Herballink Online

Herballink Online

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Herballink Online, Hair salon, Banaadir, Mogadishu.

20/02/2019

Waxaan rabaa in aan halkaan idinkugu soo gudbiyo waxyaabaha dabiiciga ah ee cilmibaaris lagu sameeyay oo la sheegay in ay waxtar leeyihin waxaana ka mid ah:

1- : maadadaan waxay muhiim u tahay xaga raganimada waxaana laga helaa cunnooyinka qaar, waxayna jirka ku kordhisaa maado kale oo loo yaqaan "nitric oxide", tan oo ballaariso xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasne ay awood ku yeelato.

Waxaa jira dhowr cilmibaaris oo lagu sameeyay maadadaan, kulligoodne isku waafaqeen in isbedel la taaban karo laga dareemay.

Cuntooyinka maadadaan aad ugu jirto waxaa ka mid ah: hilibka libaax badeedka, kaluunka tuuanda, yuumbiga, qubada, aargosoatada, sisinta, lowska, waambaha, cabitaanka chocolate-ka kulul oo aan sokorta lagu darin iyo qudaarta Avocado-ha.

2- : Tan waa maadada jirka uu ka sameeyo hormoonka ragga ee "Testosterone" oo aad muhiim ugu ah xaga raganimada, iyadoo daawo ahaan oo la qaato ayay jirtaa laakiin waa in dhakhtar kuu qoro oo qofkasta lama siin karo, cunnooyinka kobciyo hormoonkaan waxaa ka mid ah Qumbaha, buunshaha qamadiga iyo xayawaan badeed loo yaqaano "shrimp", afsoomaalina lagu dhaho "Haley".

3- : waa geed daaweed laga helo dhulkan Asia khaas ahaan wadamada Korea, waxay cilmibaarayaasha ay sheegeen in uu sida maadada kor aan ku soo xusay ee Arginine u shaqeeyo, ragane aad wax ugu taro.

Waxa muhiim ah haddii aad isticmaalayso daawadaan in aad dhakhtarkaaga kala tashato maxaa yeelay wuxuu hoos u dhigaa tayada daawooyinka qofka uu qaadanayo.

4- : waa casiirka ama biyaha laga miiro miraha Rumaanka, casiirkaan waxaa lagu yaqaanaa inuu caafimaadka wadnaha u roon yahay, cadaadiska dhiigane uu yareeyo, cilmibaaris la daabacay sanadka 2007, waxaa lagu ogaaday in uu leeyahay faaido xaga raganimada ah, waana casiirka ragga da'da ah u roon dhinacyo badan markii la fiiriyo.

5- : waa geed ka baxo wadamada galbeedka Africa, waana geed aad loo isticmaali jiray inta aan Viagra-ha suuqa qabsanin, waxaa laga sameeyaa kaniinin loo yaqaano "Yohimbine" oo sida Viagraha loo isticmaalo, shirkadaha sameeyo daawooyinka kiimikada ah sida "Viagraha" ayaa dagaal aad culus ku qaaday geedkaan oo joojiyay in daawo laga dhigo maadaama la daabacay qoraallo badan oo tilmaamayo in uu keeno dhibaatooyin xaga caafimaadka ah, laakiin dadka ku nool wadamada galbeedka Africa aad ayay u isticmaalaan, laakiin caalamka kale aad loo gama yaqaano.

6- : waa geed cows oo kale ah oo ka baxo dalka China, baaritaan ka dib waxaa la ogaaday inuu leeyahay maado la dhaho "icariin" oo u shaqeysa sidii "Viagra-ha" oo kale, dalka shiinaha aad ayaa looga isticmaalaa, waxayna dhakhaatiirta shiinaha sheegaan inuu Viagra-ha uusan ka yaraysan, waxyeelo "side effects"ne in uusan lahayn

Mahadsanidiin: lawadaag walal asxaabtaada

20/02/2019

Macamiil waxa diyaar oo nafaqo balaaran siisa jirka kana aqriso fa'iidada dhextaal saliidan qoraalka hoose wa hubaal inaad kuqanceeyso inshallah

: 0612472434

Baaritaano cusub oo la sameeyay ayaa la isku raacay in cuntada ku badantahay saliida nooca lee yaqaano "Omega 3" oo aad ugu badan nooc ka mid ah malaayga (Kaluunka) inay yareyso maskax beelida (dementia).

