Geel Qaad

Geel Qaad

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Geel Qaad, Health/Beauty, Mogadishu.

19/08/2024

Banaan baxayaal ayaa xirtay isgoys ka howlwadaag.

Photos from Geel Qaad's post 18/08/2024

Suuqa Bakaaraha...

18/08/2024

Xalka suuqa bakaaraha ee manta uu kusugan yahay

17/08/2024

Ninka guldarada tilmamaya wuxu macna tiraya wilka Somaliyed ee dhigisa bixiyay
Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.

17/08/2024

Dalkan dorasho dadban way oga dhamatay.
Madaxweyne xasan shekh maxamud.

24/07/2024

Dowlad nimada Somalia ee manta waxa lagu asasay caqli,xoog iyo xoolo Puntland leedahay
Pr.xasan shekh

24/07/2024

Gabadhu inanka ay doraneysa wa inu yahay inan nafteda rali galiya,
Inan kuna Gabadha uu gursanayo wa inay tahay inan naftisa rali galisa.

21/07/2024

Shurufle iyo Shumeey Riwaayadihii Barisamaadki Xajigi Oo logu tahagay Baladxaawo

21/07/2024

Dhacdooyinka Calamka 🇮🇳

Dal maanta ka horreeya dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba dalkii gumaystay, dal 70sano kahor kamid ahaa kuwa dunida ugu faqrisan. Maantana ah awood dunida hogaaminaysa dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo aqoon ahaanba.

Hindiya waxa ay dhacdaa koonfurta qaaradda Eeshiya, waa dalka 7aad ee caalamka ugu baxadda weyn ahna kan 3aad guud ahaan Eeshiya. Sidoo kale waa dalka labaad ee dunida ugu dadka badan, waxa ku nool 1.3Bilyan oo qof, waa ku dhawaad shan meelood meel bulshada dunida inay Hindiya ku nooshahay.

Sanaddii 1948 ayay ka qaateen xornimadooda boqortooyadii Britishka, xilligaa Hindiya waxa ay ahayd tiro ahaan dad kor u dhaafaya 300 oo malyan. 16% kaliya ayaa wax qori karayay waxna akhrin karayay bulshada reer Hindiya xilligaa. Faqrigu 70% ayuu dhaafsiisanaa, intaa wixii ka danbeyay Hindiya waxa ay qaadday waddo ka dhigtay inay noqoto awood maanta jaangoysa xaaladda dunida.

Maanta Hindiya waa dalka 5aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxa ay ka dhaqaale badan tahay UK oo ah dalkii gumaystay. Sanaddii 2018-kii ayay booska kala baxday dalkaas. Sidoo kale guud ahaan qaaradda Afrika ayay ka dhaqaale badan tahay. Waa mid kamida wadamada dhaqaalahoodu aadka u korayo waxaana la rajaynaya 10-ka sano ee soo socota inay noqoto dalka 3aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida. 30sano kahor UK dhaqaalaheedu hal Trillion ayuu ahaa, halka Hindiya uu ahaa $340Bilyan. Maanta Hindiya waa $3.2 Trillion halka UK ay tahay $2.9Trillion.

Dhanka aqoonta Hindiya waxa ay kasoo tagay darajo hoose oo ahayd 16% maantana 74% dadkeedu waa kuwo waxbartay. Sidoo kale waxa ay leedahay jaamacadaha ugu heer sarreeya Eeshiya iyo dunidaba. Dakhli sanadeedka soo gala qofka Indianka ah celcelis ahaan maanta waa $9kun halka 70sano kahor uu ahaa $70 wax ka yar.

Waa mid kamida wadamada ay ku nool yihiin bulshooyinka ku kala duwan afka, dhaqanka, diinta, isirka, midabka, cuntooyinka iyo deegankaba. Waxa looga hadlaa dalkaas in ka badan 122luuqadood oo luuqadda u yari ay ku hadlaan 10kun oo qof wax ka badan. 22luuqadood. Sidoo kale waxa ku nool in ka badan 2kun oo qowmiyadood. Waa dal kulansaday dhammaan diimaha waawayn ee dunida ka jira. 80% dadkiisu waa Hinduu, halka 14% ay yihiin Islaam. Waana dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta saddexaad ee ugu badan caalamka kadib Indonesia iyo Pakistan.

Faqrigu Hindiya waxa uu maanta ka yahay wax ka yar 17% halka faqriga daran uu 6% ka hooseeyo. Aad bay ula dagaallameen, 10kii sano ee u danbeeyay dawladda dalkaasi 250milyan ayay xayndaabka faqriga ka saartay.waxa ku nool maanta in ka badan 139Bilyanneer waa in 10jeer ka badan inta ku nool Afrika oo idil. Waana dalka saddexaad ee ay Bilyanneerada ugu badani ka soo jeedaan.

