Xayaat Qurux

Xayaat Qurux

Share

Kuso dhowow page-ka saxda ee xayaat qurux

03/08/2024

Muqdisho: Sadaqadii Geerida Baajisay🥹😭

Innantan oo ka mid ahayd dadkii xalay ka badbaaday Qaraxii iyo weerarkii ka dhacay xeebta liido ee magaalada Muqdisho oo ka sheekaysay siday ku badbaaday ayaa tidhi.

“Intaan qaraxu dhicin ayaa anagoo dhawr hablood ah, dad badana nagu dhow yihiin ay na soo dul istaagtay Islaan dawarsanaysa, dabadeed waxaan arkay duruufta iyo diifta ka muuqatay Hooyadan dawarsanaysay ka dibna intaan aad u naxay ayaa ka codsaday islaanta inay ii sheegto numberkeeda si aan 1$ ugu diro,

Islaantii waxay ii sheegtay in aanay number haysan, si aan uga soo saaro lacagta waxaan ka kacay kursigii aan ku fadhiyay waxaanan u kacay meherad aan ka fogayn halka aan fadhiayay si aan hooyadan dawarsanaysay u siiyo sadaqada.

Markii aanu cabaar sii wada soconay aniga iyo hooyadii miskiinta ahayd meheradiina aanu tagnay waxa aan uga saaray mobile,kayga lacagtii markii Gacanta ka saaray ee aan is idhi laabo waxa mar keliya is qabsaday Qiiq iyo Qarax aan waxba arki kari waayay, aniga iyo hooyadii miskiinta ahayd oo iyana argagaxday ayaa ku dhacnay derbigii Meheradii aan ka soo wada baxnay,

Cabaar markaanu dhulka jiifnay waanu kacnay labadayadii ba waxaana aanu eegnay hortayadii oo waxaaba daadsan dadkii aan ka soo ag kacay oo ay ka ku jiraan saddexdii hablood ee ila fadhiyay dhamaantoodna way wada geeriyoodeen,

Illaahay markuu ku badbaadinayo waa sidan oo kale wuxuu shimbir iiga soo dhigay hooyadaa miskiinta ah ee sadaqada na waydiisatay keligay ayaan u kacay si aan hooyadan u siiyo sadaqo.”

03/08/2024

Illaahow unaxariiso inta dhimatey inta dhaawaca ahne Alle ha caafiyo😢

03/08/2024

Kuso dhowow page-ka saxda ah ee xayaat qurux mahadsanid.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Mogadishu
252