Cuduro badan oo ku caan baxay maskax beelida sida "Parkinson Disease", "Alzheimar Disease" iyo "Pick's Disease" ayaa waxa ay u noqoneysaa talaabo cusub oo lagu hortagayo inuu cudurkaan sii qalaafto bukaano hor leh.

Saliida "Omega 3" oo kamid ah saliidaha muhiimka u ah jirka biniaadanka ayaa laga helaa "anti-oxidants" oo ka hortagto inuu dhaawac gaaro unugyada maskaxda.

Haddii aad doonayso timo jiridoodu adag tahay, aadna u ifaaya, waxa aad cuntada ku cunta amma aad isticmaasha saliida kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines, sidoo kale saliida kalluunka waxa ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad u ifaaya.

Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliidan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidan booratiin aad muhiim ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.

Kalluunada kala duwan ee badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxaana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo booratiin, sidoo kale kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo Faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo aad muhiim ugu ah timaha koriinkooda oo badana aan dadku si fudud ku helin.

: waxad kahelysa in allaala inta ad ubaahantahay inshallah, waxaadna u isticmaali kartaa booskii saliidaha kale ee cuntada lagu karsado ama lagu darto si ad uga badbaadid saliiadaha ee qatarta uga imaan karta nolosheena.

20/02/2019

Macamiil waxa diyaar ah kaniiniga 7050 oo ah kaniini waxbadan kulansaday mana lahan wax kiimiko ah misana ka dhamenaya kuuna socelinaya kaalumay waxa uu waxbadan utaraya waxaadna yeelaneysa muuqaal dhalinyaronimo inshallah

: $10
. : 0612472434

19/02/2019

Macamiil waxa diyaar ah oo ah cream ad ula dagaalama xeerta gasha iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee jirka wa cream kasameeysan dhir dabiica ah waxaana dhirta kamid ah wax kiimiko ahna malahan

: $12
. :0612472434

: walal cearmkan wa cream an tijaabo bil ah marsiinay islamarkaana an hubno inaad Ku fa'iidi doonto inshallah, waxaana kuugu keeni doona goobaha ad joogtan si lcg la'an ah inshallah.

18/02/2019

MUHIIMADA MAADADA "collagen"
-------------------------------------------------------------

Collagen kollajeen waa maadda “Protein” brootiin ah oo jirkeenna kujira maaddadaa oo qaabilsan arrimo badan sida:

Xoojinta maqaarka iyo tinta
Xoojinta ilkaha ,cidiyaha iyo lafaha
Kobcinta diffaaca jirka
Caafimaadka Wadnaha

Hadaba sirta quruxda maqaarka inbadan waxa ay kuxirantahay qofka inuu kobcisto maaddadaan, markasta qofka da’diisu korodho waxaa is dhima kollajenka jirkiissa sidaa darteed qofkii calaamadaha gabowga ayaa kusoo dagdaga haddii uusan diffaac galin oo cunnooyinka laga helo maaddada kollajenka badsan sidoo kale ilkaha cidiyaha wadnaha waxbadan ayuu kasheegtaa marka ay maadadu is dhinto , waxay kaloo maadadan oo is dhinta ay keentaa qofkii oo nabar yar inta uugaaro jirkiissa oo misna dhakhsidiiba bogsan wakhti ay in nabarkii uu bogsado.

Alaabaha aan usameeyo walalaha waxaan kudadaalaa inay noqdaan kuwa Collagen leh oo maqaarkeenna iyo tintuba caafimaad ukordhiya balse alaabta marsashadooda kaliya kuguma filna waxaad ubaahantahay xagga cunidda inaad iska xoojiso.

Cunnooyinka laga helo maadadaan iyo qaabka loo kobcisto:

(baydka)
,
,
,
: sida kuwa looyaqaan kiwi, strawberry iyo orange ka (liin banbeelmada).