Waa dal aad u awood badan oo saamayn muuqata kuleh mandaqadda uu dhaco. Waa dalka afaraad ee ugu ciidamada xoogan dunida. Waa mid ku hubaysan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka. Sidoo kalana kamida shanta dal ee dhaqaalaha ugu badan ku baxsha ciidamada.

Dalku waxa uu ka kooban yahay 29gobol. Gobolka Maharatshtra ayaa ka dhaqaale badan guud ahaan dalka Pakistan oo daris la ah, halka gobolka Uttar Pradesh uu ka dad badan yahay isku darka UK, Germany iyo Spain ama guud ahaan wadanka Ruushka, waxa uuna ka dhaqaalo badan yahay Masar.

07/07/2024

Dhacdooyinka Calamka

Magaalada Tokyo waxa ay ku taal bartamaha Jabaan. Waxa markeedii h**e la oran jiray Edo waxa ayna ahayd tuulo yar oo kalluumaysi, qarnigii 15aad ayaa markii ugu horraysay la dagay. Maanta waxa kunool gudaheeda iyo nawaaxigeeda (greater Tokyo) una soo shaqo doonto dad kor u dhaafaya 38Milyan oo qof. Waa magaalada dadka ugu badani ay ku xeeran yihiin dunida. Canada oo ah dalka labaad ee ugu dhul weyn caalamka ayay ka dad badan tahay.

Dhaqaalaheedu waxa uu kor u dhaafayaa illaa $2Trillion. Waxa ay ka dhaqaale badan tahay dalal badan oo ay kamid yihiin Ruushka, Turkiga, Sacuudiga, Brazil, Italy, Mexico, Canada, South Korea, Australia iyo Spain. Waa dalalka safka h**e kaga jira dhaqaalaha dunida. Marka laga reebo 7 dal inta kale iyadaa ka dhaqaale badan dalalka caalamka.

Waxa ay hoy u tahay maanta 36kamida shirkadaha ugu waawayn dunida. Waxa ku yaal gudaheeda suuqa ugu weyn ee kalluun lagu gado dunida oo waxa la sheegaa in maalinkii ku dhawaad 60kun oo qof suuqaas ka ka adeegtaan. Waxa ay leedahay illaa 900 oo xarumood oo tareennada laga raaco. Dhexdeeda waxa ka shaqeeya tareennada lagu magacaabo kuwa xabadda (bullet train) oo aad u dheereeya.

Tokyo gudaheeda waxa ku yaal isgoys aad u mashquul badan oo halkii waqti ay ka gudbaan 3kun oo qof. Waxa soo booqda magaaldan ku dhawaad 10milyan oo qof oo ajaanib ah. Arrinka cajiibka ah ayaa a in Tokyo hawadeeda aysan diyaaradi marin. Tan iyo dagaalkii labaad ee dunida kadib ciidamada Maraykanka ayaa maamula hawada Tokyo iyo nawaaxigeeda. Waxaana laga mamnuucay in diyaaraduhu ay dulmaraan. Laba madaar ayay leedahay oo u jira masaafo 20km ah. Madaarka Haneda ayaa ah kan afaraad ee aduunka ugu mashauulka badan 90milyan rakaab ku dhow baa isticmaala sannadkii.

Tokyo gudaheeda waxa ku yaal isgoys aad u
mashquul badan oo halkii waqti ay ka gudbaan
3kun oo qof. Waxa soo booqda magaaldan
ku dhawaad 10milyan oo qof oo ajaanib ah.
Arrinka cajiibka ah ayaa a in Tokyo hawadeeda
aysan diyaaradi marin. Tan iyo dagaalkii labaad
ee dunida kadib ciidamada Maraykanka ayaa
maamula hawada Tokyo iyo nawaaxigeeda.
Waxaana laga mamnuucay in diyaaraduhu ay
dulmaraan. Laba madaar ayay leedahay oo u
jira masaafo 20km ah. Madaarka Haneda ayaa
ah kan afaraad ee aduunka ugu mashauulka
badan 90milyan rakaab ku dhow baa
isticmaala sannadkii.

Tokyo dadkeedu waa dad aad u shaqeeya oo 98% dadka shaqada u diyaarka ah waa ay shaqeeyaan, illaa 18saacadood ayay dadku shaqeeyaan waana meelaha ugu shaqada badan. Dakhliga soo gala sannadkii waa illaa $70kun. Halka cimrigoodu uu gaaro illaa 87sano celcelis ahaam, dad 100sano kpr u dhaafay oo kumanaan ka badan ayaa ku nool. Heerka hormarka aadanaha (HDI) waa mid kamida magaalooyinka ugu sarreeya. Dhaqaalaha iyo hal-abuurka kaalinta afaraad ayay kaga jirtaa.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Mogadishu