii ayaa xoogaa xaaladda u shuureeyay kadib markii xal fudud la waayay, balse Nin ayaa markii dambe Soojeediyay “Waxaan talada cidda ku aamini karnaa ninkii Saaka qoraxda fadhiistay ee gartay In hoos imaanaayo ee taladaaas ka warama?”
Waa Guddoon iyo waajib ayaa la yiri sidaas ayaana lagu kala saaray labadii Nin.
Ugaasnimadii Waxaa loo duubay ninkii gartay In qoraxda subax uu hoos Galab ka danbeeyayo.
Nin baa wuxuu rabay inuu fariin dhanka moobilka ah u diro saaxiibtiis, wuxuu u qoray “Waan ku jeclahay gacaliso” wuxuuse si qalad ah fariinti ugu diray naagta iska leh guriga filada ah ee uu kirada ku dagan yahay.
Degdeg ayeey fariinti uga soo jawaabtay islaanti guriga laheeyd, waxeeyna usoo qortay, “Aniguba waan ku doondoonaayay oo waan kaa helay, laakiin mudo dheeer ayaan ka labalabeeynaayay si aan kugu soo bandhigo jaceeylka aan kuu qaaday, runti waan ka walwalsanaa, waxaadna ogaata in aan ku jeclahay. saacadaas laga bilaabo wax kira ah oo aad dhibeeyso hada kadibna ma jiraan gacaliye”
Hadaad ninkaas booskiisa taagnaan laheyd jawaab nuucee ah ayaad ku celin laheyd? Maxaad sameyn laheyd?
Adwaan banaanka faniya
Gabadh baa waxay soo iibsatay Telefon qaali ah,ka dib Aabaheed ayaa ku arkay Talefonkii markaasuu ku yidhi!
"Aabbo markaad Talefonka soo iibsatay wixii ugu h**eeyey ee aad samaysay muxuu ahaa?"
Gabadhii baa ku jawaabtay;
"Waxaan soo galiyay Qolof (cover) sarre oo Talefonka difaac u noqonaya, kana ilaalinaya in uu jabo.
Aabbihii baa ku yidhi; "Cid kugu qasabtay miyaa jirta in aad sidaa samayso?
Gabadhii; "Maya Aabbe, layguma qasbin, laakiin aniga ayay i anfacaysaa in aan sidaas sameeyo si Talefonku uusan iiga jabin.
Aabbihii; "Ma kula tahay in aad ceebaysay Shirkadii Talefonka soo saartay?
Gabadhii; "Maya Aabbe, Shirkadu ayadaaba nagula talinaysa in aan Talefonka Qolof sarre galino, si uusan Talefonka nooga jabin.
Aabbihii; "Waa tahay, Qolofku miyuu qiima tirayaa Talefonka?
Gabadhii; "Maya Aabbbe, lkn Difaac ayuuba u yahay Talefonka, in uu jabo buu ka ilaalinayaa, ilayn haddii uu jabo waa uu qiima beelayaaye.
Aabbihii; "Miyuu foolxumo usoo kordhiyay Qolofkaasi Talefonka?
Gabadhii; "Aragtidayda maya qurux mooyee, fool xumo uma soo kordhinayo.
Intuu si fiican u soo eegay buu ku yidhi, "Aabbo macaan Xijaabkuna waa sidaa oo kale ee ku dhaganow had iyo goorba!!! Haddaad Akhrisay Soo Qor MashaAllah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Website
Address
Raadeel Strert
Mogadishu
252