Waxaa jira kaniini iyo irbado kobciya maaddadaan balse waa in qofka dhakhtar uqoraa .

18/02/2019

CUNTADA QURUXDA JIRKA (beauty food)
----------------------------------------------------------------------

Weli ma isku dayday inaad isticmaasho waxyaabo loo adeegsado qurxinta maqaarkaaga oo misna kharash badan aad ku bixisay? Iminka waa waqtigi ugu fiicnaa oo aad joojin laheyd waxyaabahaas aan waxtarka laheyn waxyeello mooyee, aadna bilaabi laheyd cunto aad qaadaneyso maqaarkaagana siinaya qurux iyo caafimaad.

:


waxaa la isticmaalaa isagoo karsan iyo isagoon karsaneyn labadaba, waxa uuna sitaa in ka badan 100% baahidaada maalmeed ee fatamiin C. Sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo fiber ka cuntada ku jira iyo fatamiin B6. Sidoo kale waxa uu qani ku yahay maadada carotinoid oo ka hortagta maqaarka inuu duuduub sameeyo isla markaana siyaadiyo wareegga dhiigga uu maqaarka ku imaanayo, taasoo dhalineysa in maqaarku u yeesho muuqaal dhalinyaronimo. Carotinoid ka ku jira awgii, barbarooniga cas waxa uu la dagaalamaa finanka wejiga ka so baxa ee loo yaqaan fin barbaarka. Barbarooniga cas waxaa ku jira fiber qofka cunaa uu dareemayo dhereg muddo isagoo helaya kaloris yar.

:

Shukulaatada madow waxa ay qani ka tahay antioxidants iyo fatty acids oo xoojiya korriinshaha maqaarka. Antioxidants ka ku jira shukulaatada madow waxa uu hoos u dhigaa qalleylka maqaarka kana hortagaa inay waxyeeleyso qorraxda. Sidoo kale cocoa oo inta badan lagu daro shukulaatada waxa uu dabciyaa xididada dhiigga isla markaana siyaadiyaa wareegga dhiigga taasoo keeneysa maqaar fayaaw. Haddaba haddii aad iibsaneyso shukulaatada madow iibso mid ay ku jirto cocoa ugu yaraan 80% si aad uga fogaato kuwa lagu daro caanaha iyo sokorta.

:

Waa cunto aad ugu fiican la dagaallanka welwelka, cabsida, isku buuqa iyo walaahowga, waxa uuna jirkaada siinayaa inta badan baahida fatamiin D. Sidoo kale waxa uu ka hortagaa kansarka mindhicirrada waaweyn ku dhaca, cudurrada wadnaha iyo lafaha. Salmon waxaa ka buuxa dufanka nooca loo yaqaan Omega-3 oo aad ugu fiican la dagaallanka maqaarka duuduubma (miinta), fin barbaarka iyo xanuunka maqaarka. Cunitaanka salmon waxa uu madaxaada ka dhigayaa mid nafaqeysan waxa uuna xoojiyaa fayaabida timaha.

:

Waxa ay ka mid tahay ilaha ugu qanisan ee laga heli karo saliidaha nooca saturated oils loo yaqaan. Waxaa ku jira Lauric acid oo la dagaalama bakteeriyada iyo feyruusaadkaba. Sidoo kale saliid qumbaha waxa uu qani ka yahay fatty acids ka asaasiga ah iyo fatamiin E, kuwaasoo si heer sare ah uga dhiga maqaarka mid jilcan oo aan duuduub laheyn. Intaa waxaa dheer waxay aad ugu fiicantahay qanjirka thyroid ka la dhaho ee dhuunta ku yaal, isla markaana waxa ay caawineysaa hoos udhigidda miisaanka.

:

Waxa uu leeyahay antioxidants iyo amino acid loo yaqaan L-theanine oo dabciya jirka islamarkaana yareeya welwelka. Marka uu kululyahay shaaha waxa uu sii daayaa catechins oo ah nooc ka mid ah antioxidants kaasoo la caddeeyay inuu ka hortago kansarka. Sidoo kale shaaha cagaaran waxa uu yareeyaa halista in qofka dhiig kar ku dhaco.

