Sharma Media Center
Halkan Kala Soco War Bixino Ku Xiisa Galiya
09/07/2025
Magaalada Baraawe ee caasimadda Dowladda K.G.S waxaa maanta si rasmi ah looga furay tababbar muhiim ah oo la xiriira Xeerarka Cusub ee Hanti-dhowrka Gudaha, kaas oo qeyb ka ah barnaamijka DOWLAD-KAAB ee lagu tayeynayo hay’adaha dowliga ah.
Waxaana Si Rasmi ah Towbarkaan Ufurey gudoomiyaha degmada baraawe Ahna Duqa Degmada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed
Towbarkaan Inta Uu Socdo Ayaa Waxaa Kafaaidi Doonaan Dhamaan Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada
Furitaanka tababbarkan waxaa ka hadlay La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed,Cumar balbaalow kaas oo sheegay in ujeedada tababbarka ay tahay in la xoojiyo aqoonta iyo kartida shaqaalaha dowladda ee ku aaddan ilaalinta iyo dabagalka maaliyadda gudaha. Wuxuu tilmaamay in hanti-dhowrka gudaha uu yahay laf-dhabarta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maamul daadejinta.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Baraawe, Binti Seyid Bakar, Ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu tababbarkani u leeyahay maamulka degmada iyo doorka bulshada ee la xiriira ilaalinta hantida guud.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay tababbarka, isagoo warbaahinta la hadlay kadib. Wuxuu sheegay in Baraawe ay tahay magaalo diyaar u ah horumar, aqoon kororsi iyo wacyigelin joogto ah, waxuuna u rajeeyay dhammaan ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah.
Sharma Media Center
07/07/2025
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Koonfur Galbeed Abdullahi Abdi Mohamed ayaa si rasmi ah u daahfuray Kulanka wadatashiyada Horudhaca ah ee dejinta Siyaasayada Ganacsiyada Yaryar & kuwa dhexe.
Kulanka oo ay kaso qeyb galeen xubno kala duwan oo kala kala socday qaar ka mid ah Hay’adaha Dowlada, Hay’adaha Horumarinta, Bangiyada, xarumaha Maalgalinta, ganacsato, bulshada rayidka, dhalinyaro iyo haweenka
Dhamaan ka qeybgalayaashu waxay si firfircoon uga qeyb qaateen wadatashiga, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo fikrado qiimo leh oo wax weyn ka tari doona habeynta iyo dejinta Siyaasadda Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed. Fikradahaasi waxay saldhig u noqon doonaan siyaasad wax ku ool ah oo dhiirrigelisa kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan haweenka, dhalinyarada
Sharma Media Center
07/07/2025
Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Ali Haaji Aadan iyo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Said Ahmed Ali oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Cabdulaahi Ali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Xariga ka jaray Qeyb Cusub oo lagu soo kordhiyey Ispitaalka Gobolka Baay
Sharma Media Center
Diinsoor 1957
Sharma Media Center
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Dr Saciid Axmed Cali ayaa ka warbixiyey Dhismaha Cusub Wasaaradda Caafimaadka ay yeelatey
Sharma Media Center
04/07/2025
Burkina Faso 🇧🇫 ayaa lagu soo waramayaa inay dahab ka heshay $18 bilyan tan iyo markii Ibrahim Traoré uu noqday hogaamiyaha.
Sannadkii 2024, waxay dib ula soo noqotay laba macdan oo dahab ah oo ay lahayd shirkad Ingiriis ah.
Dalku hadda waxa uu leeyahay warshad sifaysa dahabka iyo warshada wax soo saarka gudaha.
Burkina Faso waa dalka 4-aad ee ugu wax soo saarka badan dahabka Afrika.
Sharma Media Center
Hiil Hospital oo Gargar Caafimaad Bilaash ah Gaarsiiyey Tuulada Moora Gasaala ee Degmada Berdaale
Sharma Media Center
Taliyaha cusub ee Qeybta 60aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo saraakiisha sida sharaf leh loogu wareejiyey xilka, wuxuuna ka codsaday in si dhow loola shaqeeyo si loo gaaro guulo amni oo muuqda.
Sharma Media Center
Abwaan Cali Bugey oo Sheegey Madaxweyne Abdi Adam Hoosow in uu yahay Halyey Digil iyo Mirfle usoo Baxay
Sharma Media Center
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Mogadishu