:

waxa ay leedahay nafaqo badan oo aad ubaahantahay maalin kasta, waxa ayna ufiicantahay caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inaadan jecleyn laakiin waa il muhiim ah oo laga helo feero, folic acid, fatamiin E, Magnesium, fatamiin A, fiber, protein iyo fatamiin C. Awoodda antioxidants ka ku jira awgood fatamiin C, E iyo A waxa ay si gaar ah u anfacayaan maqaarkaaga. Koostada waxaa ku jira antioxidants la dagaallama dhammaan noocyada kala duwan ee waxyeellada maqaarka ku dhaca. Markaad cunto koosto waxaad nadiifineysaa maqaarkaada adigoo kasoo bilaabaya gudaha.

ama :

Inteena badan waxba uma aragno saladada, balse waxaa ku jira fatamiin K. Sidoo kale waxa ay ka koobantahay macdanta uu ka mid yahay sodium, potassium iyo biyo, waxayna ka hortagtaa inuu jirku qallalo. Isku day inaad saladada isticmaasho maalin kasta ama ugu yaraan maalin dhaaf, haddii aad ka baqeyso calories, saladadu aad bay ugu yartahay calories ka.

:

Waa qudaar cajiib ah, waxa uu leeyahay faa’iidooyin nafaqeed oo aad u badan. Waxaa aad ugu yar calories (39 calories 100 ki garaamba) mana lahan wax kolistarool ah. Sidaa awgeed haddaad dooneyso inaad miisaanka dhinto babaayga cun maalin kasta. Sidoo kale waxaa ku yar sokorta nooca fructose la yiraahdo, waxa uuna aad ugu fiicanyahay dheefshiidka. Antioxidants laga helo waxaa ka mid ah: fatamiin C iyo E, beta-carotene.

:

karootada faa’iidadeeda kuma koobna uun indhaha, balse sidoo kale maqaarkana waxbay u tartaa. Waxay si gaar ah ugu fiicantahay in maqaarku iska nadiifiyo burburka iyo unugyada dhintay, waxa ay leedahay fatamiin A waxa ayna ka hortagtaa in unugyo siyaado ah ka sameysmaan dabaqadda sare ee maqaarka. Faa’iidada kale waxaa ka mid ah fatamiin A waxa uu yareeyaa unugyada kansarka.

Walal lawadaag asxaabtada adigoo mahadsan

20/08/2018

Kafa iideyso walal saliida iyo o islasocda waxayna u fiicantahay dhamaan problemada kuyimaada timaha sida :
1-daadashada timaha
2-agoolka
3-kobcinta timaha
4-timo jajabka
5-iyo cudurada kuyimaada maqaarka tinta

Waxa isbedal lahubo ad helidoonta mudo Ah ishallah manadareemi doontid dhamaan xanuunada kor kusooxusnay

macaamiil waxan kubalanqadena hadii ay rumoobi wayso balanqadkena in laguuceli doono lcgtii kabaxday inshallah.

:$35
:0612472434

19/08/2018

MAXA KEENA IN TIMAHA KAA DAATAN AMA KOBAC LA'ANTA TIMAHA KUYIMAAD ?!
----------------------------------------------------------------------

Tima xanuunka ama waxa loo yaqaano (Trichodynia) waa xaalad oo qofku ka dareemayo xanuun basada ama dhalada (madaxa korkiisa), khaas ahaan markuu qofka shaleysanayo ama timaha uu taabto, xanuunkaan oo ay soo gudbiyaan neerfaha ku jira jirida hoose ee timaha.

Xanuunkaan waxa uu qof u dareemaa gubasho oo kale ah, badanaa xanuunkaas iyo timo daadashada (Alopecia) way isla socdaan.

Caadatan ilaa 100,000 oo tima ah ayaa madaxa ku yaal badanaana 50 -100 oo tima ah ayaa go'a maalin walba, timahaasoo badalkooda kuwa kale ay soo baxaan, taasoo wax dhibaato ah ku heynin qofka, inuu ka walwalane aysan ahayn, lakin hadii ay intaa ka bataan waxaa keeni kara waxyaabahaaan soo socda mid ka mid ah:

A- Jirrooyinka qaar ka mid ah sida:
1- Sonkorowga aan la kontroolin
2- Cudurrada xiriirka la leh hormoonada (Endocrine diseases).
3- Cudurrada kilyaha ku dhaca.
4- Cudurrada beerka ku dhaca.

B- Daawooyinka qaar ka mid ah sida:
1- Isotretinoin
2- Lithium
3- Kaniiniyada ama cirbadaha loo qaato ka hortagga uurka sida "Depo-provera" oo kale.
3- Daawooyinka nafaqo ahaanta loo qaato, weliba hadii ay ku jiraan amphetamines.
4- Daawoo kiimikeed (daawooyinka lagu daaweeyo dadka kansarka qabo) kuwaan oo ah daawooyinka ugu caansan ee keena timo daadashada, inkastoo kansarada qaar ka mid ah sida kansarka dhiiga iyo kansarka qanjirada uu keeno timo daadasho daawada inta aan la qaadan ka horba.

C- Alopecia areata: kan waa nooc ka mid ah cudurada maqaarka oo keena timo daadasho, calaamada lagu garto oo ah goobaabino wareegsan oo timo la'aan ah oo ku sameysma madaxa ama qeybo kale oo ka mid ah oogada, sidaa darteed ayaa loogu bixiyay "Areata" oo "Area" ayey tinta ka daadinaysaa, timahane dib ayey u soo baxaan muddo 6 bilood ilaa 2 sano gudahood.

D- Timaha oo la midabeeyo, la feereeyo ama daawooyinka la mariyo qaarkood ayaa keena timo daadasho, ama in cadaadis timaha muddo dheer lagu hayo sida in maro lagu giijiyo sida jalbaabka ay xirtaan gabdhaha qaarkood kaasoo keeno in tinta gadaal u jiido oo horay ay ka guurto, cadaadiskaan oo keeno in timahaas aysan dib danbo u soo bixin, maxaa yeelay waxa dhimanaya unugyadii ay tinta ka soo dhex bixi jirtay.

E- Nafaqo darro: qofka oo cunto xumi ku dhacdo waxa ay keeni kartaa timo daadasho, tanoo ay ka timaado jirka oo waayo fitamiino, borotiino iyo macdanta kalaba oo muhiim u ah koriinka timaha, dadka khudaarta kaliya ku nool oo aanan cunin cunnooyinka brotiinka leh sida hilibka, ukunta iyo kaluunka iyagane way ku dhacdaa timo daadasho.

F- Carqaladeyn ku timaada wareega koriinka timaha, taasoo la weynayo timo badalo timaha sida caadiga u daato sida aan kor ku soo sheegeyba, tani waxaa keeni kara isbadalo muhiim ah oo qofka ku dhaco sida qaliin lagu sameeyo, haweenta markii ay dhasho ama qofka markii la suuxiyo, tani waxa ay qaadaneysaa bilooyin si timihii ay isku saxaan.

G- Bidaar: sababta koowaad ee keenta inay timaha ka daataan ragga.
Bidaarta oo ay keento dhawr waxyaabood oo isku tagay, kuwaasoo ay ka mid tahay hormoono iyo dhaxalba, bidaarta waxa ay qofka ku bilaban kartaa isagoo dhawr iyo toban sano jir ah, waxay kaloo ku dhici kartaa ragga qaata hormoonka "Testosterone" si ay u dhisaan murqahooda.

14/08/2018

Walal waxa diyaar Ah and Wa shampoo iyo saliid so saareysa timihii kalumay ama mudo gaaban o an kabadneen 3bilood Ah.
Sidoo kale waxay kahortageysa tinta Kadaadaneyso inshallah.

: $30
: 0612472434

:walal Wa product lasootijabiyay laguna guuleystay

10/08/2018

RAGA AN LAHEEN DHAQAALAHA O LASHEGAY IN AY KU WANAGSANYIHIN QANICINTA DUMARKA E SARIIRTA! sabab?

Waxa laga yaabaa in aad ku riyaoonayso nin ku siiya wax kasta oo aad jamato ama doonto. Hadaba iska ilow oo raadso ninka dhabta ah.

Hadii aynu fiirino dumarka iyo riyooyinkooda wax ay ku riyoodan nin taajir ah oo wax kasta oo ay raban ugada, siiya hadyado qaali ah
oo qurux badan. Laakiin inta badan ma helaan ninkaas. Waxaba fiicnayd in aanad nin taajir ah helin, sababtoo ah raga aan dhaqalaha badan lahayn ayaa ka fiican ka lacagta badan leh.


Waxa shabakada Womens Health soo daabacday in uu yir profeser Adam Galinsky oo wax ka dhiga Northwestern University ee Chicago. “Raga aan haysan lacag badan ayaa ka dhigi kara haweenkooda kuwa farxad ku nool. Sababtuna ay tahay in lacagta iyo darajada ay inta badan ka dhigaan raga kuwa aan daacad ahayn oo dhaqan fiicnayn.”

: Waxa ay shabakada womens health daabacday in baadhitaanka la sameeyay lagu ogaaday in raga lacagta yar haystaa ay ka sariir dhaaf yar yhihiin kuwa lacagta badan haysta. Waliba waxa ay daraasadu oo ay hrballink soo turjuntay sii sharxaysaa in ay laba wajiile yihiin raga ladan marka ay tahay daacadnimada jacaylka.

“Raga darajooyinka sar sare haystaa ayaa inta badan ah kuwo gogol dhaafa laakiin cambaareeya kuwa la midka ah ee sariir dhaafka sameeya, sababtuna ay tahay darajadooda darteed in ay dareemayaan in ay qasab ku tahay cambaarayntu.” ayuu yiri Adam Galinsky

ayaa ka hela ninka aan ladnayn: Raga dhaqaalaha yar leh ama dabaqada dhexe ayaa si ka fiican kuwa taajiriinta ula kulma dadka, sidaana waxa laga soo wariyay maqaal ka soo baxay Psychological Science. Marka la darsay qoraa ayaa waxa la arkay in kuwa aan sidaa u lacag badnayn ay kaga fiicann yihiin la xiriirka dadka ayna aqoon kuwa lacagta leh oo isla wayni iyo neerfos badan qaba.

Qoraaga buuga Born to be good,Dacher Keltner ayaa waxa uu ku qeexay arinta qorayaasha aan ladnayn in ay dadaal badan sameeyaan si ay u helaan dad badan oo ay yaqaanaan. Halka qorayaasha dhaqaalah badan lehi ay ka aaminsan yihiin in ayna cidna u baahnayn.

Ninka dhaqaalaha yar waxa uu ka caawiyaa xaaska hiigsigeeda: Raga aan lacagta badan haysan ayaa waxa waxa loo arkaa kuwa aan ahayn sexy – soo jiidasho lahayn. Jaamacada Beth Livingstone ee Cornell ayaa ku doodaya in raga lacagta lehi ay yihiin rag adag oo aaminsan in ay tahay masuuliyadooda in ay masruufaan qoysaskooda. Laakiin kuwa aan dhaqnayn ayaa inta badan caawiya xaasaskooda marka ay
hiigsanayaan horumar.

“Lamaanayaasha is caawiya si ay u gaadhaan hiigsiga in ay heer sare ka gaadhaan xirfada ay leeyihiin ayaa ah kuwa farxad ku nool” ayay yiri qoraaga Joshua Coleman ee Marriage makeover.

: Ninka aan lacag badan haysani waxa uu badinayaa dadaalka sariirka si uu u qanciya xaaskiisa. Waxa uu isku dayayaa in uu raali galiyo xaaskiisa si ayna uga tagin ayay sheegtay qoraaga Bethany Marshall ee buuga Deal Breakers.

Kol hadii aanu haysan lacag badan oo uu ugu raaxeeyo waxa uu iskudaya xooga saarayaa in noqdo mid ku fiican sariirta ayay waliba sheegtay

: Womens Health

09/08/2018

CUNTOOYINKA UFIICAN CAFIMADKA BEERKA
-----------------------------------------------------------------------

Beerka, culeyskiisu waa qiyaastii 3 pounds dadka waaweyn ee caafimaadka qaba, waxaa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan jirka, waxaa u mas’uul ka yahay shaqooyin badan oo la xiriira dheefshiidka, difaaca iyo keydinta nafaqada, iwm, kuwaasoo jirku u baahan yahay si uu u sii noolaado.

Sidoo kale beerku waa qanjir sii daaya waxyaabaha jirku u baahan yahay. Run ahaantii beerku waa qeybta keli ah ee jirka ee isku ah xubin iyo qanjir.

Beerka caafimaadka qaba wuxuu nadaamiyaa iskudhisyada dhiigga, wuxuu meesha ka saaraa ama banaanka u tuuraa waxyaabaha sunta ah ee dhiigga ku jira. Sidoo kale wuxuu keydiyaa fitimiinada, birta iyo sonkorta.

Haddaba waxa idiin soo gudbinaynaa cuntooyinka nadiifiya beerka, waxaana ka mid ah;

1.

Toonta ama tuunta ayaa aad ugu fiican nadiifinta beerka, waxay firfircooni gelisaa dheecaano ku jira beerka oo ka caawiya inay banaanka u saaraan sunta. Sidoo kale Toonta ayaa ka kooban laba maaddo oo dabiici ah oo kala ah; allicin iyo selenium, kuwaasoo qeyb ka qaata habka nadiifinta, kana difaaca beerka dhaawaca sunta.

Isticmaal toon cusub oo ceeriin ah ah si aad caafimaadka beerkaaga aad u hormariso, ha isticmaalin mid la dubay ama la shiiday.

Cun maalintii 2 illaa 3 toon ceeriin ah, kuna darso cuntada.

2.

Canabka waxaa uu ku wanaagsan fitimiin C iyo qaar kale, wuxuu caawiyaa canabku habka dabiiciga ah ee nadiifinta beerka. Cab subax walba hal koob oo canab la miiray ah marka aad quraacaneyso.

: Haddii aad daawo isticmaaleyso, la tasho dhaqtar ka hor inta aadan qaadan cabitaankan waayo waxay la falgeli karaan daawada aad qaadatay.

3.

Liimadu waxay nadiifisaa beerka waayo waxaa ku jira curiyaha D-Limonene, kaasoo caawiya oo firfircooni geliya dheecaanada beerka, intaas waxaa dheer in fitimiin C ku jira liinta uu ka caawiyo beerka inuu soo saaro dheecaano badan oo wanaajiya dheefshiidka. Joogto u cab liinta maalin walba, haddii aad doonto ku darso malab.

4.

Maalin kasta oo la cabo shaaha cagaaran, waxaa jirkaagu uu awood u helayaa inuu qashinka sunta iyo haraaga dufanka iska saaro, iyadoo uu kordhinayo heerka fuuq-celinta.

sanadkii 2002 daraasad lagu daabacay wargeyska caalamiga ah ee ka faalooda buurnida ayaa lagu sheegay in maaddo ku jirto shaaha cagaaran ay hagaajiso beerka. Sidoo kale cabitaanada wanaagsan ayaa beerka ka difaaca sunta banaanka uga timaada sida aalkolada.

Cab maalintii 2 illaa 3 koob oo shaaha cagaaran ah, haddii aad doonto ku macaanso malab

5.

Afakaadhada waxay ka kooban tahay maaddooyin hoos u dhiga dhaawaca beerka sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen bulshada kiimikada ee mareykanka. waxay qudaartani qani ku tahay maaddada glutathione oo ah iskudhis uu beerku u baahan yahay oo ka nadiifiya sunta beerka si wanaagsana u shaqo geliya. Sidoo kale waxay afakaadhadu hoos u dhigtaa heerka dufanka dhiigga, iyadoo kor u qaadda dufanjka wanaagsan.

Afokaadhada waxaa kale oo ku jira macaadin, fitimiino iyo nafaqooyin si guud u taageera caafimaadka guud ee beerka iyo hoos u dhigida baruurta.

Cab 1 illaa 2 koob oo afakaadho ah todobaad walba dhowr bilood si ay u hagaajiyaan dhaawacyada beerka

Want your business to be the top-listed Hair Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Banaadir
Mogadishu
252